Qandala Home                           Qandala PSS
SHIRWEYNAHA 2-AAD EEDASTUURIGA AH EE DGPL OO SHALAY SI RASMI AH DIBUGA BILAABMAYE
Wargeyska Al-wadan          Khamiis 6Sept,2001
Islaam Maxamed Islaam Muuse
Oo shirka garoowe furay
MURAN KA DHASHAY XIL KA QAADIS LAGU SAMEYN LAHAA GUDOOMIYAHA  GUDIGGA QABANQAABADA SHIRWEYNAHA 2-AAD EE DASTUURIGA AH EE DGPL .
Sii hayaha xilka madaxweynaha ayaa  isku dayay in uu xilka ka qaadao gudoomiyaha guddiga qababnqaaba da Mudane Muuse Faarax Xeyd. Wareysi kooban oo aan la yeelanay Gudoomiyihii hore Mr Xeyd wax yar ka hor inta aan xilka laga qaadin ayaa wuxuu noo cadeeyay inay jiraan Qallindaaro farabadan oo ay ka mid yihiin wax is dhaafdhaafin dhinaca kaararka ergooyinka ah gaar ahaan kuwa jaaliyadaha oo la boobay  waa sida hadalka uu u dhigaye, iyo kala dambeyn la'aan iyo amar diido gudigga qabanqaabada dhexdiisa, balse arrintaa waxaa ku gacan seyray qaar ka mid ah guddiga qabanqaabada iyagoo ku doodaya inaanan sii hayuhu awood sharci ah u laheyn inuu xilka ka xayuubiyo gudoomiyaha ay iyagu horay isaga dhex doorteen.  Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo shirku furmayay .

GARAAD SALEEBAAN OO LA FILAYO DHOWAAN IN UU GAROOWE SOO GAARO
War aan ka helnay ilo ku dhow dhow Garaadka, ayaa sheegaya in Garaad Saleebaan ku soo fool leeyahay magaalada Garoowe isagoo wata wufuud aad u ballaaran, Garaadka ayaa ka mid ahaa Isimadii horay loogu casumay xafladii furitaanka shirweynaha labaad ee dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedka Puntland, taasoo dhacday 26kii bishii la soo dhaafay, mar aan wax ka weydiinay Nabadoon Cali Xaaji Xirsi arrintaas wuxuu noo xaqiijiyay in Garaadka oo aad looga sugayay maalmahan inuu ka soo qeybgalo shirka uu dhowaan ku soo beegan yahay Garoowe si uu uga qeyb qaato shirweynaha, waxaa kale uu Nabadoon Xirsi noo sheegay in ergadii Gobolka Sool  badankood soo gaareen Garoowe dhamaantood.   

HARAADIGII KORNEYLKA MAXAY LA GALGALANA YAAN???  
Waayadan waxaa laga dareemi karaa oo la isla dhexmaryaa magaalooyinka waaweyn ee Gobolada PL dacaayado aan sal iyo raad lahayn oo ay fidinayaan haraadigii maamulkii dhacay, kuwaasoo jawi colaadeed iyo iska hor-imaad ay doonayaan inay  kaga faa'iideystaan shacabka xalaasha ah ee ka horyimi sharci diidayaasha xaaraantu ka duxday kuwaasoo isugu jira mas'uuliyiin heer wasiir, baarlamaan ahaan jiray, ganacsato daneystayaal ah oo maamulkii hore sandareertada ka leefi jiray, saraakiil, qaadwalayaal barobagaando hantida shacabka loogu naasnuujin jiray, suxufiyiin qaarkood guryo iyo gawaari loo iibiyay oo illaa iyo iminka qandaraaskii ay la galeen maamulkii hore ka dhicin  kuwaasoo dhamaantood u arka isbedelka dhacay fartana  la qaniinaya in danahooda gaarka ah laga hor yimi, welina quusan lana galgalanaya inay naabadgelyo la'aan iyo xasilooni darro , iskaraahisasho iyo isnaceyb ku dhex abuuraan shacabka walaalaha ah ee reer PL . Hadaba dadweynaha PL waa inay ka digtoonaadaan kuwa doonaya inay burburiyaan DGPL.

SIDEE LOOGA HORTAGAA CUDURKA DABEYSHA?.
Cudurka dabeysha wuxuu ka mid yahay lixda cudur ee dilaaga ah.  Cudurka dabeysha waxaa keena Feyruus la yiraahdo Polio Virus oo ka mid ah bahda Feyruuska loo yaqaan Entro-virus kana mid ah kuwa ku tarma mindhicirada iyo caloosha. Polio Virus wuxuu ku gudbaa nadaafad xumada ay ka mid tahay, cuntada oo la cuno inta aan gacmaha la meyrin, hindhiso qof qaba cudurka oo u gudbiya qof aan qabin taasoo naadir ah, jeermiskaan marka uu gaaro caloosha wuxuu ku tarmaa mindhicirada isagoo u sii talaaba habdhiska dareenwadka dhexe (CNS) isagoo u sii mara xangulaha”Cerebrospinal Fluid”, Cudurkaan wuxuu sababaa naafoobid daa'im ah oo ku dhaca adimaha, mararka qaarkoodna wuxuu keenaa hawada oo ku xiranta bukaanka marka uu naafeeyo unugyada dareensidka siiya jihaaska neefmareenka kaasoo sababa dhimasho. Cudurka dabeysha marka uu ku dhaco hal qof  laba boqol oo qof oo kale ayuu asiiba, waxaana laga helaa feyruuskiisa saxarada 14  Berri ee ugu horeysa ee loo yaqaan “Golden Oportunities”. Cudurka dabeysha lama daaweyn karo, waxaanaa looga hortagi karaa Tallaal dhamaystiran oo laga qaato afka (OPV), sannandkii 1988 ayaa caalamku isku raaceen in laga ciribtiro cudurkaan dunida sannadka 2000 taasoo suurto gellin ayaa dib loo dhigay ilaa 2005 sida ay isku raaceen “World Health Assembly” , Waxaa jirta istiraatijiyad guud ee loo maro ciribtirka cudurkaan “Eradication” sida Tallaalka joogtada ah “EPI”,  Tallaalka Maalmaha qranka “NID”, “AFP” iyo xaaqid iyo tirtir “Mopping up”.
Wargeyska Al-wadan          Khamiis 6Sept,2001
Khadar Jacfar  Qandalo@yahoo.com
Copyright © 2001 By Qandala.