Make your own free website on Tripod.com
Qandala Home                           Qandala PSS
Hartigu Amxaaro Ma'aha, Cayrna Reer Kismaayo Ma'aha.
10 June 2001 -Sida dadka Soomaaliyeed ka warqabaan, mudadii dagaalada sokeeye socdeen, magaalada Kismaayo waxay ahayd goobaha ugu dhibaato badan xagga herdanka kooxaha hubaysan. Dagaaladaas iyaga ahi waxay ahaayeen kuwa ku salaysan dhulbursi dhinacya badan ah iyo difaacida maatada iyo maxasta gurigooda joogta oo dhinac kale ah, inkastoo mararka qaarkood faallada laga bixiyo arrintaan ay ku xiran tahay qofka ama qolada aad suáasha weydiiso. Si kasta arrini ha ahaatee magaalada Kismaayo qabaaila gaara ayaa lagu tirin jiray inkasta oo ay ka mid ahayd magaalooyinka dalka oo ay ku noolaayeen ilaa haddana ay nool yihiin dad dhalasha ahaan kala duwan. Ma aaminsani halkana ku sharxi mayo in ay tahay in qolooyinkaas loo tirin jirin Kismaayo cid aan ahayni Kismaayo timaado ama ku noolaato. Waxaan noloshayda in badan ku noolaa magaalada xamar marnana ma dareemin in aan ajnebi ku ahay. Sidaas si la mid ah ayaana ka filaya inay ka jirto magaala kasta oo dalka Soomaalida ka mid ah. Laakiin annigu xamar khasab kuma qabsan dadkii degaan ahaan degi jirayna kama saarin si annigu aan uga dhexmuuqdo xag siyaasadeed iyo xag dhaqaalaba. Haddii mararka qaarkood ay xamar ay ka dhexmuuqdeen dad aan asal ahaan u dhalan, kaalinta magaalinimo iyo inay wadanka dhex u ahayd ayaa keentay arrintaas.
Magaalada Kismaayo, xilliyadii dagaalka sokeeye dalka camimay waxay noqotay meel hadba gacan gasha, taas oo ay ugu wacnayd magaaladu halka ay ku taal iyo dhulka ku gadaansan, oo loo arkayey meel isku darsatay labada nololood ee ninka Soomaalida ahi u baahan yahay oo ah dhul miyi leh, xoolla daaqeena iyo magaalo leh deked iyo dhul beereed intaasna ay u raacdo hawa anafici karta xoollaha iyo beeraha. Taas ayaana sabab u ahayd inay noqoto meel cid waliba yeelashadeeda ku riyooto.
Iyadoo xaallada Kismaayo tahay sidaas ayaa ugu dambayntii waxaa magaalada Kismaayo gacanta ku dhigay maleeshiya ka tirsan isbahaysiga USC iyo SNF oo iyaga naftigooda isbahaysigoodu samaysmay xilli la soo gaaray in qaabkii dagaalka sokeeye kaga bilawday Soomaaliya isbedelay oo waji kale yeeshay isuna bedelay mid danaysi kooxeed ah halkii uu awal ka ahaa mid qabiil. Isbahaysigaasu wuxuu ahaa mid ku salaysan dana-isu-fulin. Masalan ciidamada USC wey ku adkaan lahayd degaan iyo sheegaba inay Kismaayo joogaan haddii SNF aanay la socon, halka SNFna ay ku adkayad in ay xoog ku muquuniyaan ciidanka Hartiga haddii USCdu aanay garab ciidan iyo mid dhaqaalaba siin SNFta. Dagaalada qaabkaan isu bedelay waxay ahaayeen kuwa dadka Soomaaliyeed oo siyaasadda Soomaalida ka faaloodaa ku sheegayeen mid muujinaya sida dagaal wadayaasha kooxaha USCda (Hawiye) ku abtirsadaa dagaalka-goobta gacan sare kaga yeelanayeen kuwa dhigooda ah ee Darood. Taas waxay dadku markhaanti uga dhigayeen marna ma dhicin in koox ka tirsan beelaha Hawiye ay dagaal dhan ka ah Hawiye la galaan Daarood halka ay dhowr jeer dhacday in kooxaha USCdu helleen kooxa ka tirsan Daarood oo iyaga dagaal la gala si loo muquuniyo loona jebiyo ciidan Daarood.
Markii magaalada Kismaayo laga qabsaday dadkii horay u haystey isla markiiba waxaa bilawday dib isu abaabulid lagu soo dhicinayo magaalada Kismaayo. Iyadoo dib isu abaabulida iyo barnaamijka ku noqoshadu meel sare uu marayo ayaa waxaa la soo gaaray xilligii tuullada Carta loo dareeray, midaas oo abuurtay xawi nabadeed isla markaasna dad badani aamineen in aan loo baahan doonin in xabad wax lagu xaliyo, balse ay suurta geli doonto in hab nabadeed lagu xaliyo dhibaatada dabada dheertay ee Kismaayo.
