Make your own free website on Tripod.com
Qandala Home                     Qandala PSS    Qandala
 Muuse Xaaji Saciid Muumin (Abees)
Musse Hagi Said Mumin (Abes)
BARNAAMIJKA WAXQABAD MUSHARAXA JAGADA MADAXMEYNAHA DGPL. MUDADA KALA GUURKA AH EE 2001 - 2004.
Mudane : Muuse Xaaji Saciid Muumin (Abees)
Anigoo Ah Murashax Muuse Xaaji Saciid Muumin (Abees) Waxaan Halkan shirweynaha sharafta leh ugu soo bandhigayaa Barnaamijkayga waxqabad ee ku wajahan doorashada Jagada hoggaaminta geyiga Puntland waana sida soo socota:
HORDHAC
Waxaynnu wada ogsoonnahay in dadka isir wadaagga ah ee ku kala dhaqan Gobollada Bari, Nugaal, Mudug, Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle ay dadaal fara badan iyo halgan dheer u soo galeen sidii ay u wada dhisan lahaayeen nidaam maamul oo mideeya, waana innagii ku guulaysannay dhismaha MGPL 1998dii, aad ayaana la innoogu kuunyey.
Dadka reer PL meel ay joogaanba gudaha iyo dibeddaba waxaa la isla qirayaa in loo baahan yahay jiritaanka iyo horumarinta PL, waxaana maamulka PL loo dhisay in uu dadka iyo dalka wax u qabto, noqdona mid u debecsanaada, dhegeysta, tixigeliya, u dulqaata, isu keena, la tashada, hirgeliyana fikradaha iyo himilooyinka dadweynaha.
Mar haddii sidaas loo arko waxaa lagama maarmaan ah in laga ilaaliyo PL wax sumcaddeeda iyo jiritaankeeda wax u dhimaya ama sharafta qarannimada Soomaaliyeed meel ka dhac ku noqon kara, waxaana lagu asaasay jawi ehelnimo, rabitaan dadka ka yimid iyo qiiro wadaninimo.
Dadku ra’yiga waa lagu kala duwanaan karaa laakiin daneheenna asaasiga ah iyo jiritaanka Puntland ma aha wax la isku khilaafi -karo. Waxaana rajaynayaa in aynaan isga darin , garana–waayin nabadda iyo nimcada aan ku jiro, iyo inaan si ka fiirsi la,aan iyo laab la kac ah loogu dhicin siriq iyo siyaasado sirgaxan oo meelo kale laga soo alifay, kuwaas oo u quuri la, punt-land midnimada,maamulka iyo wada jirka.

BALLANQAAD
Waxaan ergadayda sharatfa badan ee wakiilka ka aha shacabkayga reer Puntland la socodsiinayaa in haddii Alle idmo oo aad ii doorataan xilka hoggaamineed ee DGPL iyo u adeegidda bulshada , ballan qaadayaa :-
Inaan ilaaliyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, Axdiga iyo dastuurka ummaddu ku heshiiso, garsoorka iyo caddaalada, midnimada dadka isir wadaagga ah, siyaasad furfuran oo ku dhisan suuro-gelin helitaan qaran Soomaaliyeed, sugida nabadgelyada geyiga PL, ka shaqeeyo horumarinta arrimaha bulshada, dhismaha hab maamul baahsan, kobcinta dhaqaalaha, dhismaha kaabayaasha dhaqaale, horumarinta reer miyiga, yareynta shaqo la,aanta, isla-markaana ilaaliyo iskana ilaaliyo hantida ummadda

ARRIMAHA DIINTA.
Diintu waa asaaska nolosha iyo dhismaha shacabka. Maadaama aan nahay dad muslim ah waxaan ku dadaalayaa In si rasmi ah oo aan bushimaha dushooda ahayn loogu dhaqmo Shareecada Islaamka, lana mideeyo wada shaqeynta iyo wax qabadka Culimaa’udiinka, tixgelin gaar ahna la siiyo, lagana faa’iidaysto aqoonta diineed. In la suura geliyo machadyo diini ah lana maamuuso goobaha barashada Quraanka Kariimka ah, islamarkaana kor loo qaadayo. maqaamka Macallimiinta Qur’aanka iyo barbaarinta ubadka. Waxaa lagama maarmaan ah in la abuuro hay’ad la dagaalanta anshax xumida, munkarka reebta, macruufkana farta.

