Qandala Home                           Qandala PSS
UJEEDDO: BAAQ AY SOO SAAREEN GUDIGA BEESHA HARTI EE NABADEENTA GOBOLADADA KOONFURTA SOOMAALIYA
Haddaan nahay; Gudiga odayaasha, culumo-udiinka, oqoonyahanada iyo dhamaan waxgaradka ka tirsan beesha Hart ee Mogadishu waxaan caddeyneynaa inaan kalsoonidii kala noqonay Doowlada kumeelgaarka ah kadib markii ay dagaalo ku qaadday Jubooyinka, kuna xasuuqdey dad gaaraya 513 ayadoo aysan jirin wax sabab ah oo dadkaasu galabsadeen laguna weeraray deegaankoodii iyo guryahoodii loona adeegsadey awood ciidameed lagana barakaciyay deegaankoodii. Sidaas daraadeed waxaan ku wargalineynaa, dadka samaha jecel ee Soomaalida inaan kalsoonidii kala noqoney Doowladda kumeel gaarka ah. Waxaan kaloo halkaan ku caddeyneynaa kuwa nooga jira Doowladda kumeelkaarka ah, golahoodaa wasiirada iyo xildhibaanada in aysan cidna matalin. Raalina ku noqdeen xasuuqii dadkooda, ayna biishaan kafantii caruurtooda, kuwaasoo cuna; soor ceebeed, seexdana guri ceebeed. Kuna dambeyn doona god ceebeed.

Waxaan u istaagnay 15 daqiiqo oo baroor diiq ah, shirkii aanu isugu nimid anagoo u tacsiyadeyneyna dadkii lagu xasuuqey jubooyinka.

Waxaan caalamka ugu baaqeynaa gaar ahaan Jaamacada carab, Igad, OAU in laga joojiyo Doowladda kumeelgaarka ah dhaqaalaha la siinayo. Maadaama ay ka leexatey hadafkii dib u heshiisiinta. Dhaqaalihii loogu talagaley umada Soomaaliyeedna u isticmaashay dagaalo sokeeye.

Waxaan kaloon xuseynaa walaaca aan ka qabno, ragga uu adeegsanayo Wasiirka Gaashaandhigga ee Dawladda ku meelgaarka ah, Cabdullahi Boqor Muuse, raggaas oo ka tirsan Beesha Harti oo uu la yeeshay shirar qarsoodi ah oo ka dhacay Xamar. Asagoo ku boorinaya iney Idaacadaha iyo Saxaafadaha kaga hadlaan ka soo horjeedkooda Hoggaanka Gen. Morgan, kuna dhawaaqaan iney hogaankii beesha ka qaadeen ayagoo sheeganaya iney joogaan magaalada Kismaanyo. Waxaan kaloo muujineynaa walaaca aan ka qabno Baabuurkii siday US $ 25,000.00 ee loo diray augots 19/2001, Isma'il X. Warsame oo xubin ka ahaan jiray Parlamankii dawladdii Lixdamaadkii kuna sugan haatan Tuulada Buulo Xaaji, asagoo loo ballan qaaday in la dhigo doono Gudoomiyaha Gobolka Jubada Hoose si la isaga horkeeno Beesha Harti.

Waxaa xaqiiq ah iney Dawladda Ku Meel Gaarka ah u guntatay, iska hor keenka beesha Harti.


Magacyada Odayaasha Qoray Warqadaan:

1.     Ugaas Maxamuud Xaaji Xuseen (Baqow)
2.     Boqor Siciid Xasan (Gaseele)
3.     Nabadoon Cabdi Warsame (lka Boqor)
4.     Dr. Axmed Daahir Maxamuud (Giirdheere)
5.     C/qaadir Ugaas Xasan Cilmi
6.     Suldhaan Aadan Xasan Xaaji Cali Baale
7.     Cabdi Yuusuf Cowke (Labooy Toos)
8.     Dr. Cismaan Macalin Nuur (Xirow)
9.     Maxamuud Aadan Dhalab
10.    C/qaadir Afgub
11.    Faarax Cismaan Walanteeri
12.    Siciid Faarax Muuse
13.    Yaasiin Qeybe Maxamuud
14.    C/raxmaan Maxamed Nuur
15.    Muudey Sayd
16.    Maxamed Dalmar
17.    C/laahi Cilmi Yuusuf
18.    Siciid Ciise
19.    Sahal Cilmi Warfay

Xiriiriye:
Abdi Baree Yusuf Jibrill
jabriil62@Hotmail.com
612-872-0793
Mahadsanidin

 Copyright © 2001 By Qandala.