Qandala Home                           Qandala PSS

Tifaftiraha: Maxamed Muxiyaddiin Cali     
Todobadle MadaxBanaan Khamiis 8-da Novembar 2001, San 11aad,Cad 522-aad, Q.2000 Sh.So

Telfax: 252-1-219866/252-1-642645 (Mogadishu)Kala soo Xiriir Wargeyska Panorama: E-mail panorama@somalinternet.com ama panorama100@hotmail.com

GUDDOMIYE KU XIGEENKA SHABEELAHA DHEXE OO LA WAREEGAY GACAN KU HAYNTA DEEGAANNO KA TIRSAN MUQDISHO Ciise Dheere: "Hoggaamiyayaasha Muddullood sida
Muuse Suudi waxaan ...Bogga 1aad
GAARI MIINO KULA QARAXDAY NAWAAXIGA CEEL CADDE ...Bogga 1aad
COL. SHAATIGUDUUD IYO WAFDI RRA AH OO AADAY KENYA ...Bogga 2aad
XAFIISKA COL. C/LLAAHI YUUSUF OO SHAACA KA QAADAY INEY
QABSADEEN MADASHA SHIRKII GAROOWE ..Bogga 2aad
DARAAWIISHTA PUNTLAND OO XOOG KU QABSATAY XARUNTII
SHIRKA GAROOWE ..Bogga 2aad
XARUNTA DR. ISMAACIIL OO WALAAC KA MUUJISAY XARIG WARIYE..Bogga 2aad
DOWLADDA ITOOBIYA OO SHIRKII NAYROOBI KU TILMAAMTAY
MID DHIIRI GELIN LEH ...Bogga 2aad
KOORTA XEER ILAALINTA IYO XIINKA PANORAMA ...Bogga 3aad

