Qandala Home                           Qandala PSS
Ku: Dadka Puntland
Kooxda xukuka isku heeysata
Aqoonyahanka Puntland
Ganacsatada Puntland
Hogamiyayaasha Diinta
Isimada Puntland
Baaq Nabadeed
Hadeer waxaanu mareynaa wakhti dhan lix bilood arinta Puntlandna aad uma qurux badna. Xungurufka siyaasadeed waxaa masuul ka ah gacmo sadexaad, aqoondaro, iyo xukun jeceyl dad qaarkiis aad ugalay.
Waxaanu halkan ka soo jeedineeynaa qodobadan hoos ku xusan:

1. Jiritaanka Puntland weey ka qiimobadantahay jego madaxweeyne nimo oo loo looltamo.
2. Puntland waxaa loo aasaasay si eey dadka ku nool goboladaas eey uga badbaadaan nabadgalyo xumadii ku habsatay Soomalia.
3. Qalalaasaha ku habsatay Puntland waa mid eey ka dambeeyaan kooxyo aan rabin Puntland ineey horumar gaarto waana inaan iskaqabaana kooxdaas.
4. Waxaanu halkan ku soo bandhigeeynaa in loo baahan yahay in khilaafkan kadextaagan labada kooxood in loo dhiibo khubuur aqoon u leh dastuurka, khubuurtaasna waxeey noqon donaan dad aan Soomali ahayn (si loo soo afjaro xigto ama eex) labada koox oo xukunka isku haysata ayaana dooranaya qofkeey ku go'aan.
5. Waxaa muqadisah in markaas ka dib Puntland dastuurkeeda la xushmeeyo oo hadii eey noqoto in wax laga badalo lagalatashan doono parlamaanka iyo afti lagaqaadidoono dadka Puntland.
6. Hadii khubuurtaas aqoonta u leh dastuurka eey xalinwaayaan arintaas wexeey noqondoontaa in lasuubiyo gudi diyaariya tartanka doorashada. Wexeey noqon doontaa in lasiiyo qof walba oo ka weey 16 sano aqoonsigii uu ku codeeynlahaa, tani wexeey awood u yeelaneeysaa in qofkasta uu codeeyo oo eexasho iyo xigto meesha laga saaro. Qalabka komputerka ayaana loo isticmaalidoonaa arintana anagaa falankeeda qaban doona. Waxaana codeeynkara dadka ku nool asalna ku leh goboladaas.Waxaad kala soo xiriiri kartaan arintaan Dr.Ali Abdullahi oo ciwaankiisa kor ku qoran.
Puntland Latest NewsQandala Home
(Report from Mohamed Said Omar.) 27-1-2002
Copyright © 2001 By Qandala.