Xilliyadii dib looga soo dareeray tuullada Carta waxaa sii korodhay rajadii laga qabey in dhibaatada Kismaayo nabad lagu dhameeyo iyadoo la hadal hayey in dadka dhibta sheeganayey dadka wakiilka ka ah ee ka tirsan maamulka Carta laga soo unkay ay furdaamin doonaan shidada goboladaas ka aloosan maadama gacansaar siyaasadeed iyo mid wada shaqaynba ay la yeellan doonaan dadka haysta magaalada Kismaayo oo ka tirsan USC iyo SNF. Waxaa weliba raja aad u weyn laga qabey in Cabdulqaasim oo isaga shakhsiyan xigtadiisu magaalada wax ka haysato uu geed dheer iyo mid gaabanba u u fuulli doono inuu arrintaas xakameeyo, taas oo weliba keeni kartey inuu kalsooni weyn ka kasbado dadka gobolladaas u dhashay oo dhan meel kasta oo ay joogaan. Intaas waxaa wehelisay sida warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in dad ka tirsan degaanka Kismaayo oo ku jira DKM ay u tageen Cabdulqaasim una soo jeediyeen inuu Kismaayo ciidanka reerkiisa ka tirsan ka saaro, xal waarana meeshaas loo raadiyo. Taas, xubnaha ka tirsan Hartigu, waxay u arkayeen marka hore inay ka kasbaan beelahooda kalsooni ku waajahan maamulkaan, iyo inay muujiyaan in iyaga naftigoodu dadka ay ka tirsan yihiin nabad wax ugu dhamayn karaan iyadoo aan xabad la adeegsan. Nasiib daro, sida la isla dhexmarayey waqtiyadaas, arrintaas Cabdulqaasim Salaad Xassan waa ku gacan saray, waxaadna moodaa in waxa jilibkiisu u baahnaa ay uga weyneyd waxa dadka degaanka matalayaa raadinayeen.
Waxay arrini hadba geed soo harsataba, dadkii magaalada laga soo saaray oo in muda ah ku sugnaa magaalada Baydhabo iyo agagaareheeda ayaa u qalab qaatay ku noqoshada Kismaayo iyagoo wata waxay helli kareen iyo waxay haaban kareen (dabcan waxaase baruur iyo ubax midna maahayn) si ay dib ugu qabsadaan Kismaayo oo ahayd degaankoodii waxayna ka ambabaxeen Baydhabo. Dadkaas noqonayey waxay caawima dhinac walba ah ka helleen wallaalahooda jooga dalka dibadiisa iyo gudahiisa labadaba, maadaama loo arkayey inay yihiin dad dulman una baahan hiil iyo hooba. Arrintaa ambabaxu waxay ahayd mid dadweynaha Soomaaliyeed aad uga dheregsanayeen. Waxaana aad wax uga qorayey dhamaan jaraaidka ka soo baxa Soomaliya khaasatan kuwa xamar iyo shabakadaha Internetka. Waxaasi la yaab noqotay in Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ee Kooxda Carta Mohamed Mohamud Xayd uu dadkii Baydhaba ka soo ambabaxay ugu walqalay in ay Xabashi yihiin oo soo weerarayaan Kismaayo, Kooxda Cartana u diyaarinayso ciidan ka difaaca magaalada xabashidaas.
Iyadoo arrintaan laga wada warqabo waxay tahay iyo cida soo socotaa qolada ay yihiin waxaa is weydiin leh dadkaan amxaarada noqday kuwooda xamar joogaa iyagu yey noqonayaan? Iyaguse ma aqbalayaan in la adeegsado xeellad lagula dagaalamo dadkii iyaga magacooda ay meesha ku joogeen si loo adeegsado awooda iyo mucaawimooyinka gacan mariska lagaga keenay carabta, oo ciidankii shalay ay qabiil ahaanta u dagaalami jireen Morgan iyo ciidankiisa, maanta dhar dawladeed loo geliyo si ay dagaal u qaadaan una xaqiijiyaan in aan Morgan Kismaayo qabsan?
Sida muuqata, xaallada Kismaayo, waxaa keenay laba guuldaro oo ka kala yimid laba dhinac. Guul dara ka timid shakhsiyaadka u dhashay beelaha Kismaayo laga saaray oo ka tirsan Kooxda Carta ee jooga xamar iyo Madaxweynaha ku meel gaarka ah Cabdulqaasim Salaad Xassan.