-1-
GUDDOMIYE KU XIGEENKA SHABEELAHA DHEXE OO LA WAREEGAY


GACAN KU HAYNTA DEEGAANNO KA…
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga siyaasadda Gobolka Shabeelada Dhexe Ciise Axmed Dalabey (Ciise Dheere) oo ka mid ah kooxaha Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda Dowladda KMG ah, dhawaanna ka soo laabtay Dalka Itoobiya ayaa shalay ugu warramay Wariye ka tirsan Wargeyskan fariisin Cusub oo uu ka sameystay agagaarka Fagax, wuxuuna ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda uu maanta dalka ku sugan yahay, ujeeddada uu u dagay halkaas, nooca xiriirka kala dhexeeya dowladda Itoobiya iyo hoggaamiyayaasha kooxaha kale ee Soomaaliyeed.
"Sababta keentay inaan farriisin ka sameysto halkan waxay tahay, iayadoo deegaankan Siisii ilaa iyo Fagax ay aad ugu soo bateen qoladii Reer Carta, qal qal iyo deganaansho la'aanna ka abuuray deegaannadan, iyagoo adeegsanaya dhaqaale aad u badan, ayaan waxaan go'aansaday inaan isu soo ururiyo dhallinyarada nadiifka ah, Mujaahidiinti soo halgantay iyo waxgaradka deegannadaas, kadibna aan ku dhaqaaqno in aan goobahaas ka nadiifino kuwa qaska wada ee fariisinka ka dhigtay, iyo burcadda kale ee Isbaarooleyda ah" ayuu yiri Ciise Dheere.
"Dhulkan waa goobtii aan ka abaabuleynay halgankii hubeysnaa ee looga soo horjeeday rajiimkii Siyaad Barre, dhalinyaro badan ayaana naftooda qaaliga ah u huray dharaartii bilowga kacdoonkii Muqdisho oo ka bilowday deegaankan 28-kii December 1990-kii, qaar badan oo ka tirsan halgamayaashii bilaabay kacdoonkaas oo iyagoo niyad jaban iska dhex fadhiyey guryahooda ayaan u imid, kuna guubaabiyey iney horseed ka noqdaan samata bixinta dadkooda dhibaateysan, kuligoodna wey iga aqbaleen, waxeyna ku guda jiraan diyaar garow adag" ayuu yiri Ciise Axmed (Ciise Dheere).
Ciise Dheere wuxuu sheegay in dowladda Itoobiya ay tahay dal deris nala ah, kaas oo uu sheegay iney marti geliyeen qaxooti Soomaaliyeed oo ku dhaw Nus Malyuun, sidoo kalena Itoobiya ay tahay dal u heelan samata bixinta dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in sanadihii la soo dhaafay ay Itoobiya gacan ka geysaneysay dib u heshiisiinta kooxaha Soomaaliya si loo helo dowlad loo dhan yahay. Guddoomiye ku xigeenka guddiga siyaasadda ee gobolka Sh/Dhexe wuxuu sheegay in haatan dhalinyarada deegaankaas ay gacanta ku wada dhigeen, lana wareegeen sugidda amaanka ee Siisii ilaa iyo Fagax, halkaas oo uu sheegay iney ku yaalaan Hoteelo waaweyn, kuwaas oo uu sheegay in dhalinyarada deegaanku kasoo difaaceen cadowga xiligii dagaalada sokeeye.
"Ayaan darrada maanta heysata bulshada Muddulood ma aha mid cimrigooda horay u soo martay, beelo badan oo Soomaaliyeed ayaan maanta nagula colloobay deegaankaan ballaaran oo uu Illaah na siiyey , taas ayaana keentay guul darradii Muddulood ee shirkii Carta, taas oo hoggaamiyihii Muddulood ee xilligaas uu dhaafi waayay 12 cod kaliya" ayuu yiri Ciise Dheere oo dhanka kalena sheegay ineysan suurtagal aheyn in dadka Muddulood lagala dagaalamo iney dalka Hoggaamiyaan, wuxuuna sheegay in haddey si jilacsan ku waayeen ay ku raadin doonaan si adag."Hoggaamiyeyaasha Muddulood gaar ahaan Xaaji Muuse Suudi waxaan ka codsaneynaa in uu gacan nagu siiyo waajib gudashadiina" ayuu yiri Ciise Dheere oo dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa deegaanadaas iney gacan ku siiyaan sugidda amniga.
GAARI MIINO KULA QARAXDAY NAWA..
Gaari uu saaran yahay Qaboojiye nooca Kalluunka kediya oo ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha Ceseley ayay Miino kula qaraxday meel u dhaw nawaaxiga Ceel Cadde, halkaasoo ay ku dhaawacmeen laba qof oo saarnaaa Gaariga.
Maamulaha Garoonka Ceseley Bashiir Raage Shiiraar oo u waramayay Radio Banaadir ayaa sheegay in qaraxaasi uu ahaa Bam lagu soo rakibay Gaariga, kaas oo uu sheegay in Ujeedddadu aheyn in marka Gaariga hoos yimaada Diyaaradda inuu qarxo, balse uu sheegay in qaraxu soo hor maray, wuxuuna intaas raaciyay in uu socdo baaritaan la xiriira ciddii ka dambeysay falkaas.
Bashiir Raage wuxuu sheegay in amaanka waddada isku xirta Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha Ceseley ay tahay mid amaankeedu sugan yahay.

Xiddigta Panorama & Midnimo Information Center ( mic )

