Qandala Home                           Qandala PSS
GO’AAMO AY GAARTAY BEESHA R/MAXAMUUD      
Galkacyo/Bosaso
     15/08/2001
Ku: Beesha R/Maxamuud                    Gudaha iyo debedda
Ku: Isimada Beelaha Buntlaan     fadhiyadooda
Ku: Dhamaan Beelaha Reer Buntlaan          Degaamadooda   
Shir ay  ka soo qaybgaleen xubno gaaraya 100 oo ka kala dhacay magaalooyinka Galkacyo iyo Bosaso iyagoo ku xiriirayey war is gaarsiinta labada gobol, dood dheer iyo falanqayn arrimaha manta Buntulaan ka taagan, waxaa ka soo baxay  shirarkaas qoraalkan ay Beeshu u soo bandhigayso ummadda reer Buntlaan, si ay u cadayso mawqifkeeda ku aadan dhacdooyinkii beryahan danbe sida is dabajooga ah uga dhacayey degaanka Buntulaan.  
Ø     Ka dib markaan yaqiinsanay, sida ku cad Axdigii Dawlad Goboleedka Buntlaan, in jiritaankii labadii Gole oo hore baaba'ay.
Ø     Ka dib markaan aragnay qoraalkii isimada Buntlaan ugu magacaabeen Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare inuu noqdo sii-hayaha xilka Madaxweynaha buntlaan.
Ø     Ka dib markaan ogaanay inuu ka dhacay dagaal aan loo baahnayn Magaalada Bosaso kaa soo sababay dhimasho iyo dhaawac farabadan.
Ø     Ka dib markaan aragnay go'aamada ku wajahan arrimaha Buntlaan oo ay soo saareen Beesha Cumar Maxamuud.
Ø     Ka dib markaan u kuur galnay, si qodo dheerna u derisnay dareenka Bulshada reer Buntlaan, gaar ahaan Mudug iyo mawqifkooda ku aadan arrimaha murugsan ee Buntlaan.  
Waxay Beeshy Go'aansatay:
1.     INAY Beeshu adkayso xiriirka walaal-tinimada iyo is ixtiraamka ku dhisan ee ay la leedahay Beelaha ay deris wadaaga yihiin ee ku nool gobolka Mudug.
2.     INAY Beeshu ugu baaqdo dhamaan Bulshada reer Buntlaan adkaynta nabadgelyada iyo isku duubnidooda, iyadoo wixii khilaaf ahna lagu dhamaynayo wada hadal iyo wado nabadgelyo ah.
3.     INAY Beeshu si buuxda uga qaybgasha dhamaan shirarka iyo fagaarayaasha dib loogu  dhisayo hanaankii Dawlanimo ee Buntlaan, sida ugu dhakhsaha badana u soo gudbiso Ergooyinka uga qaybgeliya shirweynaha 2aad ee Buntlaan.
4.     INAAN Beeshu wax taageero ah siin cid walba oo dano gaar ah rabta inay fushato, iyadoo u marayso shaqaaqo, kacan ka hadal iyo abuuritaan fadqalalo ku timaada Bulshaweynta reer buntlaan.
5.     INAY Beeshu ixtiraamayso; dhawraysana wixii heshiis ah ee ay la gashay Beelaha kale ee reer Buntland gaar ahaan kuwa ay degaan wadaaga yihiin ayna ugu baaqayso is kaashi, is qaderin,  i adkeenta nabadgelyada iyo wadajirka reer Buntlaan.  
6.     Waxaa Beeshu ku wargelinaysaa Bulshaweynta reer Buntlaan in qoraal kasta oo ka soo horjeeda go'aamadan Beeshu qaadatay uu san matalin argtida Beesha yahayna fikar shakhsi ah.  
Wa Bilaahi Towfiiq
Qoraalkaan waxaa ku saxiixnaa 14 qof, magacyadoodana kala xiriir: Cabbaas:  cabbaas@netcostg.com
August 16, 2001
 Copyright © 2001 By Qandala.