Qandala Home                           Qandala PSS
Ujeedo :  Warsaxaafadeed Hogganka Sare ee SRRC
Waxaa fajiciso iyo naxdin leh in kooxda Carta iyo taageerayaashooda All-Ittixaad ay banaan bax ay ku taageerayeen Osama Bin Ladin ka qaban qaabiyeen 21-23kii  September magaalada Xamar. Banaan baxaasoo ay ka hadleen xubnaha parlamaan ku sheegga kooxda Carta.

Anagoo hubna inaan ka turjumeyno dareenka Shicibweynaha Soomaaliyeed waxaan tacsi iyo tiiraanyo u soo gudbineynaa shicibkii sida argagixisanimada leh loogu weerary magaalooyinka New York iyo Washington DC.

Anagoo in badan ku cel celinay, baan mar kale ugu baaqeynaa inta daneysa Soomaaliya, Kooxdan Carta iyo All-Ittixaadkooda lagu soo dhisay rimay gacmeedka, san-ka-galiskana ku ah Soomalida, inayn matalin dadweynaha Soomaaliyeed.

Waxaan u digeynaa, argagixisada qarsoodiga ay kooxda Carta iyo All-Ittixaad ugu tababaraan gudaha Soomaaliya, sida magaalooyinka Marka, Mogdisho iyo meelo ka mid ah Puntland, oo ka kala yimid wadamada Sucuudiga, Pakistaan, Masar, Afkhaanistaan iyo Suudaan inay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan wadankayaga.

Waxaan ku kalsoonnahay si kastoo kooxda Carta ay isugu daydo argagixisanimada ay ku hayso Soomaalida inay u gudbiyaan caalamka kale, in umadda Soomaaliyeed loo aqoon sanaan doono umad aan ku xadgudbin xeerarka caalamka ah, nabadna jecel.

Waxaa nasiib darra ah markii ay u suurtoobi wayday kooxda Carta inay marooqsadaan hoggaanka Soomaalida inay wadanki ka dhigaan bartilmaameed ay ku soo hirtaan argagixisada Caalamka.

waxaan ka xunnahay inaan aduun weynaha ku war galinno, taageerada kooxda Carta iyo All-Ittixaad ay taageereen falalkii wax shinimada lahaa ee lagu weeraray New Yorku iyo Washington DC, wax la mid ah inay joogta u tahay inay u geystaan umadda Soomaaliyeed ayagoo adeegsanaya magac diimeed. Ayadoo la ogyahay Diinta Islaamka inayn raalli ka aheyn falalka aaargagixisanimo.

Wa billah tawfiiq
Afhayeenka Ururka SRRC ee waqooyiga Maraykanka
AbdiBarre
Jabriil62@hotmail.com
Warar Kale Somalia rejects Bin Laden link
Warar Kale ARTA TERROR CELL
 Copyright © 2001 By Qandala.