Qandala Home                           Qandala PSS
BARNAAMIJKA WAXQABAD MUSHARAXA JAGADA MADAXMEYNAHA DGPL. MUDADA KALA GUURKA AH EE 2001 - 2004.

Anigoo Ah Muuse Xaaji Saciid Muumin (Abees) Waxaan Halakan Kusoo Bandhigayaa Barnaamijkayga Waxqabad Ee Ku Wajahan Doorashada Jagada Madaxwaynanimada Geyiga Pl Waana Sidan.
Waxaynu wada ogsoonahay in dadaal fara badan iyo halgan dheer ay u soo galeen dadka isir wadaaga ah ee u dhashay Gobolada iyo degmada ku bahoobay PL sidii loo dhisilahaa MGPL.
Iyadoo ay hadda muddo gaabani ka harsantahay waqtigii 3da sano ee kal
a guurka ahayd ayaa waxaa dhowaanahaan soo if baxayey ama soo xoogaysanayey cabashooyinka ka imanaya dhammaan beelaha iyo deegaamada PL ka kooban tahay.
Cabashooyikaasi dhammaan waxay ku soo ururayaan in dadka reer PL ay saluugsansanyihiin wax qabadka MGPL oo ay aad ugu han weynaayeen hortii.
Dadka reer PL meel ay joogaanba gudaha iyo dibadaba waxaa la isla qirayaa in loo baahan yahay jiritaanka iyo horumarinta PL.
Waxaa maamulka PL loo dhisay in uu dadka iyo dalka wax u qabto,noqdona mid u debecsanaada,dhegeysta, tixigeliya,u-dulqaata,isu keena, hirgeliyana fikradaha iyo himilooyinka dadweynaha.
Dadku waxay u-arkaan PL in ay tahay xiddigta bidhaamaysa ee ku dhextaal calanka buluuga ah ee astaanta u ah qaranimada soomaaliyeed.
Marhaddii sidaa loo arko waxaa lagama maarmaan ah in laga ilaaliyo PL wax sumucadda iyo jiritaanka PL wax u-dhimaya ama sharafta qarannimada soomaaliyeed meel ka-dhac ku noqonkara.
PL waxaa lagu asaasay jawi ehelimo iyo rabitaan dadka ka yimi iyo qiiro wadaninimo. Hadda oo maamulku 3 jirsanayo la inookama jeedo isjiidjiidasho iyo is-qab-qabsi aan meel lagu gaari hayn ee waxaa la inaga sugayaa hor-usocod iyo dardar gelin cusub si aynu hormuud ugu noqono soo celinta qaranimadii luntay ee soomaaliyeed.
Dadku ra'yiga waa lagu kala duwanaankaraa laakiin daneheena asaasiga ah iyo jiritaanka PL ma'aha wax la'isku khilaafikaro.
Had iyo goor,mararka ay dhacdo in figradaha la'isku khilaafo, waxaynu dhaqan u leenahay in wixii la kala tabanayo si saraaxad leh looga wada arrinsado, iyadoo, la is hor fadhiyo.
Sidaa darteed maantay dadka reer PL wuxuu saaran yahay doon sabaynaysa badweyn colaadeed oo dhan walba saamaysay sida xag dhaqaale, xag siyaasadeed iyo xag amniba.
Sababaha ina geyeysiiyey wadciga hadda jira waa in la is weydiiyo oo ciddii mas'uuliyadda leh lala xisabtamo, laakiin taas macneheedo ma aha in wax loo dhimo jiritaanka PL iyo danaha madhaafaanka ah ee dadkeeda.
Haddaba in kastoo dadkeenna oo dhami feejignaan muujiyeen hadana lawaayimaayo qaar aan garanayn cawaaqibka waxaa ay ku hadlayaan ama ku kacayaan.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa dab munaafaq shiday mu'min baa ku gubta. Xaaladda adag ee aynu hadda ku jirno waxaa lagaga gudbikaraa wada tashi, wadajir, wadashaqayn iyo miyir, waxaana loo baahan yahay in qof waliba xil iska saaro danaha iyo yididiilooyinka dadka reer PL
BALANQAAD
Haddaba,waxaan shacabkayga reer PL lasocod siinayaa in haddii Alle idmo oo bulshadu ii doorato xilka jagada Madaxweyninimada geyiga PL, waxaan ballan qaadayaa:
MAAMULKA
In maamulka pl ahaado mid ay hagaan hawlwadeenno aqoon,daacadnimo,hawlkarnimo iyo waayo-aragnimo lagu xulo,kana hufan qabyaaladda, wuxuuna maamulku yeelan doonaa hayado ku sameeya maamulka dabagal iyo kormeer joogto ah,sida sharcigu qabo. Maamulku wuxuu ahaan doonaa mid baahsan oo dalka wada gaara, kuna shaqeeya wadaninimo iyo kalsooni buuxda.
ARRIMAHA DIINTA
In si rasmi ah loogu dhaqmo Shareecada Islaamka,lana mideeyo wada shaqeeynta iyo wax qabadka Culimaa'udiinka, karaamo gaar ahna lasiiyo.
