Qandala Home                           Qandala PSS
REER MUQDISHO IYO REER CARTE KEEBAA  BURCAD LAGU TILMAAMI KARAA?
Report from Midnimo
Dagaalo lagu qaadi rabo goobo uu ka taliyo Al-Xaaji muuse suudi iyo Maxmed Cummar xabeeb oo mar dhow la filaayo in ay ka dhacaan magaalada Muqdisho sidaasna waxaa qoray  Wargeyska todobaadlaha ah ee MuggaStars ee ka soo baxa  Magaalada madaxda  Muqdisho ee Xorta ah..17/01/02
Beryahaanba sida aan lawada socono waxaa Muqdisho in ay yimmaadaan laga yaabaa wafdi heer sare ah oo Qaramada midoobay ka socda  sida la sheegay in ay soo indha indheeyaan meelaha ay nabadda ka jirto iyo qaabka la doonaayo in wax loogu geeyo iyo cidda ka masuulka ah haddey noqon lahayd reer carte ama kooxaha  kale ee iyaguna xoogga ku haysto qeybo badan oo ka tirsan magaalo madaxda Muqdisho.
Sida aad la socotaan waxaa maalin dhaweed BBCda ka hadlay nin u hadlay kooxaha Muqdisho xoogga ku haysta mid kamid ah oo la yiraahdo Xassan Bariise isaga oo soo xiganaayo nin aad wada garaneysaan oo la yiraahdo Mr Xassan Abshir oo isaga balan ku qaaday in uu ammaanka Magaalada Muqdisho wada sugi doono  kana tir tiri doono dhammaan burcadda .
Maraka reer Muqdisho miyuu u maleynayaa in ay weli yihiin sidii waagii uu waddanka xukumi jiray kaligii taliyihii xukunka laga tuuray ee Maxmed Siyaad Barre? Ee uu u ahaa kabo qaadka darajadana uu ku gaaray in uu baabiiyo dhammaan  Magaalada  iyo dadkeedba  oo midna aan loo aabe yeelin.
Suaal:     Reer muqdisho miyaad ilowdeen Magaca xassan Abshir iyo    dhacdadooyinkii dhulka  iyo kala qeybintii Jardiinooyinka  oo la idiin ka raray lana idiin dejeiyey baadiyaha Magaalada Muqdisho haddii ay taasi sax ahayd oo dowlad loo shaqaynaayey maxaa  dib loogu dhisay oo loo dejiyey dad mudan goobtaas adiga lagaa qaaday, masoo galootigaa kaa xaq gaar ah dhulka ku laha? Jawaabtu waa maya.
Warkii horeba war soo dhaaf Xassan issagana waa maquustee markale isagoo sidii kaliito soo noqoyey ee ma adigaa burcad ah misse reer carte oo xassan  kuu isticmaalayo mar kale.
Waxaa nagu maqaalaa in uu yiri  Aniga ii daaya reer Muqdisho waan is garanneynaa! oo waxaa iiga marqaatiah  dhammaan inyiina reer carte ah.
Waxa aad mar welba maqashaan sifeyn burcad  cid kale ma ahan ee waa reer muqdisho oo aan kala soocneynin.
Qoraalkeygu ma ahin in aan aniga doonaynin in Muqdisho degin  oo mar welba dagaal dooneyno ee waa is wacyi gelin  waqtigeeda lajoogo in wax laysku sheego. Markii hore waxey ahaayeen midqurah haddase waanu kala jejibinay oo mid mid wax u oggol kuma jiroh ee anniga iyo cabdi qeybdiid inoo daaya  kuwa doonahaya in ay is hor taagaan immaanshaha  Unka sidaas waxaa yiri Mr Abshir oo aan biyo u kabboon hadalkaas..Waxaad hadalkeyga ku garan doontaan reer muqdishow markii weerar laidiinku soo qaado iyadoo loola jeedo markale in la soo nooleeyo dhul iskala wareeggi hore oo kale  waxaana taasi takhasus ku qaatay Mr Abshir iyo saaxibkiisa salaad booy wiilkiisa Cabdiya oo issagu xishoodkiiba meel fog iska dhigay .
Waxaad qoraalada ku aragteen in dhowr  tekniko ah lasiiyey xassan abshir oo la doonaayo in lagula dagaalamo  reer muqdisho iyo Mudanyaasha xaq u dirirka la kala yiraahdo 1: Maxamed Cummar Xabeeb(Mxmed Dheere)  2: Muuse suudi yalahow iyagu ilaah cimrigooda ha dheereeyee  iyo inta ka dagaalanto in cadowga la iska kacsho waayo cadow waa ina haystaa oo dhulkoodii ayey ka soo duuleen si ay u qabsadaan dhulkeynii xalaasha ahaa Iyagoon cidna kala tashan .
Waxay ila tahay in lagu kicin karo oo qurah in lays miidaamiyo oo hotelada loogu galo kadibna markii aad wada qabsataan dhulkiina add ilaah ka baqdaan oo aad Islaamka dadka ku xakuntaan haddii kale xassan waa soo noqonaa waayo xaqdarro ayaa meesha kajirto meel kasto oo adduunka kamid ahna xaqdarrada ka jirto waxaa u sabab ah diin islaam isku xukun laanta.
Waxay goosteen in dhaqso la idiin tirtiro  lana isticmaalo caado qaatayaasha dhuuni raacyada  ummadda dulliga u horseeday ee keenay in maanta hassan yiraahdo xammar ayaan tuugada mar kale ka nadiifinaa.
Tallo Muhiim ah: Gaalada u isticmaala (USA,EU) cadowga inta aanan adinka la idiin isticmaalin waayo wax walba wey sammeynayaan oo kursiga lagu hanan karo. Waxaa jirtay maahmaah carbeed oo dhaheysay ku qadee inta uusan cadowga kuugu cashaynin waana arrin aad u muhiim ah.
Report from Midnimo
Wabillahi towfiiq
muggastars@hotmail.com
Warbixin ku saabsan wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho. Maxamed waxaa uu sheegayaa in DKM ah ay hub iyo saanad kaleba u dirtay Puntand. Iyo waliba in beelaha qarkood ay ku kala qaybsameen siyaasada ku wajahan maamulka Carta lagu soo dhisay.

Copyright © 2001 By Qandala.