Qandala Home                           Qandala PSS
Sii Hayaha Xafiiska Ergada Somalida ee Qaramada Midoobayd ee Xarunta New York oo La Farasaaray.
FATUN MAXAMED XASSAN OO LA AFLAGAADDEEYEY IYO GABADH KA CAAWISA HAWLAHA XAFIISKA OO LA FARA SAARAY
Fartuun M. Xassan
Sii Hayaha Xafiiska
Ergada Somalida ee UN

Xilli ay ahayd duhrunimadii New York, maanta oo Khamiis ah, 13kii Sebtambar, 2001, ayaa Fatun Maxamed Xassan, Sii-Hayaha Ergada Jamhuriyadda Somaaliyeed ee Qaramada Midoobey, xafiiska ku soo noqotay. Waxay markaas uun la kulantay iyadoo ninka madaxa ka ah shaqaalaha sarta Xafiisku ku yaallo, uu xafiiskii Ergada u furayo Axmed Cabdi Xaashi (Xasharo)
oo sida la sheegay Arbacadii shalay Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey waraaqihii aqoonsiga ka guddoomey.

Axmed Cabdi Xashi waxa la socday nin lagu magcaabo Axmed Bootaan Dhakkar, oo ah nin jagooyin sare ka soo qabdtay QM, haatan se ka fariistay shaqadii.

Fatun waxa la socotay gabadh magaceedu yahay Fardus Cali Maxamuud, oo hawlaha xafiiska iskaa-wax-u-qabso Fatun ku caawisa.

Markii ay Fatun aragtay Xafiiskeedii oo markaas loo furayo labo nin oo aan isa soo sheegin, waxay ninkii ku tiri: "Ha iga furin xafiiskayga". Gabdhuhu waxay sheegeen in ninkii la socday Xashara uu ugu jawawaabay Fatun "...
Moryaan yahay ma adigaa leh meesha?" iyo wax la mid ah. Wuxu sii raaciyey
intaas, "war moryaanta ha maqlin eh, xafiiskaaga fariiso". Waxa wehileyey
hadallo kale oo aan fagaare laga sheegi karin lana qori karin.

Intaas waxa raaca in Fardus ay sheeganeyso dhawr jugood oo uu laabta ka
gaarsiyey Axmed Bootaan dhakaar. Intaas markii ay dhacday waxay gabdhuhu
warkii gaarsiiyeen booliska New York, Xafiiska Arrimaha Dibadda Maraykanka u
qaabilsan Arrimaha Ergooyinka Qalaad, iyo odayaasha Somaaliyeed ee Magalaada New York.

Goor ay goobta ka tageen Xashare iyo Dhakkar bey yimaaddeen Boolisku oo ay
gabdhaha dooddoodii ka qoreen. Fiidnamadiina, waxa xafiiska yimid boolis
dhar-cad ah oo dembi-baarayaal ah. Labada qolo oo booliska ahiba waxay
Xashare iyo Dhakkaar ugu tagayeen rugtoodii, waa sida bioolisku sheegeen eh.
Sidoo kale waxa Fatun iyo Fardus ugu yimid Xafiiska odayaal Somaliyeed oo lix ah oo deggan magaalada New York. Sidoo kale odayaashu, markii ay waraysteen gabdhaha waxay ballan qaadeen in ay Xashare iyo Dhakaar ugu tegayaan ama ka wacayaan rugtooda

Ninka furaha xafiiska hayey wuxu sheegay in uu Xashare ka xishooday markii uu ku yidhii: 'Waxan ahay safiirkii cusbaa, waxanan rabaa in iska sii eego
xafiiska". sida darteedna uu Xafiiskii u furay.

Ciddii rabta faahfaahin ama in ay arrimahan hubiyaan, waxan u tilmaamyayaa in ay waraystaan;

Fatun Maxamed Xassan (914) 633 5221
Fardus Ali Maxamuud (718) 956 7155
Axmed Cabdi Xashi (Xashara) (212) 355 0300
Axmed Bootaan Dhakkar (21) 490 0428
{Ducaale M. Xassan iyo Xassan Omar Maxamed (212) 690 2534
Odayaasha {
{ Abdurashiid Afdhuub (917) 991 0310
 MHirad@aol.com

Copyright © 2001 By Qandala.