Make your own free website on Tripod.com
Qandala Home                           Qandala PSS
Dastuurka Puntland
 ARARTA DASTUURKA PUNTLAND

Magaca Naxariista iyo Naruurada Rabbi dartood. Annaga oo ah Dadka Puntland.
Waxaa naga go'aan ah in aan waa cusub ambaqaadno, si aan uga soo kabanno musiibadii, raadkii iyo dhaxalkii ay reebeen dagaalladii sokeeye.
Waxaan ku mintidaynaa ambaqaadka iyo yagleelidda hannaan iyo hab cusub oo horseedi kara dawlad Soomaaliyeed oo federaal ah kuna dhisan nabad, caddaalad iyo demoqaraadiyad.
Annaga oo ka duuleyna mabd'a wadatashiga iyo wax-wadaag caddaalad ku dhisan waxaan dooneynaa in aan walaalahayaga Soomaaliyeed ku wada noolaanno isqadarin iyo isu garowsho.
Waxaan aaminsanahay in midnimada Soomaaliyeed ay ku dhalan karto hannaan nabadeed iyo isla oggolaansho ka yimaada dadka Soomaaliyeed.
Waxaan ku hawlgelaynaa, walaalahayo Soomaaliyyedna ugu yeeraynaa in aan wadajir ugu halgalno dib u dhiska qarankii Soomaaliyeed oo burburay.
Annaga oo ka duuleyna xigmadahaan sare iyo sooyaalka taariikheed ee ku salaysan Caqiidada iyo Diinta Islaamka iyo Dhaqanka suuban, waxaan ku guuleysanney in aan 1998dii dhisno Dawlad-goboleedka Puntland oo qayb ka mid ah dawlad Soomaaliyeed oo federaal ah.
Haddaba Golaha Wakiillada ee puntland oo ka duulaya waayihii adkaa ee la soo maray fulinayana dardaarankii shirweynihii wada tashiga ee Garowe 1998dii, ee Axdiga qodobkii 28, ayaa kalfadhigii 3aad ee Golaha Wakiillada lagu dhisay Guddiga Diyaarinta iyo isku duba ridka Dastuurka Puntland oo bedeli doona Axdiga ku-meel-gaarka ah. Dadaal iyo wadatashiyo badan kadib Guddigu waxa uu soo dammaystirey Dastuurka Puntland soona hordhigay Golaha Wakiillada.
Golaha Wakiillada oo ka duulaya rabitaanka iyo aayaha dadweynaha Puntland waxa ay si taxadar iyo feejignaan leh uga doodeen 2 kalfadhi daraftigii Guddigu soo hor dhigey, ugu dambaystiina Goluhu wuxuu Dastuurka u ansixiyay si buuxda 05/06/2001.
Dastuurka cusub ee Puntland waxaa lagu saleeyey:
Shareecada Islaamka
Habka wadatashiga iyo go'aan wadaagga
Isu dheellitirnaanta awoodaha Dawladda; xeer-dejint, fulinta iyo garsoorka
Baahinta xukunka
Habka xisbiyada
Damaanad qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed iyo ganacsiga suuqa xorta ah
Sugidda xuquuqda assaasiga iyo nolosha qofka, sugidda Nabadgelyada iyo xasiloonida.
Dastuurka cusub, waxa uu ka kooban yahay: -
1. 5 qaybood oo mid kastaaba leedahay xubneheeda iyo qodobkeeda
2. 11 xubnood iyo 100 qodob oo dhammaantood si musalsal ah isugu habaysan.
Golaha Wakiillada, wuxuu dadweynaha Puntland u soo gudbinayaa in ay dastuurkaan dhuuxaan si ay mustaqbalka codkooda ugu ansixiyaan


 QODOBKA 1AAD
SARRAYNTA SHARCIGA
Sharciga ayaa ka sarreeya cid kasta.


QODOBKA 2AAD
MAGACA IYO NIDAAMKA DAWLADDA
1. Magaca Dawladdu waa Dawlad-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
2. Puntland waa dawlad-goboleed Soomaaliyeed oo madaxbannaan kuna dhisan habka wadatashiga, demoqoraadiyadda iyo xisbiyada.
3. Maamulka dawladdu waa mid baahsan, awoodda ugu sarraysana - tan Eebbe mooyee - shacabka ayaa leh, isaga oo awooddaas u adeegsanaya si toos ah oo dastuurka iyo shuruucda waafaqsan, qof ama qayb ka mid ah shacabkuna ma sheegan karo, kumana takrifali karo gooni ahaan.
4. Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya xil ayaana ka saaran baadigoobka iyo dhawridda dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaaliga ah.


QODOBKA 3AAD
DHULKA, SOOHDIMAHA IYO XUQUUQAHA SOOHDIMAHA
1. Puntland waxa ay ka kooban tahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Koofurta Togdheer (Deegaannada Buuhoodle), Mudug oo laga reebay Deegaannada Hobyo iyo Xarardheere iyo Gobolka Sanaag oo laga reebay degmada Ceel-afweyn iyo waqooyi- galbeed ee degmada Ceerigaabo.
2. Soohdimaha Puntland waa kuwa Gobollada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay la lahaayeen derisyadooda dagaallada sokeeye ka hor, midnimada Puntland-na laguma soo xadgudbi karo; dhul, cir iyo bad toona.
3. Inta ku siman soohdimaheeda (dhul, cir iyo badba), Puntland waxa ay leedahay xuquuqihii awoodeed oo ay lahaayeen dawladdihii hore.

QODOBKA 4AAD
DADKA
Dadka Dawlad-goboleedka Puntland waa muwaadiniinta puntland oo dhan lamana kala qaybin karo.