GARSOORKA
Waxaynnu xog-ogaaal u wada nahay in sababaha Soomaaliya burburku ugu dhacay ay ugu weyn tahay quursiga aan u geysanay Garsoorka ama Caddaaladda. Waxaa awood jiritaan oo siman leh, bulshaduna waxqabadkooda u wada ooman tahay golaha xeer-dejinta, Golaha Xukuumada iyo Hey’adaha Garsoorka, hase yeeshee nasiib darro waxaa ah in la curyaamiyay, inay wax qabtaanna loo diiday Hey’adaha Garsoorka. Sidaa darteed, haddii la igu aamino hoggaanka DGPL waxaan ku mintidayaa sugidda madaxbanaanida Axdigu u jideeyay Garsoorka iyo in la xaqiijiyo imkaaniyaadka lagama maarmaanka u ah fullinta cadaaladda iyo amniga, waxaana ka bogsan doonnaa in aan qofna u baahan in uu gacmahiisa caddaalad ku samaysto oo uu aano cid kale ku dilo ama wax ku dhaco.
Sidoo kale waxaa maxkamadda sare lagu dari doonaa garyaqaanno ku takhasusay shareecadda islaamka iyo qawaaniinta maadiga ah, si ay dhisanto maxkamaddii dastuuriga ahayd ee Axdigu qeexay baahida waynna loo qabo si looga hortago dhibaatadii dastuuriga ahayd ee dhacday in ay mar kale inna soo foodsaarto in sha allaah.

MAAMULKA
In maamulka pl ahaado mid ay u adeegaan, horumarkiisana horseedaan hawlwadeenno aqoon, daacadnimo,hawlkarnimo iyo waayo-aragnimo lagu xulo, kana hufan qabyaaladda, eexda, daneysiga iyo musuqmasuqa. Wuxuu maamulku yeelan doonaa hay’ado ku sameeya maamulka dabagal, kormeer joogto ah iyo xisaabi xil maleh sida sharcigu qabo. Maamulku wuxuu xoogga saari doonaa sugida nabadgelyada, ururinta canshuuraha, kasbashada iyo wada shaqaynta ha’yadaha caalamiga ah, isku xirnaanta hey’adaha garsoorka, maamulka iyo barlamaanka, tayo u yeelidda ciidamada nabadgelyada iyo sugidda noloshooda. Maamulku wuxuu ahaan doonaa mid baahsan oo dalka wada gaara, kuna shaqeeya xilkasnimo iyo kalsooni buuxda, sababtoo ah shaqo waxay ka dhisantaa ama ka duntaa madaxa oo ah maamulka. Madaxda Maamulka PL waxay ahaan doonaan kuwo kormeer iyo shaqoba ku taga dhammaan geyiga PL, mana ahaan doono mid ku eg Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo, sidii horay u dhici jirtay. Dawladaha Hoosena waxay ahaan doonaan kuwo shacabka PL u madax banaan-yahay doorashadooda.

SUGIDDA NABADGELYADA
Reera Nabadaa naq la geeyaa. Waxaan aamminsanahay in ay waajib tahay sugidda Nabadgelyada geyiga PL bad iyo beriba, kalsooni buuxdana shacabku ku seexdo, Insha Allaah. Ciidammada PL ayaa u muuqda kuwo dhakhso ugu baahan tayo u yeelid, sida tababar, agab iyo in kor loo qaado nolosha ciidanka. Waxaa maamulku ku xoogayn doonaa nabadgelyada dhexmarka iyo nabadeynta deegaamada bulshadu ku dhaqan tahay, waxaana tixgellin la siin doonaa duruufaha adag ee deegaan kasta oo PL ka mid ah u gaar ah, sida Buuhoodle, Mudug, Sool iyo Sanaag. Sidoo kale waxaan u hawl gelayaa sidii kor loogu soo qaadi lahaa awoodaha hey’adaha fullinta sharciga ee ciidanka Booliska , maxkamadaha iyo xabsiyada. Waxaan kaloo u hawl gelayaa in la helo jawi nabadeed oo suurta geliya in sharciga iyo kala danbaynta gacanta sare ay yeeshaan iyo in la abuuro qaab kalsooni loogu qabi karo hay’adaha ammaanka ee dawliga ah.

