Qandala Home                                               Qandala PSS
YAA MUDAN IN LA DOORTO?

 Bulsho weynta caalamka, shucuubta, diimaha iyo madaahimta kala duwan waxay leeyihiin xeerar iyo nidaam ay ku dhaqaan  dadweynahooda, waxay gundhig uga dhigaan badankood mas'uuliyiinta xilka ay u dhiibanayaaan inay shuruudo u sameeyaan ,kalimaad dhaar ah oo u qoran, erayo ah hadba waxa ay aaminsan yihiin, dadka ay dooranayaan waxay ku kala saaraan, mudnaanta ku siiyaan hadba xeerkooda iyo dhaqamadoodu sida ay qoraan, kala dhaxlid maamul sida boqortooyooyinka, hab hoggaan xisbi laandheere ku saleysan sida reer galbeedka, nidaam hal xisbi ku dhisan sida shuuciyada, Keligood taliyayaal dhaqan xumo aafeysay sida Dunida saddexaad iyo kuwo axsaab fara badan leh oo hogaankoodu had iyo jeer Ciidankuna maquuniyo sida Turkiya iyo Pakistan. Hadaba ololaha doorashada Madaxweynenimada maamul goboleedka PL yaa mudan in la doorto? Waxaa mudan nin Muslim, mukhlis ku dhaqma shareecada,  wadani, karti daacadnimo ku dheehan tahay leh, geesinimo, aftahanimo aan I doorta oran ee loo garto iyo mas'uulnimo horumarka jecel , iska horkeen, keligii talisnimo
 iyo talo qaadasho la'aan laheyn, damiir dad isku keen, aamin ah kaasoo aan lagu shuban Karin islamarkaan denbiyo burcadnimo, xatooyo xoolo dadweyne iyo anshax xumo midna laheyn ayaa haboon in la doorto sifooyinkaa ninka leh si looga badbaado burbur iyo baaba' dambe oo ku yimaada shacabka waayay maamul dhab ah oo xallaal ah tan iyo xilligii xoriyada.

Wargeyska Al-wadan          Khamiis 6Sept,2001
Khadar Jacfar  Qandalo@yahoo.com
Copyright © 2001 By Qandala.