Qandala Home                           Qandala PSS
MUUSE SUUDI "Xasan Abshir waa nin markii uu isku soo diray dadkiisii ka soo tagay
Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda risaaladii ka soo baxday shirkii CARTA ayaa mar uu shalay shir Jaraa’id ku qabtay xaruntiisa W/Muqdisho kaga hadlay war ka soo baxay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Dowladda KMG ah Md. Xasan Abshir oo dhigayey in hogaamiyayaasha kooxuhu ay ku koobnaadaan xiryahooda inta la sugayo ammaanka magaalada Muqdisho.
"Ciidammada wadooyinka Muqdisho maraya waxaa ku jira kuweyga, mana jirto cid is hortaagi karta, qoladii Isbaaro u dhigatana waan burburineynaa, waxaanse uga digayaa Odayaasha Mileteriga lagu sheegay in aysan darbiyada iyo dariiqyada ku dhiman" ayuu yiri Muuse Suudi oo gaashaanka ku dhuftay Wareegtadii uu soo saaray Xasan Abshir, wuxuuna intaa ku daray "Ciidammada nabagelyo xumida abuuraya maahan kuweyga, kuwa Xuseen Ceydiid iyo kuwa Caato ee waa kuwa kooxda CARTA, ee beenta loo sheegay oo aan wax mushaarad ah weli la siin, mana jirto in ciidamadeenu ay weli wax dhib ah ka abuureen dalka, hase yeeshee waxaa jidka xiranya ee dadka dhacaya waa kuwa kooxda CARTA"
"Xasan Abshir waa nin markii uu isku soo diray dadkiisii ka soo tegay, kama yeeleyno in uu dib u soo celiyo mar kale in uu kala qeybiyo magaalada Muqdisho" ayuu yiri Muuse oo sheegay in uu ogyahay in Xasan abshir ay magaalada Muqdisho u yaaliin saddex shandadood oo kaliya.
Muuse Suudi Yalaxow waxa kale oo uu sheegay in xarunta SRRC ay tahay magaalada Baydhabo, ayadoo uu sheegay in tan labaadna ay tahay xaruntiisa, wuxuuna sheegay in xilka xog-haya guud ee Golaha SRRc laga qaaday mowliid Macaani Max’uud.

(Report from Mohamed Muhiyadin Ali)
Warbixin ku saabsan wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho. Maxamed waxaa uu sheegayaa in DKM ah ay hub iyo saanad kaleba u dirtay Puntand. Iyo waliba in beelaha qarkood ay ku kala qaybsameen siyaasada ku wajahan maamulka Carta lagu soo dhisay.
(Report from Mohamed Muhiyadin Ali)
Copyright © 2001 By Qandala.