QODOBKA 5AAD
MUWAADINNIMADA
1. Muwaadinimada Puntland waxaa soo caddeynaya Degmada uu qofku ka tirsan yahay.
2 Muwaadinku ma luminayo jinsiyadiisa Puntlandinimo haddii uu dhalasho kale qaato.
3 Helida iyo dhuminta muwaadinnimada Puntland waxaa lagu soo saarayaa xeer gaar ah 3-bilood kaddib dhaqan galka Dastuurka.

QODOBKA 6AAD
DIINTA
1. Diinta Islaamku waa tan qur ah ee dawlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
2. Diin aan tan Islaamka ahayn laguma fidin karo dalka dawlad-goboleedka Puntland, qawaaniinta iyo dhaqanka bulshadana waxaa saldhig u ah diinta Islaamka.

QODOBKA 7AAD
MAGAALOMADAXDA
1. Magaalo-madaxda dawlad-goboleedka Puntland waa Magaalada Garoowe waana fadhiga dhexe ee dawladda.
2. Magaalomadaxda waxaa lagu dhaqayaa xeer u gaar ah saddex bilood gudahood lagu soo saaro laga bilaabo dhaqangalka dastuurka.

QODOBKA 8AAD
AFKA
Af-Soomaaligu waa afka rasmiga ah ee dawlad-goboleedka Puntland, afaf kalana waa la adeegsan karaa.

QODOBKA 9AAD
ASTAANTA, CALANKA IYO HEESTA DAWLAD-
GOBOLEEDKA PUNTLAND
1. Astaanta, Calanka iyo heesta Dawlad-goboleedka Puntland waa kuwii Qarankii Soomaaliyeed.

QODOBKA 10AAD
WADAHADAL IYO WAX-WADAAG FEDERAALNIMO
1. Puntland waxa ay ka mid noqonaysaa Dawlad Soomaaliyeed oo habka Federaaliga ah ku dhisan, waxayna wadahadal la geli kartaa qayb kasta oo Soomaaliya ka mid ah oo aaminsan raadinta iyo ka-mid-noqoshada dawlad soomaaliyeed oo ku dhisan habka federaaliga ah.
2. Waxyaalaha dawlad-goboleedku Puntland ay ku wareejin doonto dawladda Federaalka ah waxaa ka mid ah: Arrimaha socdaalka, difaaca, arrimaha siyaasada dibedda, istaambada boostada, lacagta, habka cabbiraadda.
3. Wixii intaas dheeri ka ah waxay ku imaanayaan wadahadal dhexmara dawladda federaalka ah iyo dawlad-goboleedka.


 QODOBKA 11 AAD
XIRIIRKA DIBEDDA
1. Dawlad-goboleedka Puntland waxay dhawraysaa heshiiyadii ay Dawladihii hore ee Soomaaliya la galeen dawlad shisheeye, haddii heshiiskaas/heshiiyadaas aysan ka hor imaanayn danaha iyo maslaxadaha Puntland.
2. Dawlad-goboleedka Puntland waxay dhawraysaa heshiiyadii ay Dawladihii hore ee Soomaaliya la galeen shirkad shisheeye, haddii heshiiskaas/heshiiyadaas aysan ka hor imaanayn danaha iyo maslaxadaha Puntland.
3. Dawlad-goboleedka Puntland waxay aqoonsan tahay kuna dhaqmaysaa Axdiyada Qaramada Midoobay iyo qaanuunka dawliga ah; waxaa kale oo ay xurmaynaysaa Baaqyada Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga wixii aan ka hor imaanayn shareecada islaamka iyo qawaanniinta puntland.
4. PUNTLAND waxay xushmaynaysaa, oggoshahayna Axdiyada Ururka Midowga Afrika (OAU), Jaamacadda Carabta, Urur-goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD), iyo Ururka Mu'tamarka Islaamka(OIC).
5. Puntland waxay aqoonsan tahay mabaadii'da aayo-ka-talinta ummadaha adduunka.
6. Puntland waxay taageeraysaa hindisooyinka ah in khilaafaadka aasaasiga ah ee abuurma ama hor u jireyba lagu dhammeeyo wadahadal iyo hab nabadeed.
7. Dawlad-goboleedka Puntland waxay ka soo hor jeeddaa argagixisnimada.

QODOBKA 12 AAD
XISBIYADA
1. Dawlad-Gobeleedka Puntland waxaa lagaga dhaqmayaa nidaamka xisbiyada.
2. Waxaa jiraya ugu badnaan saddex xisbi siyaasadeed.
3. Waxaa reebban xisbiyada iyo ururrada leh dabeecad ciidan iyo qabiil.
4. Qofkii xisbi kaga guulaysata kursi kana baxa xisbiga waxa uu waayayaa kursigii uu xisbiga ee uu ku guuleystay.
5. Nidaamka xisbiyada waxaa lagu soo saarayaa xeer gaar ah oo Xukuumadu soo jeediso Goluhuna ansixiyo.
6. Hantida Qaranka looma isticmaali karo hawl xisbiyeed.
7. Ciddiin ay ku cadaato in ay u isticmaashay hantida Qaranka arrimo xisbi waxaa la hor geynayaa maxkamad.

QODOBKA 13 AAD
SHURUUDAHA FURASHADA XISBI SIYAASADEED
Xisbi kasta oo la furayo waa in uu buuxiyaa shuruudaha soo socda:-
b. Waa in uu leeyahay barnaamij Siyaasadeed oo himilo waddaniya leh;
t: waa in uu leeyahay Dastuur,
j: Waa in uu leeyahay Saldhig dhaqaale oo damaanad qaadi kara jiritaanka xisbiga oo dhan (100Malyan oo Sh,So ah) lana dhigo Bangiga Dhexe.

