Qandala Home                           Qandala PSS
WASIIR KU XIGEEN KA TIRSAN DOWLADDA C/QAASIM 00 SHEEGAY IN HABARGIDIR AY MAR HORE DEGTAY SHIHOOSE.
Wasiir ku xigeen ka tirsan Dowladdai kalsoonida lagala nogday oo ah Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Biyaha Maxamuud Cali Xasan (Afgooye) ayaa sheegay in muddo hore ay Beesha Habargidir degtay Gobolka Sh/Hoose, Xoolo, Beero iyo Hantina ay ku leeyihiin, "C/Ilaahi Axmed Caddow wuxuu ku dhashay Degmada Baraawe, Cali Xaaji Yuusuf wuxuu ku dhashay Degmada Marka, aniguna waxaan ku dhashay Degmada Afgooye, dadkaas oo kale mala dhihi karaa deegaanka wax kuma laha?" ayuu yiri Wasiir ku xigeenka.

Wasiir ku xigeenka oo Wareys ay la yeelatay (Jariidadda Sanca Caddadkeedii soo baxay 23/12/2001) ayaa sheegay in aan Dalka Soomaaliya Deegaannadiisa la kala laheyn, burburka dalka ku yimidna uu keenay in Deegaannada dalka dadka loo kala nisbeeyo.

Mar ay Jariiradda weydiisay sida ay suurtagal ku nogoneyso in Dowladda KMG ah Gobolka Shabeelaha Hoose u sameyso maamul, iyadoo welil la kala haysto Hanti, wuxuu ku jawaabay "Shirkii Carta Ummadda was ay isku cafisay, sidaas oo kalana dadka Gobolkaas way is cafiyeen, haddii ay maamul dhisan waayaan dadka Gobolkaas waxaa hubaal ah in ay Xukuumaddu u magacaabeyso maamul".

Wasiir ku xigeenka oo haybawadaag ay yihiin Madaxweynaha Dowladda KMG ah ayaa gaashaanka ku dhuftay tacadiyadii iyo dhibaatooyinkii loo geystay dadka Gobolkaas degan sida barakicinta iyo biyaha Wabiga oo xitaa laga iibiyo.

Waxaa uga jawaabay >>Dr Abdullahi Mohamud Doolow

Maqaalkaani waxaan ka soo xiganay>>Halkaan
Maxamed Muxyadin Cali
Muqdisho Telfax: 00252-1-219866
Maxamed Muxiyaddiin Cali
Muqdisho-Soomaaliya Kala xiriir panorama@somalinternet.com

Copyright © 2001 By Qandala