ARRIMAHA BULSHADA
Waxaan xoogga saarayaa horumarinta arrimaha bulshada, gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashada, kuwaas oo ah asaaska horumarka nolosha aadamiga. Waxaan aaminsanahay in ay muhiim tahay in il gaar ah lagu eego culeysyada isla degay ee waxbarasha iyo Caafimaadka. Maamulka Puntland wuxuu kabi doonaa dhaqaalaha Macallimiinta dhammaan Dugsiyadda Dowladda iyo kuwa gaar ahaaneed si bulshada danyarta ah loogu dhiiri gelliyo in ay ubadkooda waxbaraan, waxayna mudan yihiin in lala qeybsado xanuunka hadda waalidiinta ka heysta School fee-ga. Waxaa kaloo boorka laga jafayaa Isbitaalada Degmooyinka, Xarumaha Hooyada iyo Dhalaanka (MCH), iyo Rugaha Caafimaadka (Health Post) .

DHAQAALAHA
Puntland waxaa Eebbe ku manadeystay khayraad dabiici ah oo ballaaran kuwaasoo ay ugu waaweyn yihiin xoolaha nool iyo Kalluunka oo ah laf dhabarta dhaqaalaha Puntland. Wax soo saarka xoolaha nool iyo kalluumaysiga waxaa ku dhisan ganacsigeena oo dhan, gaar ahaan wax dhoofinta iyo soo dejinta. waxaa soo raaca hargaha iyo xabkaha, kuwaasoo aynnu dhammaantood ka helno lacagta adag ee aynu dibedda wax uga soo iibsano.
Horumarka dhaqaalaha bulshada Puntland wuxuu ku dhisnaanayaa siyaasado, qorshayaal iyo himilooyin loo dejin doono xoolaha nool iyo kalluumaysiga. Waxaan xoogga saarayaa horumarinta dhaqaalaha Gobolada PL, waxaana lama huraan ah in suuq loo helo khayraadka dalka, si loo gaaro horumar dhaqaale oo deg deg ah. waxaa kaloo lagama maarmaan ah in la helo maalgelin, taasoo lagu gaari karo in la soo dhoweeyo wax qabadka iyo figradaha aqoon-yahannada PL gudaha iyo dibadaba, lana fududeeyo maalgelinta sokeeye iyo shisheeyeba. Sidoo kale waxaa iga go’an dib u dhiska dhaqaalaha guud iyo in wax soo saarkeena loo raadiyo suuq xor ah gaar ahaan xoolaha nool oo ka wanaagsan shidaalka Dowladaha Khaliijka, misana aad u dayacan, waxaan ku dadaalayaa in suuq-geyn wanaagsan loo helo Falleenka, Kalluunka , iyo Macdanta dalkeenna. Waxaan taageero weyn siinayaa asaasidda wershadaha yar yar inta laga gaarayo horumarinta wershadaha waaweyn (Heavy Industries), isu dheelitirka kharashka iyo dakhliga iyo helitaan Bangi ganacsi oo lagu kalsoon yahay.
Dalal ka baaxad yar pl, ka khayraad yar, kana shacab badan ayaa gaarey isku filaansho iyo nolol wacan, kana mid ah dalalka gargaar siiya dunada saboolka ah, maanta, waxaaana horumar iyo barwaaqo lagu gaaraa hawl badan oo muddo loo adkeysto dhibteeda .

KAABAYAASHA DHAQAALAHA
Waxaan u hawlgelayaa in la horumariyo, mudnaanta ay leeyihiinna la siiyo kaabayaasha dhaqaalaha oo hadda aad u liita, sida dekedaha, marsooyinka, and waddooyinka iyo Garoomada diyaaradaha dhammaan deegaamada punt-land. Waxaan u hawl gelayaa in dhamaan mashaariicdii la xayiray dib loo fasaxo. Waxaa maamulku ku dadaalayaa sidii aan u kasban lahayn dowladaha iyo hey’adaha caalamiga ah ee deeqda bixiya si ay innooga taageeraan kaalmada caalamiga ah, dhisidda kaabayaal dhaqaale oo hor leh iyo in la dejiyo miisaaniyad dayactir joogto ah oo loo qoondeeyo dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha.