SUGIDDA NABADGELYADA
In ay waajib tahay sugidda Nabadgelyeda geyiga PL bad iyo beriba kalsoonina shacabku ku seexdo, Insha Allaah.
ARRIMAHA BULSHADA
Waxaan xoogga saarayaa sare u qaadidda arrimaha bulshada,gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashada, kuwaas oo ah aas-aaska nolosha aadamiga.
DHAQAALAHA
Waxaan xoogga saarayaa horumarinta dhaqaalaha Gobolada PL, waxaana lama huraan ah in suuq loo helo khayraadka dalka.
Si loo gaaro horumar dhaqaale oo deg deg ah, waxaa lagama maarmaan ah in la helo maalgelin,taasoo lagu gaari karo in la soo dhoweeyo wax qabadka iyo figradda aqoon-yahannada PL gudaha iyo dibadaba, lana fududeeyo maalgelinta sokeeye iyo shisheeyeba.
KAABAYAASHA DHAQAALAHA
In la horumariyo, sida ay hadda yihiinna loo dhaamo kaabayaasha dhaqaalaha, sida dekedaha, marsooyinka, waddooyinka iyo Garoomada diyaaradaha dhammaan Gobolada iyo degmada buuhoodle ee PL.
HORUMARINTA MIYIGA
In mudnaanta ay leeyihiin la siiyo horumarinta reer miyiga (rural development) maadaamaa ay yihiin lafdhabarta dhaqaalaha dalka, islamarkaana waa dadka aqoon, caafimaad iyo nololba ugu liita.
TAMARTA
In ahmiyad weyn la siiyo sidii deegaamada PL looga haqabtiri lahaa korontada iyo biyaha, isla markaana looga hortago guurista badan ee aan loo baahnayn, iyo culaysinta magaalooyinka waaweyn.  
BEY'ADDA
In laga hortago, daawana loo helo xaalufinta dalka bad iyo berriba.
YARAYNTA SHAQO LA'AANTA
Waxaa lama huraan ah in la abuuro ilo dhaqaale si loo yareeyo shaqo la,aanta maanta dalka ka jirta, lana kordhiyo wax soo saarka, sida Beeraha,kalluumaysiga,luubaanta, warshadaha, batrolka, macadanta iWM.
XORRIYADA SAXAAFADDA
In taageero iyo xoriyad buuxda la siiyo saxaafadda runta ah, taasoo ah mid sixi karta, kaalinna ka qaadan karta maamulka toosan.
SIYAASADDA
In la sugo siyaasadda ku aaddan deris wanaag, is xaqdhawr iyo iskaashi dhammaan deegaamada soomaaliyeed iyo dalalka shisheeye ee PL ay xuduud wadaaga yihiin.
Waxaa waajib ah in loo dhega-nuglaado, loona debecsanaado u hawlgelidda, ka yoolgaarista, dibuheshiisiinta iyo dib usoonoolaynta midnimadii ummadda Soomaaliyeed ee qarka dheer laga riday lana saxo khaladaadkii horay loo galay ee aan ku
weynay qaranimadeenii qaaliga ahayd.
Waana in aan suura gelino waxaan suuroobin,waa suurowdaaye.
Innaga iyo dunida kaleba dib uguma dulqaadan karno qaran jab kabadan intaan hadda ku soo jirnay, waxaana la gudboon maamulada hadda jira in ay horseed u noqdaan isukeenidda ummadda isu oomman ee lakala qoqobay.
GOLAHA ISIMADA
Waxaan aad u danaynayaa in la isku waafaqo, si cadna loogu aqoonsado Isimada pl.in ay noqdaan hay'adda ugu sarraysa PL,go'aammada ay ansaxiyaanna noqdaan kuwo hirgala, kana ilaaliyaan maamulka marin-habowga.
In aan ahaado nin dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa daacadnimo ugu adeega, kana fogaada musuqmaasuq, eex iyo qaraabo kiil.
In aan ku shaqeeyo af,uur, iyo qalin is og, allena kor ka eegayo.
In aanan ku shaqayn, dubaaqaygana aanan marnaba gelin ismutuxin, iyo wax ismood hungo ah, balse aan qabi doono baqdin ah in aanan ku fidmoobin aduun iyo aakhiroba xilkaas.
In aan kula dhaqmo bulshadayda qadirin, xaqdhawr,dhegaysi iyo wax ka qabasho baahidooda.
In aanan ka tashan ee latashado hogaamiyayaasha shacabka, sida Isimada, waxgaradka, Culimaa udiinka, aqoonyahanka iyo haweenkaba.
In aanan ku xad-gudbin ee aan aad u xejiyo amaanada, tusaalena u noqdo in bulshada laga dhex heli karo mus'uuliyiin imaan leh, dibna u soo nooleeya kalsoonida dadka oo hadda heer aad u liita maraysa.

Khadar Jacfar  Qandalo@yahoo.com
Copyright © 2001 By Qandala.