Qandala Home                           Qandala PSS
WAA MAXAY WAAJIBAADKA SII HAYAHA XILKA MADAXWEYNENIMADA DGPL.
Wargeyska Al-wadan          Khamiis 6Sept,2001        

Tan iyo inti xilka lagu wareejiyay sii haya xilka madaxweynenimada Dowlada Goboleedka Pl  Mudane Yuusuf Xaaji Nuur waxaa soo ifbaxayay saluug dhinaca maamulka ah, iyo arrimo badan oo jira sida ku takri fal dhinaca maaliyada, hanaanka maamulka iyo awood isa siin keentay xil ka qaadid iyo magacaabid, waxaa la isweydiiyay awooda uu leeyahay iyo mudada ay ugu eg tahay xilka inuu wareejiyo sii hayuhu.         Sida la wada ogsoon yahay siihayuhu waxaa xilka loogu wareejiyay nidaam dastuuri ah oo ay isu kaashadeen
Isimada soo jireenka ah iyo shacbiweynaha reer Pl kaasoo ay ku qanciyeen maamulka xilkiisu dhamaaday iyo golihii xeerdejinta ee hore qodobo axdiga ku qornaa oo lama taabtaan ahaa sida qodobka 34-aad ee axdiga PL. Sii hayaha waxaa waajibaadkiisa ka mid ah in uu isugu yeero ergooyinka ka qeybgalaya shirweynaha labaad ee dastuuriga ah muddo bil ah islamarkaana halkaa lagu doorto Madaxweyne, M/ku xigeen iyo golaha baarlamaanka  dhinaca kale sii hayahu keligii kuma tagri fali karo mudada xilka sii heynta ah uu hayo awooda maamul haddii uusan la tashan isimada PL.
Waxaa dhacday mudadii xilka uu hayay sii hayuhu in laga saaray Bankiga dhexe lacago badan oo gaaraya laba Bilyan oo shilin So, taasoo la siiyay qaar ka mid ah ganacsatada heshiiska wadaaga kula ahaa maamulkii hore ee dhacay, taasoo u baahneyd in xilligaan laga fiirsado lacag intaa le,eg oo aan sharci ahayn bixinteeda, dhinaca kale waxaa xilka laga qaaday mas'uuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyad, Taliyaha ciidanka daraawiishta iyo Gudoomiyaha hey'ada NESHA oo isna la isku dayay in xilka laga maroojiyo, Gudoomiyaha Gobolka Bari oo sidoo kale la isku dayay in xilka laga qaado balse ay is hortaageen qaar ka mid ah Isimada iyo tii ugu dambeysay oo uu muran ka taagan yahay xil ka qaadista Gudoomiyaha Gudigga Qabanqaabada ee shirweynaha 2-aad ee Dastuuriga ah ee DGPL. Dhibaatada ugu wayn ee haysata sii hayaha ayaa ah la taliyayaal farabadan oo u sahlay qaadashada go'aano dib ugu soo noqda.


 Copyright © 2001 By Qandala.