QODOBKA 14AAD
DHISMO-XUKUUMADDEEDKA XISBIYADA
1. Xisbigii ku guuleysta ugu yaraan 51% kuraasta guud ee Golaha Wakiillada ayaa Dawladda soo dhisaya.
2. Haddii xaaladda ku xusan 13.1 dhici weydo dawlad wadaag ah ayaa la soo dhisayaa, iyada oo xisbiga ugu xubnaha badani hoggaaminta yeelanayo.
3. Haddii labo xisbi ama ka badan isxubno le'ekaadaan, xisbiyadu wadahadal ayay ku go'aansanayaan cidda hoggaaminta yeelaneysa.

QODOBKA 15AAD
TIROKOOBKA
1. Dadweynaha Punltland tobankii sanaba mar baa la tirokoobayaa.
2. Waqtiga tirokoobtu ka bilaaban doonto xeer gaar ah baa lagu soo saari doonaa.

QODOBKA 16 AAD
GUDDIGA DOORASHADA
1. Waxaa jiraya Guddi doorasho oo Guddoonka Golaha Wakiilladu soo jeediyo Goluhuna ansixiyo.
2. Waxaa Guddiga doorashada la magacaabayaa 3 saddex bilood ka hor waqtiga doorashada, waxa uuna ku egyahay saddex bilood kaddib ee dhammaadka natiijada doorashada.
3. Guddigu waxa uu u hoggaansamayaa sharciga oo keli ah.
4. Markii la ansixiyo guddiga doorashada, guud ahaan iyo gaar ahaan toona xilka lagama qaadi karo waxna lagama beddeli karo.
5. Guddigu warbixinta doorashada waxa uu u gudbinayaa Guddoonka Golaha wakiillada, Madaxtooyada iyo Maxkamadda Sare.
6. Guddoomiyaha Guddiga doorashada waxaa soo jeedinaya guddoonka Golaha waxaana ansixinaya Golaha.
7. Tirada Guddiga Doorashadu kama yaraan karto 15 xubnood.
8. Awoodaha iyo xil-waajibaadkaadka guddiga waxaa lagu qeexayaa xeer gaar ah oo Golaha Wkiilladu soo saaro ansixiyaana.

QODOBKA 17AAD
QOYSKA
Qoysku waa aasaaska bulshada oo ka aasaasma nin iyo haweenay qaangaaray oo si sharciga waafaqsan isku guursaday, waxa uuna xaq u leeyahay damaanadqaad dastuuri ah.

 QODOBKA 18AAD
XUQUUQDA HAWEENKA
1. Dastuurkani waxa uu xaqiijinayaa xuquuqda, xoriyaadka iyo waajibaadka haweenka ee dhaqan dhaqaale iyo siyaaso ee aan diinta islaamku ka reebin.
2. Dawladda ayaa ilaalinaysa xuquuqda haweenka ee ku xusan qodobkan.
3. Haddii nolosha hooyada uurka lihi halis gasho, ilmaha caloosha ku jira waa la soo ridi karaa markii dakhtar takhasuskeeda lihi caddeeyo.

QODOBKA 19 AAD
XAQUUQDA CARRUURTA
1. Carruur waxaa loola jeedaa qof kasta oo toban iyo shan (15) sano ka yar.
2. Ilmuhu waxa uu xaq u leeyahay nolol, magac, jinsiyad iyo korriimo.
3. Waxaa reebban shaqada carruurta wax u dhimaysa noloshooda, dhaqankooda, korriimadooda iyo waxbarashooda.
4. Waxaa reebban in la soo rido ilmaha caloosha hooyada ku jira haddii aysan jirin xaaladda ku xusan 18.3

QODOBKA 20AAD
AGOOMAHA, CURYAAMADA IYO GARAAD-DHIMMANKA
1. Naafada iyo muwaadin kasta oo aan is daryeeli Karin, cid daryeeshaana aysan jirin, dawladda ayay waajib ku tahay in ay daryeesho.
2. Dawladdu waa in ay dhiirrigelisaa samaysaana hay'ado xannaaneeya dadka qodobkan ku tilmaaman.

QODOBKA 21AAD
CAAFIMAADKA
1. Dawladda ayaa u xil saaran caafimaadka guud, gaar ahaan kan carruurta iyo hooyada, ka-hortagga cudurrada faafa iyo nadaafadarrada guud.
2. Dawladda ayaa xil ka saaran yahay horumarinta adeegyada Caafimaadka.
3. Dawladdu waxa ay oggoshay in la furto rugo/xarumo caafimaad iyo cisbitaalo gaar ah, xeer gaar ah ayaana xukuumaddu ka soo saaraysaa.

QODOBKA 22AAD
WAXBARASHADA
1. Horumarinta, baahinta iyo faafinta cilmigu iyo waxbarashadu waa waajib ummadeed, meelmarintoodana dawladda ayaa u xil saaran.
2. Akhris-Qoris la'aanta afka hooyo waa cadowga koowaad ee ummadda waana waajib in lala dagaallamo, dawladdana xil dheeraad ah ayaa ka saran.
3. Waxbarashada aasaasiga ah waxaa loo aqoonsan yahay: dugsiyada quraanka, dugsiyada hoose, dhexe iyo Sare, ciyaaraha jirka iyo isboortiga, waxbarashada dadka waaweyn iyo waxbarashada gaarka ah ee dumarka, waana waajib dawladdu leedahay in ay meelmariso, waxaana jiraya Manhaj midaysan.
4. Muwaadin kasta waxa uu xaq u leeyahay daryeel waxbarasho.
5. Qofka qaangaarka ahi waa u madaxbannaan yahay doorashadiisa waxbarasho iyo xirfadeed.
6. Waxaa la furan karaa Dugsiyo waxbarasho, dugsiyo xirfadeed iyo jaamacado gaar ah waafaqsanna manhajka dawladda.
7. Dawladda xil ayaa ka saaran dhisme jaamacadeed.
8. Xeer gaar ah ayaa nidaaminaya waxbarashada madaxa bannaan.

