Qandala Home                           Qandala PSS
Idaacad FM
Idaacad Cusub oo FM ah oo Laga Furay Magaalada Bosaaso
Somali News Center, Bosaso | sncbosaso@brtel.net October 07, 2001
Waxaa maalmahanba si tijaabo ah uga hadlaysay magaalada Bosaaso Idaacad nooca FM-ka ah, tasoo si faseex ah looga dhageysanayey daafaha magaalada oo dhan.
Idaacadan ayaa waxaa iska leh Koox Suxufiyiin u dhalatay Puntland.
Maamulaha Idaacadan Cusub ayaa sheegay in maalmaha soo socda si toos ah loo furayo barnaamijyada Idaacada, wuxuuna sheegay in ilaa iyo hada ay ku jirto tijaabadii hawada.
wuxuu kaloo sheegay madaxa idaacadan cusub C/shakuur Mire Aadan in dhowaan ay idaacadu ka hadli doonto magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo iyadoo FM ah.
Idaacadan ayaa dad badan oo deegaanka Puntland ku nool soo dhaweyeen, waxayna ugu hanbalyeeyeen Suxufiyiiinta isku xil qaantay hirgelinta idaacad tayaysan in ay qeyb weyn ka qaadan karayso hanaanka nabadeed ee deegaanka Puntland.
-Dhammaad-
 Dib ugu Noqo

Macluumad ku saabsan socdaalka
(Current information from the INS)
Radio Mindnimo oo laga dhaageeysto Bosaaso
(Story about new radio in Bosaaso, Somalia)


Somali News Center 2001-10-07
Copyright © 2001 By Qandala