Qandala Home                           Qandala PSS
Xafiiska Siihayaha Xilka Madaxweynaha

DAWLAD G. PUNTLAND
EE SOOMAALIYA




PUNTLAND STATE
OF SOMALIA






Xafiiska Siihayaha Xilka Madaxweynaha

   Ref.PL/XSXMW/066/2001                                         Date:- 09/09/2001

Ku:- Jaaliyadaha Puntland ee Dibedda                         Fadhiyadooda
Ku:- Shirkadaha Ganacsiga Puntland                          Fadhiyadooda
Ku:- Hantiilyaasha Puntland                                    Fadhiyadooda
Ku:- Shaqaalaha Wadaniga ah ee Hay'adaha Caalamiga ah               Fadhiyadooda
Og:- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada                     Fadhigiisa
Og:- Shirgudoonka Shirweynaha 2-aad ee Puntland                     Garoowe

Ujeeddo:-Ka Qayb gelidda Qaraanka Shirweynaha 2-aad ee D.G.P/L

Waxaa la magacaabay guddi Dhaqaale oo ka kooban:-

Faarax Xaaji C/laahi                               Guddoomiye
Yuusuf Jaamac Degal                              Gudoomiye-ku-xige
Faarax Maxamed Cilmi                         Xubin
Cabdi Faarax Maxamed                          Xubin
Faysal Axmed Maxamed                          Xubin
Cismaan Shanle                              Xubin

Guddigaas waxay u xilsaaran yihiin in ay xiriir la sameeyaan Jaaliyadaha Dibedda ee Puntland, shirkadaha Ganaacsiga, Hantiilayaasha Gaaraka ah iyo shaqaalaha wadanniga ah ee Hay'adaha Caalamiga ah iyo waliba meeshii kale ee lagama maarmaan ah ee gacan ka geysan karta hirgelinta shirweynaha dhan dhaqaale iyo dhan taageeraba.

Inta ay ku socoto iyo inta ay ogeysiinta ku tahayba, waxaa lala socodsiinayaa in uu shirweynaha 2-aad u baahanyahay in dhinacyada oo dhan iska kaashadaan, si uu u miro dhalo, isla markaana guddigaan waxaa looga baahan yahay qaab xisaabeed iyo warbixin tifaftiran.

Wabilaahi  Al-Tawfiiq
Yuusuf Xaaji Nuur
Sii-hayaha Xilka Madaxweynaha Puntland





DAWLAD G. PUNTLAND
EE SOOMAALIYA





PUNTLAND STATE
OF SOMALIA



Xafiiska Guddiga Ururinta Dhaqaalaha
Date:-25/09/2001

KU:-JAALIYADAHA REER PUNTLAND EE DIBEDDA MEEL
         KASTA OO AY JOOGAANBA

UJEEDDO:-URURINTA DHAQAALAHA SHIRWEYANAHA 2-AAD EE
                      PUNTLAND

Walaalayaal sida aad ogtihiin waxaa ka socda magaala Madaxda Puntland ee Garowe shirweynihii 2-aad ee Dastuuriga ahaa ee Putnland.

Shirka wakhtigiisii waa dheeraaday si wax kasta loo turxaan bixiyo, dhaqaalaha shirka u baahan yahayna lama wada hayo oo dhib ayaana ka jirta.

Sidaas darteed waxaanu dhamaan Jaaliyadaha dibada ee reer Puntland ka codsanaynaa in ay taageero dhaqaale u fidiyaan shirkaas si loo sii wado oo loogu dhiso umadda reer Puntland maamul wanaagsan oo uu saldhig u yahay texgalinta Sharciga.

Fariin:- Waxaan fariin u diraynaa qof kasta oo reer Puntland, oo ah lab ama dhadig oo ku nool dalka Dibadiisa in ay u fidiyaan taageero, oo ay u huraan Maalkooda iyo maskaxdooda shirwaynaha 2-aad ee D.G.P/land oo ka socda Magaala Madaxda Puntland ee Garoowe.

Wada Shaynqayn Wacan.

Guddiga Ururinta Dhaqaalaha Shirka:-

Faarax X. C/laahi          
Yuusuf Jaamac Dagal (Canbe canbe)
Faarax Maxamed Cilmi
Cabdi Faarax Maxamed
Faysal Axmed Maxamed (Faysal Wahaabi)
Cismaan Shanle

ALLAA  MAHADLE


Copyright © 2001 By Qandala.