-2-
COL. SHAATIGUDUUD IYO WAFDI..
Wafdi ka socda Jabhadda wax iska caabinta Raxan weyn oo uu hor kacayo Guddoomiyahooda Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaatiguduud) ayaa shalay aaday Dalka Kenya, sida ay Wargeyskan u xaqiijiyiin Saraakiil ka tirsan maamulkisa oo jooga Baydhaba.
Wafdigan ayaa la sheegay inay martiqaad ka heleen Dowladda Kenya, si ay halkaas wada xaajood ugula soo yeeshaan Madaxda Kenya.
XAFIISKA COL. C/LLAAHI YUUSUF OO
Warqad Qoraal ah oo uu ku saxiixnaa Ismaaciil H. Warsame oo ah Madaxa Cabinedka ee Xafiiska Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, oo shalay loo soo diray Wargeyskan ayaa lagu caddeeyay in Xukuumadda Dowlad Goboleedka Puntland ay amarkii iyo kala dambeyntii ku soo celisay Garoowe, oo Xarun u aheyd Maamulkaas.
Howlgalkan ayaa lagu sheegay Warqadda iney si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Booliska iyo kuwa Daraawiishta oo qorshahaas ku jiray ilaa iyo shanta Bishan.
Waxaa kaloo lagu sheegay Warqadda in xoogaggaas ay si buuxda u koontaroolaan Wasaaradihii Dowladda, Bankiga iyo qeybo kale, sidii ay u galeen Qolkii shirarka oo ay sheegeen inuu ka socday kulan sharci darro, waxaa kaloo uu warku sheegayaa in ilaa iyo weli uu socdo howgalka.
DARAAWIISHTA PUNTLAND OO.
Ciidamada Daraawiishta ee Punland ayaa xoog ku qabsaday shalay xaruntii shirka Isimada Wuqooyi Bari ee Garoowe sida ay soo sheegayaan wariyeyaasha ku sugan deegaankaas.
Shirka oo filayay in shalay uu dhageysto war bixinada intii ka hartay musharixiinta jagadii madaxweynenimo iyo madaxweyne ku xigeenada ayaa hakad galay iyadoo albaabada loo laaabay xaruntii shirka Garoowe.
Gadoodka ciidamadan ayaa lagu macneeyay inuu salka ku hayo mushaar la'aan soo wajahday labadii biloob ee la soo dhaafay, taas oo ay la wadaagan shaqaalaha dowladda , hase ahaatee waxaa socda dhaq dhaqaaqyo lagu ogaanayey in gadoodku raad la leeyahay mushaar la'aanta iyo in uu jiro raad siyaasadeed oo ka danbeeya.
Dhaqaale aad u badan ayaa ka soo xarooda dekedda Boosaaso, hase ahaatee waxaa soo ifbaxaya warar sheegay lacag toban bilyan Shilin Soomaali ah oo ay is daba mariyeen sii hayaha xilka madaxtinimada Puntland Yuusuf Xaaji Nuur iyo qaar ka tirsan musharixiinta jagada madaxweynenimo u tartameysey.
XARUNTA DR. ISMAACIIL OO….
Xarunta Dr. Ismaciil Jumcaale ee Xuquuqda Aadamiga waxaa welwel iyo walaac weyn ku abuuray xarigga loo geystay weriye Max'ed Abuukar Caseyr oo lagu xirey Degmada Jawhar ee magaala madaxda Gobolka Shabeellada Dhexe taariikhdu markay ahayd 3/1-1/01, asagoo ku guda jira gudashada hawl maalmeedkiisa caadiga ah ee weriyenimo, taaso xadgudub weyn ku ah Xuquuqda Aadamiga, qodobkiisa 19-aad (xorriyadda ra'yiga iyo hadalka) ee ku xusan Baaqa Caalamiga ah.
Xaruntu waxay u soo jeedinaysaa maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe In uu si dhaqsa ah oo aan shuruud lahayn ku sii daayo weriye Max'ed Abuukar Caseyr oo ay xaaladdiisa caafimaad aad u liidato, lana ildaran cudurka Mallaariyada sida aan ka helnay dad ku dhow goobta uu ku xiran yahay.
War saxaafadeedkan ayaa waxaa ku saxiixnaa Guddoonka xarunta Marwo Maryam xuseen.
DOWLADDA ITOOBIYA OO SHIRKII….
Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dalka Itoobiya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in shirkii dhawaan Magaalada Nayroobi ku dhex maray Madaxweynaha KMG ah C/qaasim Salaad Xasan iyo xubno ka tirsan Golaha SRRC uu ahaa mid dhiirigelin leh xagga nabadda.
Warkan oo laga sii daayay Laanta Soomaaliga ee BBC ayaa lagu sheegay in haddii la qabto shirar isdaba joog ah la gaarayo xal kama dambeys ah, waxayna ugu baaqeen xoogagga Siyaasadeed ee kooxaha Soomaliyeed iney gacan ka geystaan xal u helidda arrimaha Soomaaliya.
Warkan wuxuu intaas raaciyay in dhawaan Ra'iial Wasaaraha Dalka Itoobiya Atto Meles Zanawi iyo Madaxweynaha Dalka Kenya Danial Arap Moi ay Takeefoon ugu sheekeysteen arrimaha Soomaaliya iyo sidii loo wajihi lahaa xalkeeda
Xiddigta Panorama & Midnimo Information Center ( mic )

