Make your own free website on Tripod.com
Qandala Home                           Qandala PSS
"MUSBAAXII PUNTLAND"
Gabaygani wuxuu tilmaamayaa aqoonta, dhowrsanaanta iyo xilkasnimada musharaxa madaxtinimada Puntland ”Muuse Xaaji Abees”. Muuse wuxuu xilkasnimo kamuujiyey shaqooyinkii kala duwanaa ee uu soo qabtay guud ahaan gaarahaana tii Barsaabnimada gobolka Bari. Sidaa daraadeed waxaan rabaa halkaan inaan wax yar ka tilmaamo shakhsiyada Muuse iyo sida uu uyahay nin u qalma gudana kara waajibka madaxweyne nimo ee Puntland iyo Somaaliyaba. Puntland maanata sidaan lawada socono waxay u baahan tahay nin rayada oo ururiya khilaafkastoo yimaadana ku xaliya af iyo aqoon ee aan xoog militeri wax ku doonin. Taasna waxaa samayn kara ama laga heli karaa nin aan Militeri ahayn. Waakan gabygii waxaa tiriyey Faysal Siciid Muuse  

Xusuus ereyga ”Tol” wuxuu u taaganyahay reer puntland oo dhan ee kuma koonba lafqura.

MACNIHIISA GABAY WAAYADAAN WAANIGAAN MARINE
MAANSADABA DAABAAN LAHAA MOOSHINKAAN XIGA'E
HADAAN MUUSE MEYDAANKA IMAN UMA MURAADEENE

MUUSE MUHIIM INAAD TAHAAN MURAN KATAAGNAYNE
ILAMAA MARSADA XEEBTIYO MUDUG DULEEDKEEDA
MAGACAAGA RUUXII YAQAAN BAW MARKHAANTIYA'E

MACBUUDKIISA RUUXII YAQAAN WAA MASUUL DHAB'E
MAKHAANKII HOREETAA KHALQIGU KULA MABSUUDEENE
MUSLINIMADA KAA MUUQATAA LAGUGU MAAMUUSI

INKASTOO MURIHI QAASIN WADEY GOBOLKA MAANSHEEYEY
OO WIIL MAHOOBIYEY MALYUUN KUGU MARDAADAAYO
MEEL LAGUMA TAGO MAAL NINKALE MIDIGTA KUUSAARAY

MANSAB BAAD KU LEEDAHAY KHALQIGA DUNIDA MEERAAYA
MASHAQADA NIN NECEB BAAD TIHIYO MURAN COLAADEEDE
MAASHAA ALAAHUYE DADKII WEY KU MAHADSHEENE

MUDANKII SALEEBAAN DHALIYO MIIDI BAAD TAHAYE
MAGACAAGA WEYNBAA NAFLUHU MILICSANAAYAAYE
MAJARAHA U QABO REER TOLKAA MAAHIR BAAD TAHAYE

MULETERI MAGAADSADEY WAXBUU MARIN HABAABSHAAYE
AQOONTAADA MIISAANKA LAAD MEEL KU MARAYSAAYE
MASKAXDAADA FURANBAA NAFLUHU MUXUBINAAYAAYE
MU'MININDA KUGU MAAXATIYO KHAYRKA KUGU MOOSMAY
MURAADKAAGU SAANQABO MARKAAN MIRUU DHALAAYAAYE
RAG MAAREEYA XAAJADA WAA INAAD UGA MASUUL YEESHO

PUNTLAND MUSBAAXEEDIYOO MUUQDA BAAD TAHAYE
MAHDI IYO WAXAY KUU QIREEN MALAB ILAAH KEENAY
MOOSHIN KAAGI WEEYEE MARKAAN HA MAHTALALOOBIN

 Copyright © 2001 By Qandala.