QODOBAKA 23AAD
SINNAANTA BULSHADA
1. Dhammaan dadku waa siman yahay Sharciga hortiisa.
2. Qofna laguma takoori karo midabka, diinta, dhalashada, jinsiyada, hantida, fikrada uu aaminsanyahay, siyaasada, afka iyo isirka.
3. Dastuurku waxa uu dhowrayaa xushmaynayaana xuquuqda dadka laga badanyahay.

 QODOBKA 24 AAD
XORRIYADDA CAQIIDADA
1. Qof kasta waxa uu xor u yahay Caqiidadiisa, lagumana qasbi karo mid kale.
2. Qofka muslimka ahi kama noqon karo Caqiidadiisa.

QODOBKA 25 AAD
XORRIYADDA FIGRIGA
1. Qof kasta xor buu u yahay figraddiisa iyo soo-bandhigideeda.
2. Qofku waxa uu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, baahineed, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo xeerka waafaqsan faragelin la'aan.

QODOBKA 26 AAD
XAQA DOORASHADA
1. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha doorashada looga baahan yahay waxa uu xaq u leeyahay in uu wax doorto lana doorto.
2. Codayntu waa shaqsi, sinaan, xorriyad iyo qarsoodi.

QODOBKA 27 AAD
XAQA QORASHADA ARJIGA
1. Muwaadin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu cabasho (Arji) qoran u diro M/weynaha, Parlamaanka iyo xukuumadaba.
2. Cabasho kasta oo xeerka waafaqsan dawladdu waa in ay ka jawaabtaa (90) beri gudahood.

QODOBKA 28 AAD
XAQA KA-MID-NOQOSHADA URURRADA
1. Muwaadin kasta oo buuxiyey shuruudaha doorashada waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qaybqaato hawlaha, ka mid noqdo ama aasaaso ururro siyaasadeed dhaqaaleed, bulsheed, cilmiyeed iyo dhaqaneed.
2. Waxaa reebban jiritaanka ururada leh ujeeddooyin lid ku ah Qawaanniinta dalka iyo danaha umadda.
3. Ururrada leh shaqsiyadooda qaannuun, heshiisyada ay xubnuhu ku galaan ururada, waxa uu waajib ku wada noqonayaa dhammaan xubnaha ururka.

QODOBKA 29 AAD
XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA
1. Muwaadin kasta ama qof kasta oo si xeerka waafaqsan dalka ku jooga waxa uu u madaxbanaan yahay in uu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu rabo, iyo inuu dalka ka baxo kuna soo laabto goortii uu doono.
2. Meelaha iyo gooraha ay reebbantahay maridooda iyo galidooda xeer gaar ah ayaa lagu soo saarayaa.

QODOBKA 30 AAD
XAQA LAHAANSHAHA HANTIYEED
1. Muwaadin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu hanti yeesho.
2. Waxaa reebban wax-soosaar kasta oo aan sharciga waafaqsanayn.
3. Qofna lagama qaadi karo khidmad ama hanti aan sharciga waafaqsanayn.
Qodobka 31 AAD
Xaqa Nolosha Iyo Nabadgelyeynta Jirka
1. Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay noloshiisa, waxa uuna ku waayi karaa oo keli ah tan Eebbe mooyaane, markii ay Maxkamad horteed kaga cadaato dembi dil lagu mutaysan karo.
2. Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay nabadgelyaynta jirkiisa iyo sharaftiisa.
3. Waxaa reebban dambiyada laga galo xuquuqda Aadamig sida; xasuuqa iyo dil maxkamad la'aaneed.
Qodobka 32 AAD
Xaqa Madaxbannaanida Qofka
1. Qofna xorriyadiisa lagama qaadi karo, lama baari karo, lamana xayiri karo haddii aan qaanuun oggolaan.
2. Addoonsiga iyo ka-ganacsiga dadku waa reebban yihiin.
3. Dhammaan xorriyaadka qofka waxaa shardi u ah in ayna ka hor imanayn shareecada islaamka, xeerarka, anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qof kale.
4. Dastuurka ayaa qof kasta u damaanadqaadaya xuquuqdiisa iyo xorriyadiisaba.

QODOBKA 33 AAD
XAQA MAGANGELINTA SIYAASADEED & ISU-CELINTA EEDAYSENEYAASHA/DEMBIILAYAASHA
1. Qofka shisheeyaha ah ee dalka ku soo galay ama ku joogay si xeerarka waafaqsan ee wayddiista magangelinta siyaasadeed waa la siin karaa, haddii laga helo shuruudaha u dhigan magangelinta, iyada oo la tixgelinayo heshiisyada caalamiga ah.
2. Ma bannaana in Muwaadin Puntland ah loo dhiibo Dawlad kale.
3. Puntland waxay dib u celin kartaa dembiile, ama Eedaysane shisheeye ah, oo dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshiis dad-isu-celineed oo dhexmaray Puntland iyo dalka weyddiistay celintiisa.

QODOBKA 34 AAD
XAQA HOYGA
1. Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda. Ma bannaana baaridda, basaasidda iyo galidda hoyga haddii aan amar Garsoore oo sababaysan jirin ama sharcigu si kale u sheegin.
2. Waxaa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la galin, baarahana waxaa ka reebban ku-xadgudubka amarka garsooraha.

QODOBKA 35 AAD
SAXAAFADDA
1. Saxaafadda iyo warbaahintu waa madaxbannaan yihiin lamana faragelin karo.
2. Xeer gaar ah ayaa sii faahfaahinaya nadaamkooda.

QODOBKA 36 AAD
XAQA XORRIYADDA ISGAARSIINTA
Qofna lama faragalin karo waraaqihiisa boostaha, xiriirkiisa isgaarsiineed iyo saxaafadeed iyo qoraalladiisa gaarka ah,, markii laga reebo xaaladaha xeerku banneeyo baaritaankooda, dabagalkooda, ama dhegaysigooda iyada oo ay markaana waajib tahay in la helo amar garsoore oo sababaysan.

