Qandala Home                           Qandala PSS
Yoolka Nolosha
SARKAAL SARE OO KA TIRSAN MAAMULKA CARTA OO SHALAY GALAB BOOQASHO KU YIMID MAGAALADA BOSAASO.
Bosaaso 5,12,2001.
Waxaa shalay galab booqasho howleed ku yimid magaalada Bosaaso Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Carta, sarkaalkan oo lagu magacaabo Col. Cabdi Yasiin wuxuu la socday Koox Weriyayaal ah oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho oo xarun u ah Dowlada KMG ah ee Carta.
Col. Cabdi Yasiin oo u qaabilsan Dowlada Carta dhinaca Saadka, ayaa Saxafiyiinta Bosaaso u sheegay in uu u yimi Bosaaso sidii loo beenin lahaa waxa uu Col. C/laahi Yuusuf sheegayo ee Argagaxisada shinbiraale uu ku tilmaamay inay joogaan , wuxuuna sheegay in uu warfidiyeenada uu soo tusayo goobtaas shinbiraale lagu magacaabo.
Sarkaalkan ayaa la kulmay Col. Jaamac Cali Jaamac,ilaa iyo hadana lama hayo waxa ay ka wadahadleen, hase ahatee mar weriyayaasha Xaruntu wax ka weydiiyeen waxa uu la yimi waxa uu sheegay in uusan waxba sidin oo uu faramarnaa, lakiin wararmadaxbanaan ayaa tilmaamayey in uu Maamulka C/qaasim ka waday dhanbaal.

Waa markii ugu horeyay ee uu yimaado Sarkaal sare oo ka socda Maamulka KMG ah tan iyo intii la soo dhisay Maamulka Carta, iyadoo intii uu ka talinayey Bosaaso Maamulka Col. C/laahi Yuusuf Carta aanay wax booqasho ah ku iman Sarakiil ka socota Maamulka C/qaasim


CIIDAMADA JANARAAL MOORGAN OO KU SII JEEDA DEEGAANKA KISMAAYO.
Kismayo, 5,12,2001.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Afmadoow ayaa sheeaya in ay ku sii fooleeyihiin Ciidamada Janaraal Moorgan deegaanka Kismaayo, warku wuxuu intaas ku darayaa in Cabsi weyni laga dareemay dhamaan deegaanka ku dhow dhow magaalada Kismaayo, kadib markii lagu arkay Maleeshiyo taabacsan Janaraal Moorgan oo soo gashay meel wax yar u jirta Kismaayo oo lagu magacaabo Beerxaani.
Mid ka mid ah Sarakiisha Moorgan oo la yiraahdo Maxamuud Faadhigo oo aan wax ka weydiinay Xaalada Ciidamadooda ayaa noo xaqiijiyey in ay ka go’antahay sidii ay u hantiyi lahayeen magaalada Kisaamyo oo uu ku tilmaamay Isbahaysiga haysta Argagixiso gacan saar la leh Al Qaciida.
Wuxuu kaloo ku tilmaamay Xoogaga haysta Kismaayo inay awooda ugu badan ee dabada ka riixaysa ay tahay wax uu ku tilmaamay Kooxda Carta.


SOMALILAND OO U DIYAARGARAYNAYSA CIIDAMADA JARMALKA IYO MARAYKANKA DEKADDA IYO GAROONKA DIYAARADAHA EE BARBARA
Berbera, 5,12,2001.
Wararka naga soo gaaraya Jamhuuriyada la magacbaxday Soomaliland ayaa sheegaya in ay diyaargareynayaan Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Berbera, si ay u soo degaan Ciidamada Jarmalka oo marakiibtooda iminka la sheegay in ay Biyaha Badda soo hayaan.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Diyaaradaha isaga goosha Soomaaliland iyo dalka dibadiisa loo weeciyey in ay fariistaan Garoonka magaalada Hargaysa, iyadoo lagu amray inayan soo fariisan Garoonka Diyaaradaha ee Barbera.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Biyaha Badda Cas ay qorsheynayaan inay soo caga dhigtaan Berbera maalmaha soo socda.

Ciidamadan Jarmalka iyo Maraykanka ayaa la sheegay in ay howlgalo Milateri ka sameynayaan deegaanada kale ee Soomaaliya, iyadoo warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in howlagalada milateri ugu horeynta ay la beegsanayaan Ciidamadaas Ajanabiga ah magaalooyinka Puntland.


