Qandala Home                                        Beesha Cusmaan Max'uud
BAYAANKII KA SOO BAXAY SHIRKII
BEESHA CISMAAN MAX'UD EE DIBADAHA
KU NOOL EE KA DHACAY HOLLAND
Submitted by: Mukhtar M.
beeshaosmanm_3@hotmail.com
Published: March 6, 2001
Bismillahi Raxmaani Raxiim
Ka dib, markii la dareemay xaaladaha qalafsan ee soo wajahay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaana Puntland ee siyaasadeed , bulsho iyo dhaqaalaba, waxay beesha Cismaan Max'ud ee ku kala nool dunida dacaladeeda ka maarmi waayeen inay xilligan isugu yimaadaan shirweyne , ujeedadiisu tahay in la isku dayo sidii xal guud loogu heli lahaa arimaha murugsan ee ka jira gobolada Puntland. Hadaba sadex maalmood kulan dheer oo socday, waxay beesha Cismaan Max'ud soo saareen bayaan ay ku muujinayaan mowqifkooda ama aragtidooda ku aadan Puntland iyo Soomaaliyaba. Bayaankiina wuxuu ku soo baxay sidan:
1. Iyadoo ay maalinba maalinta kadanbaysa soo kordhayso, niyadjab iyo aamindarro ka timid maamulka Puntland, waxaan soo jeedinaynaa in guddi dhex-dhexaad ah ay doorashooyinka Puntland maamulaan si shacabku u xushaan xubno ay ku kalsoon yihiin. Arinkaas oo lagu gaari karo iyadoo loo daayo Isimada xulashada guddiga doorshada qaban-qaabinaya
2. In aan loo isticmaali karin hantida dawladda Punlandl ololaha doorashada ee soo socota.
3. In la joojiyo lacagaha been abuurka ah ee la soo daabacayo, taaso keentay bur-bur dhaqaale, sida sicir bararka xad dhaafka ah.
4. Waxaan ayidnay baaqyadii ay soo kala saareen
beelaha Cali Saleebaan iyo Ciise Max'ud.
5. In laga hortago xaalufinta badda ay ku hayaan shirkadaha ajnabiga ah ee lala galay hashiisyada qarsoodiga.
6. Sida uu qorayo qodobka 30aad ee dastuurka Puntland, arimaha murgay ee ka taagan Puntland, wuxuu awood buuxda siinayaa in Isimada dib loogu soo celiyo talada Puntland, si ay xal wanaagsan uga gaaraan aayaha Puntland.
7. Waxa xusid mudan iyo ammaanba sidii hagar la'aanta ahayd ee ay Isimada iyo waxgaradka iyo shucuurtii shacabka Puntland ku muujiyeen siday uga xun yihiin xaaladda murugsan ee Puntland ku soo hoobanayso. Waxay noogu muuqataa in baal dahab ah lagu qoro kaalintii wax ku oolka ahayd ee ay ka geysteen odoyaashii isu xilqaamay ilaalinta ammaanka sida Suldaan Siciid Garaase, Siciid Aw-muuse iyo wafdigii ay hogaminayeen iyo guushii ay ka gaareen in arrinta si nabadgelyo ah ku dhamaato. Waa talaabo aan ka dhicin baaqii geesinimo ee Isimadda beesha Mudug ka soo saareen arintaas.
8. Waxaa dhaliil u soo jeedinaynaa in maamulka Punland uusan waxba ka geysan soo celinta degaanka Jubbada Hoose ee sida xaqdarrada lagu heysto, iyadoo weliba uu maamulka Puntland ku gor-gortamayo aayaha Jubbada Hoose meeshii uu wax ka qaban lahaa.
9. Arrinta gobolka Jubbada Hoose waxaan ku baaqaynaa in maamulkii lagu soo dhisay magaalada Carta uu joojiyo fara-gelinta cad ee uu ku hayo gobolka Jubbada Hoose, khaas ahaan magaalada Kismaayo. Taasoo aan u aragno in aysan qumanayn. Waxaana ugu baaqaynaa in ay maleeshiyada xaq-darrada ku haysataa deegaanka Jubbada Hoose ay si deg-deg ah uga baxaan, laguna wareejiyo dadkii deegaankaas xaqa u lahaa.
10. Iyadoo ay soo dhowdahay doorashadii Puntland, ayaa waxaa xusid mudan in Mudane Max'ed Abdirashid Ali Sharmaarke nagala soo qayb galay shirkan. Waxaana si buuxda u taageeraynaa musharaxnimada uu isu soo sharaxay Mudane Maxamed Abdirashid Ali Sharmaarke jagada madaxweynenimada Puntland. Waxaan kaloo ku talinaynaa si xushmad iyo qadarin leh in beelaha ku nool Puntland ay tixgelinteeda siiyaan musharaxnimadiisa.

Wakiilada Ergooyinka Jaaliyadaha dibadda ee shirka ka soo qayb galay:
1. Omar Mohamud Osman(Alteeso) Holland
2. Osman-seef Ahmed Salad Belguim
3. Ahmed Abdillahi M Adde Germany
4. Yusuf Ahmed Kheyr U.K
5. Muuse Siciid Aw muuse Finland
6. Ahmed Mohamed Ali Bariile Norway
7. Xirsi Siciid Jama USA
8. Liibaan Muuse Boqor USA-Virginia
9. Hashi M Aw Yusuf Farshaxan USA-Minosota
10. Osma Ahmed Ali (Osman Dheere) Canada
11. Ahmednor Abdi Hagi Mire Australia/Newzealand
12. Ahmed Xirsi Artan Sweden
13. Abdullahi Hagi Dayib Somalia

Omar Mohamud Osman (Al-teesa) Gudoomiyaha Shirka
Dr. Mohamed Mohamud Xoghaynta I
Ahmed Mohamed Yusuf(Stiif) Xoghaynta II

Wabillaahi Towfiiq.
Qoraaga kala xiriir: beeshaosmanm_3@hotmail.com


Copyright © 2001 By Qandala