QODOBKA 37 AAD
XORRIYADDA KULAMADA IYO BANNAANBAXYADA
1. Qof kasta waxa uu xor u yahay in uu sameeyo kulamo iyo bannaanbaxyo ku salaysan hab nabad-gelyo waase in uu sii wargeliyaa hay'adaha ay khusayso.
2. Kulamada iyo bannaanbaxyada waxaa lagu joojin karaa sababo lid ku ah Diinta Islaamka, caafimaadka guud, amniga, anshaxa, nidaamka guud iyo xasiloonida.

QODOBKA 38 AAD
WAAJIBAADKA MUWAADINIINTA
1. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah adkaynta midnimada umadda iyo ilaalinta jiritaanka qaranimada Puntland.
2. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah dhowridda diinta islaamka, dastuurka, xeerarka dalka iyo bixinta canshuuraha ku waajibay.
3. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah ka-qaybgalka difaaca Puntland markii loogu yeero ama ay la gudboonaato
4. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta gudasho la'aanta waajibaadka ku xusan faqrada 1aad, 2aad, 3aad ee qodobkan.

QODOBKA 39 AAD
DACWAD-FURASHO, CIQAAB IYO DEMBI
1. Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu dacwad qaanuunka waafaqsan ka furto maxkamadaha awoodda u leh.
2. Qofna looma qaban/xiri karo fal markii uu galay aan dambi ku ahayn qaanuunka.
3. Ciqaab aan maxkamad ka soo bixin cidna laguma fulin karo.
4. Dembi iyo ciqaab aan sharciga waafaqsanayn ma jiri karaan, mas'uuliyadda faldambiyeedkuna waa shakhsi.

 QODOBKA 40 AAD
XUQUUQDA EEDAYSANAHA
1. Eedaysanaha waxaa loo aqoonsan yahay dembilaawe ilaa si qaanuunka waafaqsan maxkamadi si kama-dambays ah ugu xukunto gelid dembi.
2. Eedaysanaha laguma hayn karo meel aan qaanuunka bannayn waana in 48 Saacadood gudahood lagu hor geeyo garsoore.
3. Eedaysanaha waa in maxkamadda awoodda u lihi si tifaftiran ugu akhrido dambiga lagu soo oogay.
4. Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan; eheladiisa, qareenkiisa, dhakhtarkiisa iyo asxaabtiisa, wuxuuna kaloo xaq u leeyahay in la damiinto haddii sharcigu oggol yahay.
5. Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu qareen difaaca qabsado, haddii uusan awoodi karinna dawladdu waa in ay u qabataa, dadka garaad-dhimmanka ahna waa la mid.
6. Eedaysanaha laguma khasbi karo qirashada dembiga loo haysto.
7. Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu iska difaaco maxkamadda horteeda.

QODOBKA 41 AAD
XUQUUQDA QOFKA XUKUMAN
1. Qofka ay maxkamaddu xukuntay oo xiran waxa uu xaq u leeyahay in la dhawro ilaalintiisa, nabadgelyadiisa iyo sharaftiisa aadaminimo.
2. Xukumanuhu waxa uu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan eheladiisa, qareenkiisa, dhakhtarkiisa iyo asxaabtiisa.
3. Xukumanaha xabsiga ku jiraa waxa uu xaq u leeyahay daryeel caafimaad, cunto iyo waxbarasho.
4. Xukumanaha xabsiga ku jiraa waxa uu xaq u leeyahay xuquuqda caalamiga ah ee maxaabiista.
5. Xukumanuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu racfaan ka qaato xukunkii maxkamaddu ku ridday, isaga oo racfaanka u qaadanaya maxkamaddii xukuntay midda ka sarraysa

QODOBKA 42AAD
SADDEXDA QAYBOOD EE DAWLADDA
1. Saddexda qaybood ee awoodaha Dawladdu waxay u kala baxaan:
b: Golaha Wakiillada
t: Golaha Xukumadda
j: Golaha Garsoorka.
2. Qofna kama mid noqon karo in ka badan qayb ka tirsan saddexda awooddood ee Dawladda.

 QODOBKA 43 AAD
GOLAHA WAKIILLADA
1. Awoodda Xeer-Dejinta ee Puntland waxaa leh Golaha Wakiiladda oo matala shacabka puntland oo dhan.
2. Golaha Wakiilladu waxa uu ka kooban yahay 66 wakiil oo dadweynuhu soo dooranayo.
3. Muddada Golaha Wakiilladu waa afar sanno (4) laga bilaabo maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo.
4. Golaha Wakiilladu waxa uu si rasmi ah u dhismayaa 30 maalmood guduhood laga bilaabo maalinta nadiijada doorashadu soo baxdo.

QODOBKA 44 AAD 
SHURUUDAHA LAGU SOO DOORANAYO GOLAHA WAKIILLADA
1. Golaha Wakiillada waxaa loo dooran karaa Muwaadin kasta oo xilkas ah, miyirkiisu dhan yahay, reer Puntland ah, da'diisuna aanay ka yarayn 30 sano.
2. Waa in aysan Maxkamaddi horay ugu xukumin dembi khiyaamo qaran.
3. Waa in uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waaya-aragnimo u dhiganta.
4. Maxkamadda sare ayaa leh awoodda-sharciyeed oo lagu hor istaagi karo musharaxii aan buuxin shuruudaha doorashada.

QODOBKA 45 AAD
SHURUUDAHA LAGU LUMIYO XILKA GOLAHA WAKIILLADA
1. Xubinimada Golaha Wakiiladda waxaa lagu waayi karaa haddii xubintu: -
b: geeriyooto;
t: Istiqaalad Golaha keento Goluhuna ka aqbalo;
j: Iyo haddii fal dambiyeed kama dambays ah maxkamad ku xukunto.
2. Haddii xubin ka mid ah Golaha Wakiillada lumiso Wakiilnimadeeda, waxaa baddalkeeda soo galaya qofka qaabka doorashaddii hore qaannuun u yeesha 30 maalmood gudahooda.

