Make your own free website on Tripod.com
Qandala Home                           Qandala PSS
ISBAAROOYINKA OO KU SOO BADANAYA GOBOLKA BARI
 Wargays-ka Yamayska

TODOBAADLE MADAXBANNAAN OO KA SOO BAXA GAALKACYO, PUNTLAND, SOOMAALIYA
CADDADKA 12aad-aad *** TALAADO, December 25, 2001 *** YAMAYSKA.COM *** QIIMAHA SH. SO. 2,000
TAFAFTIRAHA A. SALWE
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in wadada dheer ee isku xirta Boosaaso iyo Garoowe ay hadda ku soo badanayaan Isbaarooyin ay dhiganayaan maleeshiyo beeleedyo aan cidna ka amar qaadan oo iskood isu abaabulay.

Nin shalay safar ku maray inta u dhaxaysa Qardho iyo Boosaaso ayaa xalay asaga oo jooga Boosaaaso wuxuu Yamayska khadka Taleefoonka ugu sheegay in uu wadada isku xirta labada magaalo uu kusii maray in ku dhaw 20 Isbaaro oo ay haystaan dhalinyaro iskood isu uruursaday. Ninkaas oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa intaas raacshay in magaalooyinkaas ay ku soo badanayaan dhalinyarada humaysan ee aan cidna ka amar qaadan.

Galabnimadii Khamiista ayaa maleeshiyo beleed aad u xoogan waxay qabsadeen Kontaroolka Boosaaso laga galo oo uu yaal Kastam muhiim ah. Waxayna haysteen tan iyo subaxnimadii Sabtida aakhirkiina waxaa maleeshiydaas looga saaray baryo iyo balan qaadyo loo sameeyey. Tan iyo intii khilaafka siyaasadeed soo galay Puntland bartamihii sanadkan waxaa guud ahaan khalkhal galay aamaankii guud ee dalka iyo dadka Puntland.

Dadka qaar badan oo ka mid ah ayaa qaba in inta doonaysa in ay xasilooni daro abuurto oo hubka wadata ay ka badan yihiin kuwa qoryaha la dhex maraya magaalooyinka ee ka cabsi qaba in amaan kooda wax la yeelo. Waxaana aad farta loogu fiiqaa Gobolka Bari oo ugu daran meelaha aadka looga hubaysan yahay ayna ku nool yihiin qabaa'ilo aad ugu kala duwan siyaasadda aan midaysnayn ee maantra ka taagan Puntland.

Yamaeyska
Copyright © 2001 By Qandala