-3-
KOORTA XEER ILAALINTA IYO XIINKA PANORAMA
Dhaw…dhaw…dhaw…waa dhawaaq koor, balse aad uga duwan tan qoorta loo suro Geela, kana sameysan geedka loo yaqaan Lebiga, nooceeduna yahay DHAWLE, waa mid ka geddisan labada nooc ee loo kala yaqaan DARMAAN iyo ALEEL, taas oo qoorta loo suro Hasha gooni daaqa ah, si loola socdo meesha ay joogto, looguna raadiyo markey lunto, hase ahaatee koortan Dhawle oo aan qormadan uga hadli doono ma aha mid suran qoorta hal ama rati, waa mid sida garabaatiga uga lulaneysa qoorta ku xigeen xeer Ilaaliye ee dowladda Cabdiqaasim Salaad Booy.
Cabdullaahi Maxamed Jimcaale Barre Tooxow, waxaa qoorta loo suray koor lagu soo farsameeyey deegaanka Guriceel, taas oo dhawaaqeeda ay aad uga heleen Geeleyda reer Guriceel, waa mid loogu talo galay in lagu ogaado sida uu u gudanayo howsha loo xilsaaray, dhaw dhawdeeda aad ayey u yaqaaniin dadka reer Muqdisho, gaar ahaan kuwa deggan Siinaay, aad ayey uga helaan Carruurta xaafadahaas mararka uu xeer ilaaliyuhu dhex hadaafayo deegaannada reer cadde, khaas ahaan nawaaxiga guriga wasiirka Sayniska iyo Teknolojiyada ee dowladda C/qaasim, lana yiraahdo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle (Madaxey) iyo Maxamuud Cabdikariim Gabeyre oo ka mid ah musharrixiinta jagada guddoomiyenimo ee rugta ganacsiga Hiraab oo dhismaheedu muranka ka taagan yahay.
Haweenka yaanyooleyda ah ee suuqyada Kaaraan, Suuq Bacaad,iyo Maanaboolyo ee qudaarta ka doonta Suuqyada Khudradda ee raaca basaska koowaad ee subaxnimada hore (Prima) ayaa arka subax kasta Cabdullaahi Maxamed Jumcaale oo tahliil ku firdhinaya gudaha iyo dibadda xafiiska uu ku leeyahay Siinaay, wuxuu dulmi u geystaa dadka isagoo adeegsanaya darajada xeer Ilaalinta aan jirin, tusaale ahaan isaga oo kaashanaya walaalkiis ka weyn ee Ilyaas Xaaji Maxamuud ayuu warqad uu ku saxiixnaa u soo diray tifaftiraha Wargeyska Panorama Maxamed Muxiyaddiin Cali, taas oo looga codsanayey in uu hortago xafiiska xeer ilaalinta, sidoo kalena warqad labaad ayuu soo diray taas oo uu ku sheegayo in uu amar ku bixiyey soo qabashada iyo xarigga tifaftiraha, waxaase la yaab leh handadaadda joogtada noqotay ee ka imaaneysa Cabdullaahi Maxamed Jumcaale, taas oo ujeeddadeedu tahay inuu cabburiyo xorriyadda saxaafadda, taakana uu u noqdo xiinka Wargeyska Panorama, si loo qariyo kaaha iyo bidhaanta kow iyo toban jirsatay ee saxaafadda madaxa bannaan ee Soomaaliya oo uu hormuudka u yahay Wargeyska Panorama oo ilaa hadda ah kan ugu da'da weyn Wargeysyada xorta ah ee ka soo baxa Soomaaliya.