TAMARTA IYO BIYAHA
Waxaan ahmiyad weyn siinayaa sidii deegaamada PL looga haqabtiri lahaa korontada iyo biyaha, isla markaasna looga hortegi lahaa guurista badan iyo culaysinta magaalooyinka waaweyn. Ka faa’iidaysiga Tamarta Qorraxda, Dabeysha iyo tan biyaha laga dhaliyo si loo beekhaamiyo isticmaalka dhuxusha, jarida iyo gubida dhirta, kuwaasoo si dadban u badbaadinaya deegaanka.
Waxaa waajib ah in bulshadu dhamaanteed hesho biyo ku filan oo nadiif ah dad iyo duunyaba , iyo in laga hortagao cudurrada ka faafa nadaafad xumida, iyadoo biyuhu yihiin nolol, la’aantood iyo nadaafad xumadooduna keeni karto nolol la,aan.

HORUMARINTA MIYIGA
Waxaan aaminsanahay In mudnaanta ay leeyihiin la siiyo horumarinta reer miyiga (rural development) maadaamaa ay yihiin lafdhabarta dhaqaalaha dalka, islamarkaana waa dadka aqoon, caafimaad iyo nololba ugu liita bulshada waqtiga hadda la joogo. Hadaba, mar haddii dadkeennu u badan yahay reer miyi, guuraa xoolo dhaqato ah, waxaan ku dadaalayaa in xoolaha nool la hormariyo wax soo saarkooda, daryeelkooda caafimaad iyo in loo helo biyo iyo baad ku filan. In tababar la siiyo xoolo dhaqatada iyo dhakhaatiir si looga hortago caafimaad xumida dadka iyo xoolaha.
In reer miyiga loo helo nidaam wax lagu baro yar iyo weyn, xarumo caafimaadna loo sameeyo.Waxaa habboon in talo, tabar iyo farsamo lagu hakiyo loo helo biyaha xad dhaafka ugu fatahaya badaha, wax badan oo innala adag hada ayaanna iskeen wax uga qaban karraa haddii aan mideyno maskaxdeenna, muruqeenna iyo maalkeena, aynuna shaqo u toosno, awooddeennana aamino.

BEY’ADDA
Waxaan ku dedaalayaa In laga hortago, difaac iyo daawona loo helo xaalufinta dalka bad iyo berriba iyo in la dhawro degaanka. Waxaa khatar iyo xaaluf ku sugan baddeenna iyo berrigeena. Waxaa lagu qiimeeyay miisaaniyadda ay awoodo sannadkii baddeennu 3 Bilyan US Dollar. Waxaan ka tabcanno iskaba dhaafee waxay ka baxday gacanteenna. Waxaa loo mushaaxaa, loogana qaniimeystaa xeebaheenna si xaasidnimo ah . Waxaa loo aqoonsaday bad barwaaqo oo aan dad lahayn, duniduna u siman tahay. Waxay kaloo noqotay halka loo soo safriyo sunta haraaga wershadaha dalalka shisheeya. Waxaa khatartaas wadnaha farta kaga haya Galbeedka Afrika, Yurub iyo Dalal badan oo dunida ah, innaguna waan iska ag coonsanaynaa, Waxaa innala gudboon dadnimo aan ku daafacano badda kagana dacwoono khatarta sunta Kiimikada. Sidoo kale dhulkeenna oo horayba u ahaa saxaro u yaal (Semi-Desert) ayaa isaguna khatar ku jira. Waxaa guul ahayd xayiraaddii dhoofinta dhuxusha, hase yeeshee weli sidii baa dhirta qoyan loo gubayaa baahi gudaha ah darteed, waxaana loo baahan yahay in si dhaqso leh xal loogu helo wixii aan ku bedelan lahayn dhuxusha dhirta guri kasta saacad kasta lagu ololinayo , waana in aan fahamno in dhirtu tahay hoy, har, hub,hunguri, hu’ iyo heybad.

YARAYNTA SHAQO LA’AANTA
Waxaa lama huraan ah in la abuuro ilo dhaqaale si loo yareeyo shaqo la,aanta maanta dalka ka jirta, lana kordhiyo wax-soo-saarka, sida xoolaha nool, Beeraha, kalluumaysiga, Faleenka ,Xabkaha,wershadaha, curinta soo saaridda Batroolka, macdanta iwm. In la abuuro xarumo lagu tababaro dhalinyarada, xirfado kala duwanna la baro si ay u helaan aqoon xirfadeed ay ku shaqeystaan.

XORRIYADA SAXAAFADDA
In taageero iyo xoriyad buuxda la siiyo saxaafadda runta ah, taasoo ah mid sixi karta, kaalinna ka qaadan karta maamulka toosan. Saxaafadduna waa wargelin, wax barasho, sixitaan, dhiirigelin, madadaalo iwm. Waxaana ka reebban diradiro, been abuur, iska horkeen iyo in wax baan qori karaa saxaafad loo nisbeeyo.

