Qandala Home                           Qandala PSS
CABDULLAAHI FIRIMBI 00 DIIDAY KHUDBAD SAYNAB XAAJI BARAAKO AY JEEDIN LAHAYD  
Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Cabdullaahi Firimbi ayaa la sheegay inuu hor istaagay khudbad ay shalay Saynab Xaaji Baraako oo ah Guddoomiyaha Ururuka haweenka Soomaaliyeed ka jeedin la heyd munaasabadda Sannad Guurada koowaad ee Aasaaskii Ururka haweenka Gobolka Banaadir oo lagu qabtay Xarunta Gobolka Banaadir.

Liiskii Dadka ku qornaa iney halkaas Khudbad ka jeediyaan oo ay markii hore ku jirtay Saynab Xaaji Baraako ayaa laga tiray kadib markii ay goobtii xafladda soo gashay Marwo Biibi Cumar Cabdulle oo uu la socday seyidkeeda Madaxweynaha KMG ah, taasoo salka ku haysa eedeeyn ay horay Saynab Xaaji Buraako ugu jeedisay Marwo Biibi kuna saabsaneyd iney ka shaqeyneyso kala furfurka Haweenka Soomaaliyeed.

Wariyaha Wargeyskan ee goob jooga ka ahaa shirkaas ayaa soo sheegay in ay halkaas isaga soo baxeen Saynab Xaaji Baraako iyo haween kale.

Maxamed Muxyadin Cali
Xafiiska Midnimo
Muqdisho Telfax: 00252-1-219866
Maxamed Muxiyaddiin Cali
Xafiiska Midnimo ee Muqdisho
Muqdisho-Soomaaliya
Kala xiriir panorama@somalinternet.com
Copyright © 2001 By Qandala