QODOBKA 46 AAD
WAAJIBAADKA GOLAHA WAKIILLADA
1. Goluhu fadhiga ugu horeeya waxa uu iska dhex-dooranayaa Guddoomiye iyo 2 Guddoomiye-ku-xigeen, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad.
2. Goluhu Waxa uu iska dhex-dooranayaa Guddiyo fuliya uruuriyana hawlaha Golaha Wakiillada, muddada labada kalfadhi dhexdood ah.
3. Goluhu wuxuu yeelanayaa Xog-haye joogto ah, oo aan xubin ka ahayn Golaha Wakiillada guddoonka Golaha Wakiilladuna soo magacaabo.
4. Goluhu waxa uu yeelanayaa la taliyayaal waxayna hoos imaanayaan Guddoonka.
5. Golaha Wakiilladu waxuu yeelanayaan Xeer-Hoosaad u gaar ah.
6. Golaha Wakiilladu wuxuu leeyahay awoodda ka-doodista, wax-ka-sheegidda iyo talo-ku biirinta siyaasadda guud ee Xukumadda.
7. Kharash kasta oo ka baxsan miisaaniyadda horay loo ansixiyay waxaa la horgeeynayaa Golaha Wakiiladda isticmaalkeeda ka hor.
8. Xeer kasta oo Golaha la keeno waxaa looga doodayaa qodob-qodob codna loogu qaadayaa. Haddii aan dastuurku xaddidaad keenin, cod haldheeri ah ayaa lagu gudbinayaa ama lagu diidayaa.
9. Qaanuun kasta oo Goluhu ansixiyo madaxweynuhu waxa uu ku saxiixayaa muddo 30 maalmood ah ugu badnaan, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee dawladda wuxuuna ku dhaqangelayaa 15 cisho ugu yaraan.
10. Go'aannada Goluhu waxay ku ansaxaan kala-bar iyo hal tirada lagu furo, fadhiga Golaha haddii aysan jirin qodob Dastuuri ah oo si kale u xaddiday.
11. Meel kasta oo hanti dadweyne ku jirto sharciyaynteedu waxay ku xiran tahay ansixinta G/wakiillada.
12. Haddii M/wenaha iyo ku-xigeenkiisu geeriyoodaan, iscasilaan ama xilka laga wada qaado, Gudoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa xilkii sii wadaya ilaa inta Golaha Wakiilladu 15 maalmood gudahood ku soo dooranayaan M/weynaha Dawladda iyo ku xigeenkiisa.

QODOBKA 47 AAD
AWOODAHA GOLAHA WAKIILLADA
1. Ansixinta/diimada degmo ama gobol cusub haddii xukuumadu soo jeediso.
2. Dib-u-eegidda, oggolaanshaha, wax-ka-beddelidda iyo diidmada qaanuunnada iyo xeerarka Xukuumaddu soo jeediso
3. Ansixinta/diidmada iyo wax-ka-beddelka Miisaaniyadda Golaha Xukuumaddu soo bandhigto.
4. Haddii Ansixinta miisaaniyadda cusubi dhammaan weydo ka hor sannad-maaliyadeedka cusub, waxaa lagu sii dhaqmayaa Miisaaniyaddii hore muddo bil ah.
5. U-codaynta kalsoonida Wasiirrada mid-mid markii uu madaxweynuhu soo jeediyo, waana in 2/3 ee xubnaha Golaha Wakiillada oggolaadaan.
6. Ansixinta/diidmada barnaamij waxqabad ee Xukuumaddu soo gudbiso.
7. Ansixinta ama diidmada heshiisyada uu soo bandhigo Golaha Xukuumaddu ee la xiriira dhismaha dawlad federaal ah oo Soomaaliyeed.
8. Ansixinta/diidmadda iyo wax ka bedelka heshiisyada caalamiga ah ee Xukuumaddu gasho.
9. Ansixinta/diidmada qorshayaalka Xukuumadda ee la xiriira baahinta awoodda Maamulka.
10. Ansixinta ama diidmadda muddo 30 maalmood gudahood ah haddii Xukuumaddu soo saarto xeer xaalad degdeg ah oo ah: (b) musiibo timaada sida duufaan, (t) dagaal Puntland gasho iyo (j) qalalaase gudaha ah oo lagu burburinayo jiritaanka puntlnad.
11. Haddii la diido xeerka xaaladda degdegga ah waxa uu noqonayaa waxba kama jiraan, hase yeeshee hawlihii lagu fuliyay xaaladdaas degdegga ah, Golaha Wakiillada ayaa ansixinaya.
12. Goluhu waxa uu dooranayaa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo lagu dooranayo si shaqsi, sinnaan, toos iyo qarsoodi ah marka 1aad iyo marka 2aad waa 2/3 tirada Golaha, marka 3aadna waa haldheeri.
13. Xeer Goluhu diiday dib looguma soo celin karo golaha ilaa kalfadhiga xiga ee caadiga ah.
14. Ansixinta xiritaanka iyo dacwad-ku-oogista Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo xeer-ilaaliyaha guud haddii midkood ama dhamaantood lagu qabto isaga/iyaga oo faraha kula jira faldambiyeed culus.
15. Diidmada qayaxan ee M/weynuhu waxay ku buri kartaa codayn cusub oo Golaha Wakiilladu ku soo celiyo sharrciga saddex-meel oo labo (2/3) tirada guud ee Golaha 30 casho gudahood, laga bilaabo taariikhdii diidmada qayaxan.
16. Hubinta iyo dabagalka xeerarka Goluhu ansixiyo.
17 Goluhu waxa uu cod haldheeri ah kaga qaadi karaa xasaanada mas'uul kasta oo xasaanad leh, haddii uu xeer-ilaaliyaha guud soo hordhigo caddayn ay ku qancaan oo la xiriirta gelid faldambiyeed, markii laga reebo kuwa ku xusan.
18. Awoodda oggolaansha daabacaada lacagta.
19. Canshuur aan xeerkeeda Goluhu oggolaan laguma dhaqmi karo.
20. Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxaa Goluhu dooranayaa 2 bilood ka hor xiliga xukuumada.
21. Oggolaanshaha/diidmada xisaab-xirkii miisaaniyad-sannadeedkii hore.