GOLAHA ISIMADA
Waxaan aaminsanahay in ay haboontahay in kor loo qaado awoodda Axdiga puntiland siinayo isimada hada, iyo in la isku waafaqo, in si cad loogu aqoonsado in Isimadu yihiin hay’adda ugu sarraysa golayaasha Puntland, kana ilaaliyaan maamulka marin-habow,axdi fur iyo talo maroorsi dambe taasoo kalsooni gelin karta shacabka inta la helayo qaran soomaaliyeed oo kaamil ah.

ARRIMAHA SIYAASADDA
Waxaa maamulkaygu ahaan doonaa mid u taagan, una soo jeedda hawl gal wax walba laga hor mariyo danaha iyo aayatiinka dadka reer puntland. In la sugo siyaasadaha ku wajehan deris wanaagga, is xaq-dhawrka iyo iskaashiga dhammaan deegaamada Soomaaliyeed iyo dalalka shisheeye ee PL ay xuduud wadaagga yihiin. Waxaa waajib ah in loo dhega-nuglaado, loona debecsanaado u hawlgelidda, ka yool-gaarista, dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-soo noolaynta midnimadii ummadda Soomaaliyeed ee booraanta mugdiga ah lagu riday, lana saxo khaladaadkii horay loo galay ee aan ku weynay qaranimadeenii qaaliga ahayd. Innaga iyo dunida kalena dib uguma dulqaadan karno qaran jab ka badan intaan hadda ku soo jirnay. Maamulka iyo shacabka reer Puntland waxay iska kaashan doonaan in ay dhego, dhug iyo dhaqso-ba u lahaadaan murugada iyo xanuunka badan ee ka jira Jubba-land (Kismaanyo) oo la isir ah Puntland, waxaana Alle ka rajaynayaa in cid waliba ku kalsoonaato deegaankeeda, lagana waantoobo in xoog la isu adeegsado.


DIB-U-HESHIISIINTA SOOMAALIYA.
Dadweynaha iyo dawladda Puntland waxay aad uga walaacsan yihiin fawdada dawlad la’aantu keentay oo dalka ka aloosan, colaadda siyaasadeed ee beelaha qaarkood dhex taal iyo xasillooni darrada gobollada Soomaaliya qaarkood oo caqabad ku noqday geeddi socodka dib-u-heshiisiinta qaran. Waxaaan isu xil saaraynaa aniga iyo dowladuba in arrimahaas lagu maareeyo habab nabadoonnimo,oo ixtiraam ku dhisan, islamarkaana dib u heshiisiinta laga bilaabo beelaha deegaan wadaaga ah. Waxaan soo dhawaynayaa cid kasta oo Soomaaliyeed oo doonaysa wax wada qabsi waafaqsan mabaadi’da siyaasadeed ee ku wajahay dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed.

WAXAAN KALOO BALLAN QAADAYAA
In aan ahaado nin dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa daacadnimo ugu adeega, kana fogaada musuqmaasuq, danaysi, eex iyo qaraabo kiil. In aanan ku shaqayn, dubaaqaygana aanan marnaba gelin ismutuxin, wax ismood ,anaa iri iyo amar-ku-taaglayn, balse aan qabi doono baqdin ah in aanan ku fidmoobin, kuna ceeboobin adduun iyo aakhiroba xilka la igu aamminay. In aan kula dhaqmo bulshadayda qadirin, xaqdhawr, dhegaysi iyo wax ka qabasho baahidooda intii tabar ah. Sidoo kale In aanan ka tashan ee la tashado hogaamiyayaasha shacabka, sida Isimada, waxgaradka, Culimaa’udiinka, aqoonyahanka iyo bulsho weyntaba, si go’aammada maamulku u noqdaan kuwo loo dhan yahay, lagana ilaaliyay shuhubo, aadna loo shiilay. Waxaan ballan qaadayaa In aanan ku xad-gudbin ee aan aad u xejiyo amaanada, tusaalena u noqdo in bulshada laga dhex heli karo mus’uuliyiin iimaan leh oo wax lagu aamini karo, dibna u soo nooleeya kalsoonida ka luntay dadweynaha, maxaa yeelay bulshada Soomaaliyeed waxay ka daashay danaystayaal Afartan iyo kow sano aftahammo , ballanqaad iyo dhaar been ah ku asqaysiinayey, rabitaankoodana aan weligood dheg u jalaqsiin.