Sida la ogsoon yahay guud ahaan, dadka ka tirsan Maamulkaan Carta lagu soo sameeyey waxaa ujeedadiisu ahayd, waxna loogu qaybsaday in dadka xubnaha ka noqonayaa ay wakiil wax ku oolla uga noqdaan umaddooda ayna qayb ka qaataan dhismaha Dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay. Waxaana waajib ahayd inay isu soo dhoweeyaan beelaha ay ka tirsan yihiin iyo maamulka Carta laga soo dhisay, kana fogaadaan shiddo kasta ee sii hulcin karta khilaafka markaas muuqdey ee dhex oolla kooxda Carta iyo dadka ka soo hor jeeda. Isla mar ahaantaas waxay ahayd inay hubiyaan soo celinta wixii beeshooda gardaro uga maqan iyo wixii gardaro ugu maqan. Sidoo kale waxay ahayd inay muujiyaan dulqaadka iyo tabta lagu maarayn karo xaallada murugsan ee dhinac walba ka iman karta oo laga dhaxlay dhibtii dadka Soomaaliyeed kala gaartey 10kiii sano ee dagaalka sokeeye socdey.
Waxaa nasiib dara noqotay in dadka ka tirsan kooxda Carta oo u dhashay beelaha Hartiga ay ku guuldaraysteen wax ka qabashada khilaafka ama kala fogaanshaha u dhexeeyey maamulka Carta laga soo dhisay iyo beelahooda balse ay sii fogeeyeen xurguftii horay u jirtay dhinac walba. Maamulka Dawlad gobolleedka Puntland oo Cabdullaahi Yusuf madaxda u yahay, ahna xooga kowaad ee iyaga laga sugayey inay furdaamiyaan waxba kama qaban. In kasta oo maamulkaasi qaatay mawqif aad u xag jira oo ku aadan kooxda Carta, haddana waxaan shaki lahayn, dad badanina qiri karaan, in aan isaga naftiisa loo muujin wax soo dhowayn ah balse marar badan warbaahinta loo mariyey waxyaalla khasbayey inuu sii fogaado, laga soo bilaabo Jabouti. Waxaadna moodaa inay aad isugu hawleen kooxda Hartigu dhisma dawlad hana qaada xamar iyagoo aan weli doorkii isu soo dhowaynta-ummadda ee laga rabey loona soo doortay ka soo bixin, dadaal dheerna u gelin. Waxaa mudan in la xuso in beesha Hiiraan iyagoo mucaarad iyo muxaafidba leh, siyaasadana meela badan ku kala duwana, ay gacanta is haystaan mar walbana muujiyaan inay khilaafkooda ku dhameeyaan si nabad iyo is afgarad ah. Nasiib daro dadaalka noocaan oo kale ahi wuxuu noqday mid ka maqan xubnaha Hartiga ee xamar jooga. Taasina waxay iyaga dhaxal siinaysaa aakhirka in dadka ay ka dhasheen kalsoonidii kala noqdaan, isla markaasna uu lumo doorkii ay ahayd inay qaataan, heer qaran iyo heer qabiilba.
Dhinaca Cabdulqaasim Salaad Xassan, waxaan shaki lahayn in aanu wax xil ah iska saarin arrinta Kismaayo oo sida dad badani aaminsan yihiin hadduu daacad ka yahay aan waqti badan qaadateen. Cabdulqaasim wuxuu awoodi karay inuu ugu horayn ka soo saaro jilibkiisa magaalada Kismaayo halgana u galo in dadka degani nabad ku waabariistaan.Taasi waxay muujin lahayd inuu doonayo inuu cadaalad ummadda Soomaaliyeed ku hogaamiyo maadaama la wada ogsoon yahay in joogitaanka Ceyr ee Kismaayo uu yahay gardara aan geed loogu soo gaban. Sidoo kale wuxuu awooday inuu hawlgeliyo odayaasha iyo waxgaradka u dhashay beelaha khilaafka weyn ee Kismaayo dhexyaal isagoo la kaashanaya xubnaha beelahaas ka dhashay ee ay wada shaqaynta leeyihiin oo xamar la jooga, ama kuwa kale ee dalka gudahiisa iyo dibadiisa ku sugan. Odayaashaas iyo waxgaradkaasi waxay awoodi lahaayeen inay damiyaan dhibta halkaas ka jirta, xal waarana u sahamiyaan intii arrinta uu la wareegi lahaa mudane Xeyd.
Haddii sida maanta la rabo in Kismaayo wax looga qabto la sii wado lana hirgeliyo, waxaan shaki lahayn inay abuurayso colaad cusub oo ka bilaabata Soomaaliya iyo in dadaalkii dib u heshiisiinta Somaaliyeed halkaas ku geeriyoodo.
Sababahaas dartood waxaa waajib Soomaalinimo ah in xalka Kismaayo laga weeciyo wadada hadda la marinayo, Cabdulqaasim iyo cida kale ee arrintu sida gaarka ah u khusaysaana u guntadaan siday xal nabadeed ku helli lahaayeen haddii kalena gacmaha kala baxaan.

Wabilaahi tawfiiq.

Omar Mohamud Farah (dhollawaa)
dhollawaa@bigpond.com.au

Address
Australia Melbourne
Telephone: 613 - 9376 5486
Mobile: 614 1988 1826
Fax: 613 9376 5424
Copyright © 2001 By Qandala.