QODOBKA 48 AAD
FADHIYADA GOLAHA
1. Golaha Wakiiladu waxa uu yeelanayaa kalfadhiyadiisa caadiga ah labo jeer sanadkiiba, Juun iyo Oktoobar.
2. Kalfadhiga aan caadiga ahayn, waxaa isugu yeeri kara Gudoomiyaha Golaha, codsi ka yimaada Madaxweynaha iyo 1\4 xubnaha golaha, iyaga oo dhammaan codsi qoraal ah ku soo dalbanaya.
3. Golaha Xukuumada & Saraakiisha sare (Agaasime guud iyo wixii ka sareeya) ee dawlada waxaa loogu yeeri karaa ama ay dalban karaan ka-qaybgalka fadhiyada Golaha Wakiilladda, si ay uga jawaabaan ama caddayn uga baxshaan su'aalo xilalkooda khuseeya.
4. Xaaladda degdegga waxaa laga ansixinayaa Golaha Wakiillada 30 beri gudahood.
5. Kalfadhi kasta oo Goluhu yeelanayo waxa uu ku furmayaa 2/3 tirada guud ee Golaha.

QODOBKA 49AD
XASAANADDA GOLAHA XEER-DEJINTA
1. Xildhibaannada Golaha Wakiilladu xasaanad ayey leeyihiin.
2. Xasaanad waxaa loola jeedaa: -
Qofna lama baari karo gurigiisa iyo jirkiisa, lamana qaban karo haddii uusan faraha kula jirin fal-dembiyeed culus.
3: Xasaanad waxaa lagu waayi karaa: -
b. Markii qofka xasaanadda leh lagu qabto isaga oo faraha kula jira faldambiyeed culus,
t. Markii uu lumiyo xilkii uu xasaanada ku yeeshay.
4. Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa xildhibaan kasta iyada oo aan loo baahnayn oggalaanshaha Golaha Wakiillada, wuxuuse u wakiilan karaa qareen.

QODOBKA 50AAD
KALADIRIDDA GOLAHA WAKIILLADA
1. Golaha Wakiillada waxaa la kala diri karaa markii arrimaha ku xusan qodobkan faqradihiisa 2, 3, iyo 4, ay wada dhacaan ama qaarkood dhaco.
2. Markii ay iscasilaan aqlabiyadda Golaha Wakiillada;
3. Markii Goluhu fariisan waayo labo kalfadhi oo isku xiga, aysan jirinna daruuf kalliftay;
4. Markii ay sugnaato in Goluhu si bareer ah ugu xadgudbay dastuurka;
5. Markii ay dhacaan arrimaha ku xusan qodobkan faqradihiisa, 2, 3 iyo 4, M/weynuhu waxa uu Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbinayaa qoraal uu ku dalbanayo caddaynta qodobkan faqradihiisa 2, 3 iyo 4;
6. Haddii ay u caddaato maxkamadda dastuuriga ah gelidda qodobkan faqradihiisa 2, 3 iyo 4, waxa ay M/weynaha u gudbinaysaa in ay sugnaatay gelidda eedayntii lagu oogay;
7. Caddaynta Maxkamadda markii uu helo Madaxweynuhu ayuu soo saarayaa qoraalka kaladirista Golaha, isaga oo isla qoraalkaas ku caddaynaya xilliga doorashada Golaha cusub muddo 45 beri gudahood ah.
8. Inta Gole cusub laga soo dooranayo Golahahii hore ayaa xilka sii haynaya fulinayana qorshayaashii hore mase abuuri karaan qorshe cusub.

QODOBKA 51AAD
KALSOONI KALA-NOQOSHADA Wasiirada
1. Golaha Wakiilladu waa uu kala noqon karaa kalsoonida Wasiirada mid, iyo wadarba.
2. Ugu yaraan 6 xildhibaan ayaa soo jeedin karta ka-doodidda kalsooni kala-noqoshada Wasiirada.
3. Ugu yaraan 1/3 ee xubnaha Golaha Wakiillada waa in ay isku raacdaa in laga doodo kalsooni kala-noqoshada.
4. 2/3 xubnaha golaha wakiilladu waa in ay u codaysaa kalsooni kala-noqoshada Wasiirada.
5. Haddii xaaladda ku xusan qodobkan faqradiisa 4aad dhacdo, Wasiiradu waa dhacayaan, iyaga ayaase hawlihii sii fulinaya qorshe cusubna ma samayn karaan inta mid cusub laga soo dhisayo.
6. Muddada Wasiirada cusub lagu soo dhisayo waa tan ku xusan qodob 54.2.