ARRIMAHA CAALAMKA
Waxaan u hawl gelayaa kuna shaqaynayaa mabaadi’da iyo qawaaniinta caalamiga ah, waxaana Punt-land ka hirgalinayaa anigoo shacabka la tashanaya wixii mucaahado, heshiisyo iyo xeerar caalami ah ee ay dawladihii hore ee Soomaaliyeed si sharciga iyo danaha dadweynaha Punt-land waafaqsan u galeen una saxiixeen, .
Waxaan ilaalinayaa kuna dhaqmayaa Axdiga Qaramada midoobay, Baaqa caalamiga ah ee xuquuqda bani-aadamka, mucaahadooyinka caalamiga ah ee xuquuqda madaniga, kuwa siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo dhaqanba. Sidoo kale waxaan isku waajibinnayaa una hogaansami doonaa Haddii Alle idmo Axdiyo Gobolleedyada Jaamacadda Carabta, Ururka Midowga Afrika (OAU), Urur Gobolleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD), iyo Ururka Islaamka (OIC).
Waxaan aaminsannahay in khilaafaadyada iyo murannada ka jira goobo badan ee Adduunka ka mid ah lagu xalliyo dariiq nabadeed iyo wada hadal dhex mara dhinacyada ay khusayso. Waxaan xoogga saarayaa sidii xiriir wada shaqayn ah loola yeelan lahaa dawladaha caalamka guud ahaan, gaar ahaan kuwa deriska ah ee ay danaha derisnimo innaga dhexeeyso.

GEBAGEBADDII
Haddii aan dadka reer puntland si wadajir ah ugu soo jeensan inay wax wada qabsadaan oo dhulkooda aaminaan oo khayraadkiisa si cilmiyaysan ula soo wada baxaan waa adkaanaysaa in qof ama dhawr qof oo maamulka madaxdiisa ka tirsan keligood si dhaqso leh Ku fulin karaan gaarista himilooyinnkeena iyo hurumarinta bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed ee aynu higsanayno. Waxaan ku boorrinaaya dhammaan ka qaygalayaasha shirka: Isimada, ergooyinka gobolada iyo dadka kale ee ka soo qaybgalay shirka sida jaalliyadaha dibadda, goobjoogayaasha marti- sharafta iyo dhammaan dadweynaha reer puntland inay si wadajir ah uga taashadaan danahooda iyo wixii arrimo ah oo la soo gudboonaada. Haddii AIlaah idmo oo la ii dhiibo xilka madaxweynaha Puntland, waxaan ballanqaadayaa, kuna celcelinayaa in aan la tashan doono dhammaan dadka wax - galka ah, waxaana aaminsanahay in guusheennu ku jirto wadajirka, wada tashiga iyo wax wada qabsiga dhib iyo dheefba, iyadoo caddaalad, isxaqdhowrid iyo Alle ka cabsi innoo yihiin asaaskeenna shaqo iyo nololeed. Shirweynaha waxaan u rajeynayaa guul, shacabka reer Puntlandna waxaan u rajeynayaa caafimaad, barwaaqo, nabadgelyo iyo horumar joogto ah Insha Alaah.

Mohamed: mxabdullahi@hotmail.com



Col, C/llaahi Yuusuf waxaa guurtida iyo shacabka Puntland
 ka daaweeyeen dhaawacyadii iyo jirrooyinkii uu ka soo
qaaday xabsiyadii LABAATAN JIROW (SOMALIA)
 IYO ALAMBAQA (ETHIOPIA) ee isku dhammaa 12 sano,
sababihii uu u galayna ay ahaayeen madaxnimo jeceyl.[Warkii oo Dhan]


Wargeyska Al-wadan Boosaaso PL
W/diyaariyay : Muuse Xaaji Sisciid
Waxaa aad u habboonaan layayd in dadkeennu
  garto xilka weyn ee inaga wada saaran dalkeenna
iyo dadkeenna, aynuna ku sifoowno xilkaas xisaabtamaya,
kana baxno walaahowga iyo maxaa layiri.
E-Mail : Mahad Isse Farah (Bosaso)
E-Mail : Khadar Jacfar (Sweden)

Copyright © 2001 By Qandala.