ODAYAAL KA TIRSAN DEEGAANKA NUGAAL IYO COL. C/LAAHI YUUSUF OO KULAN KU YEESHAY GAROOWE.
Garowe 5,12,2001. Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in habeenimadii xalay bacad afurka ay kulan la yesheen qaar ka tirsan Odayaasha deegaanka Gobolka Nugaal Col. C/Laahi Yuusuf Axmed oo Iminka ku sugan Agagaarka Hoteel Meereysane.
Odayaasha kulanka la yeeshay C/Laahi Yuusuf oo lagu qiyaasay ilaa 30 Oday ayaa waxyabihii ay ka wadahadleen lagu tilmaamay inay ugu weynayeen amaanka iyo Nabadgelyada deegaanka Nugaal iyo guud ahaan Puntland.
Odayaasha ayaa la sheegay inay soo jeediyeen in uu Col. C/Laahi Yuusuf joojiyo duulaamada iyo dagaalka Siyaasadeed, xaalada Puntlanda lagu xaliyo is afgarad iyo wadahadal.
Dhanka Col. C/Laahi Yuusuf ayaa la sheegay inuu soo jeediyey in uusan diyaar u aheyn colaad iyo dagaal, balse ay tahay ujeedada uu Caasimada u joogo hab maamul iyo Nidaam, wuxuuna odayaasha u sheegay in uusan cidna xabad iyo dagaal ku qaadeyn, hase ahatee wuxuu sheegay in uu iska difaacayo cidkasta oo Carta iyo Argagixiso u adeegaysa side uu hadlka u dhigay.
Deegaanka Gobolka Nugaal ayaa u muuqda mid ku jira jahawareer siyaasadeed iyo kala qeybsanaan xoog leh oo ka dhextaagan dadka deegaankaas.
Dad badan ayaa aad u taageeraya in magaalaad laga saaro Ciidamada Col. C/laahi Yuusuf oo iyagu taageersan Nidaamka dhowaanta lagu soo doortay ee Jaamac Cali Jaamac. Qaar badan oo kalana waxay taageerayaan Maamulkii hore ee Col. C/Laahi Yuusuf oo isagu 21 bishii ina dhaaftay dulaan ku soo galay Garoowe.

MALEESHIYO REER GAROOWE AH OO DEGAY ISBAARADA LAACDHEERE.
Garoowe 5,12,2001.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Maleeshiyo Beeleed u dhalatay Gobolka Nugaal, ay Ciidamo dejiyeen halka lagu magacaabo Laac- dheere, Maleeshiyadan ayaa la sheegayaa inay ka soo horjeedo Col. C/Laahi Yuusuf ciidamadiisa ee ku sugan magaalada Garoowe.
Lama garanayo ilaa iyo hadda cida ay ka amar qataan Maleeshiyaadkaas xirtay Isbaarada Laac-dheere oo ku dhow magaalada Garoowe.

Sida uu noogu soo waramayo Saxafi Raange oo jooga Garoowe, waxay Maleeshiyadaas u badan yihiin dhalinyaro u dhalatay deegaanka Nugaal, waxayna ka tageen magaalada Xarunta ah ee Garoowe.
Horay ayaa Ciidamo Maleeshiyo ah u dageen Isbaarada dhinaca Gobolka Bari ka soo xigta magaalada Garoowe, kuwaas oo diidanaa maamulka Col. C/laahi Yuusuf, hase ahatee waxay wararka iminka ka imanaya sheegayaan in halkaas uu markii danbe Islaan Maxamed Islaan Muuse ka kiciyey Maleeshiyadii Isbaarada dhanka Gobolka Bari xiratay.

Tababar Gargaarka Deg Deg ah oo Bisha Cas ka Furayso Boosaaso.
Ogeysiis.Waxay Hay’adda Bisha Cas ogeysiinaysaa dhamaan dhalinyarada reer Bosaaso in ay furayso tababar ku saabsan gargaarka deg dega ah, Tababarkan oo la qorsheyey inay ka soo qeybgalaan dhalinyarada diyaarka u ah barashada Gargaarka deg deg ah.
Waxaa laga doonayaa dhalinyarada ka qeybgalaysa ay da’dooda u dhaxeyso 15 jir ilaa 25 Sanno jir, waana in mar alba la heli karo, waxay xarunta Bisha cas ugu hagaagi karaan cidii daneynaysa ka soo horjeeda Hoteel Huruuse ama waxay ku dhegan yahay Xafiisku xarunta Xanaanada Xoolaha.


ODAYAAL BEENIYEY INAY BAAQII SOO BAXAY WAX LUG AH KU LAHAYEEN.
Bosaaso 5,12,2001.
Odayaal ka tirsan Beesha Warsangeli ee gobolka Bari ayaa sheegay ianay wax lug ah ayan ku la heyn Baaqii Sedeeda Beelood Soosaareen Isiniintii la soo dhaafay ee ku soo baxay wargayska Yool.
Cabdi Shire Maxamed iyo Ibrahin Xasan Faarax oo Xarunta Wargeysyada yimi u sheegay inayan ogeyn meel magacyadooda ay baaqa ku qoreen waxayna tilmaameen in ay koox dano ka leh ay Baaqa magacyadooda ku soo qoreen.


yoolpress@hotmail.com "bile qabowsade axmed"

Waxaynu ka soo xiganay Mudug Online Guji
Copyright © 2001 By Qandala
Khadar Jacfar