Waa xeer ilaaliye ku shaqeynaya hirgelinta iyo fulinta mabaadii'da xagjirnimo ee ku dhisan qabiilka, NINKII I RARAAYA HEY RARTEE…ANIGU ROOTIYAAN RABAA..!!! waa xeer ilaaliye ku luqeynaya shiribkan, danna mooday inuu u shaqeeyo dowlad aan laysku wada raacsaneyn.
Ka warran ninka sheeganaya mas'uuliyad haddana qofka ku xumeynaya deegaanka uu deggan yahay, isagoo ceeb u yeelaya ama ku dhaliilaya maamulka kooxeed ee ay hoos tagto xaafaddaas, waxaanse u qaatay, una fasirtay erayada xeer ilaaliyaha inuu ula jeeday in Siinaay ay ka fiican tahay Kaaraan dad ahaan iyo deegaan ahaanba, waase aragtidiisa.
Maxaa u diiday inuu xitaa hal mar soo hadal qaado labadii canug ee reer Baraawaha ahaa ee Booliska kooxda KMG ah ay ku shiish barteen duleedka dugsiga sare ee Booliska ee Magaalada Muqdisho, markii ay hooyadii dhashay dacwootayna iyadii la xiray, maxaa u diiday in uu ku dhiirado soo hadal qaadka dhagar qabayashii ka dambeeyey dilkii loo geystay Jeneral Yuusuf Axmed Tallan, afduubkii Dr.Saciid Axmed Kutub, Maxaa u diiday inuu soo hadal qaado dembiyada waaweyn, tacaddiyada, ciqaabaha xanuunka badan iyo dhibaatooyinka lagula kaco dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ay xoogga ku haystaan jufada ninka madaxda ka ah dowladda uu sheeganayo inuu xeer ilaaliyaha ka yahay, sow ma dhici karto in xeer ilaaliyaha naf ahaantiisu aysan gurigiisa ka shaqeyn caddaaladda uu sheeganayo.
Waan sii macneyn karaa erayadan haddii ay igu kallifto inaan ummadda Soomaaliyeed u sheego sida ay caddaalladu uga shaqeyso guryaha Ilyaas Xaaji Maxamuud iyo walaalkiis Cabdullaahi Maxamed Jumcaale Barre Tooxow, kuwaas oo heshiis kula galay C/qaasim Salaad inay demin doonaan kaaha Wargeyska Panorama, oo bidhaantiisu ay dhibeyso kuwa diidaya in dadka lagu soo baraarujiyo ogaanshaha waxyaabaha ka dhacaya deegaannada ku xeeran, waxaana u sheegayaa dadka Soomaaliyeed in labadan nin ee walaalaha ah oo aan ka hadli karin waxyaabaha kale ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, inay yihiin kuwo lagu fidneynayo dadkooda dhexdiisa, lase arki doonee magac xumada ay ka dhaxlaan, iyo waxa ciribtoodu ku dambeyso, taariikhda ayaana keydin doonta, sidii loo keydiyey kuwii shirqoolay, kuna markhaati furay Salaad Gabayre Kediye, kuwii soo jaajuusi jirey Dr.Ismaaciil Jumcaale qaar kale
W/D: Maxamed Xasan Jeeri
mohamedhjery@yahoo.com


Xiddigta Panorama

 Kor
Xiddigta Panorama

Copyright © 2001 By Qandala.