QODOBKA 52 AAD
QAAB-HAWLEEDKA XUKUUMADDA
1. Nidaamka Xukuumadda P/Land waa parlamaani iyadaana leh awoodda fulinta.
2. Waxay xoojisaa fulisaana nidaamka Dimoqraadiga ah ee Dastuurku jideeyay.
3. Waxay ilaalisaa nabadgelyada iyo xasiloonida Guud ee Dalka.
4. Xukuumadda Puntland waxay u qaybsantaa: -
b: Xukuumadda dhexe ee P/land;
t: Maamulada Gobollada/Degmooyinka.
5. Awoodda iyo xiriirka Xukuumadda Dhexe iyo maammullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaa kala qeexaya xeer gaar ah.
6. Xukuumaddu waxay dajisaa, fulisaa Istiraajiyada dhaqaale, siyaasadeed iyo qorshaha guud ee horumarka dalka.
7. Waxa ay dajisaa fulisaana oddoroska maaliyadeed, lacagta iyo maalgelinta shisheeyaha.
8. Waxa ay diyaarisaa Miisaaniyad-Sannadeedka ku-talagelka ah ee Dawladda.
9. Qaadashada Saraakiisha sare ee Dawladda iyo Madaxda ciidamada waxaa soo jeedinaya madaxda ay khusayso, waxaana oggalaanaya Golaha Xukumadda, iyada oo lagu xulanayo aqoon iyo waayo-aragnimo.
10. Agaasimayaasha guud ayaa u xil saaran fulinta maamulka wasaaradaha iyo hay'adaha iyaga oo raacaya siyaasada Dawladda.

QODOBKA 53 AAD 
SHURUUDAHA LAGU DOORANAYO MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA.
Shuruudaha lagu dooranayo Madaxweynaha Dawladda iyo Ku-xigeenkiisa waa sidan: -
1. Waa in uu yahay Somali (Labadiisa waalid), muslin ah kuna dhaqma Diinta Islaamka, isla markaasna ah muwaaadin Puntland, miyirkiisu taam yahay, dadiisuna aan ka yarayn 40 sano marka uu xilka qabanayo.
2. Waa in uu aqoon maamul, waayo-aragnimo hogaamineed iyo tacliin sare leeyahay, waana in uusan qabin xaas ajnabi ah, guursana karin inta uu xilka hayo.
3. Waa in uu uusan gelin dembi khiyaamo qaran, dembi bini aadaminimada ka horjeeda iyo in aan lagu aqoon fal mujtamaca dhexdiisa ku xun.
4. Qofka madaxweyne ama madaxweyne ku-xigeen isu soo sharrxayaa Golaha wakiillada iyo Dadweynahaba waa ka imaan karaa.

QODOBKA 54 AAD
AWOODAHA IYO XILALKA MADAXWEYNAHA
1. Waa Madaxa Dawladda iyo guddoomiyaha golaha fulinta. Waxa uu metelaa midnimada dadweynaha P/land..
2. Madaxweynaha iyo Mamaxweyne ku-xigeenku xukuumadda waxa ay ku soo dhisayaan 21 beri gudahood.
3. Waxa uu leeyahay magacaabidda\xilkaqaadista Xubnaha Golaha Xukuumada, isaga
oo la tashanaya ku-xigeenkiisa.
4. Waxa uu leeyahay Awoodda saxiixyada heshiisyada caalamiga ah.
5. Waxa uu leeyahay awoodda saxiixyada heshiisyada Dawlad Soomaaliyeed oo Federaal ah.
6. Waa taliyaha guud ee Ciidamada Nabad-gelyada.
7. Waxa uu leeyahay awoodda fidinta saamaxaada iyo cafiska markii uu helo talo-soo- jeedinta hay'adaha garsoorka.
8. M/weynaha ama Xaafiiskiisu waxay leeyihiin qaabbilaadda martisharafka Ajinebiga ah.
9. Waxa uu dalka dibeddiisa ugu safri karaa danaha puntland.
10. Waxa uu u xilsaaran yahay ilaalinta, dastuurka, Diinta Islaamka, dhaqanka suuban, iyo xeerarka dalka.
11. Waxa uu leeyahay awooda hadal-jeedinta furintaanka kalfadhiyada Gol/wakiillada.
12. Waxa uu leeyahay awoodda ku-dhawaaqidda xaaladaha degdegga ah, markii uu la tashado Golihiisa xukuumadda, isla markaana wargeliyo Golaha Wakiillada (arag 47.10).
13. Madaxweynaha iyo xaafiiskiisu waxa ay leeyihiin in ay billadsharaf iyo abaalmarin ku bixiyaan magaca iyo haybadda umadda puntland.
14. Waxa uu saxiixaa xeerarka Golaha Wakiilladu ansixiyaan.
15. M/weynuhu waxa uu awood u leeyahay awoodda dib u-celineed ee xeerarka Golaha Wakiilladu ansixiyaan. Waa in uu sababayn cad raaciyaa dibu-celinta xeerka (arag 47.15).
16. Mudadda Madaxweynahu xilka hayn karo waa 4 sanno, waxaana la dooran karaa 2(labo) jeer oo keli ah.
17. Hadiyadaha la siiyo mas'uuliyiinta sare iyo murwooyinkooda ee leh muuqaalka qaran waa hanti qaran.
18. Ku dhawaaqida wakhtiyada doorashada.
19. Soo-saarida xeerar hawlfulineed.
20. Madaxweynuhu dalka kama maqnaan karo 60 beri ka badan.

QODOBKA 55 AAD
AWOODAHA IYO XILALKA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA
1. Sii wadidda dhammaan xilalka M/weyanaha markii uu dalka ka maqan yahay, ama uusan si kumeelgaar ah xilka u gudan karin.
2. Kala-talinta Madaxweynaha xulashada wasiirada iyo shaqo-ka-fariisintooda.
3. Fulinta hawlaha M/weynahu u wakiisho oo aan ka baxsanayn xilalka iyo waajibaadka Madaxweynaha.
4. Haddii uu Madaxweynuhu geeriyoodo, xilka laga qaado ama uu iscasilo, xilkiisu waxa uu ku wareegayaa Madaxweyne Ku-xigeenka muddada inta ka hartay.
5. Haddii xaaladda ku xusan Qodobkan Faqradiisa 4aad dhacdo, Golaha Wakiilladu waxa uu soo dooranayaa ku-xigeen 30 maalmood gudahood.

QODOBKA 56AAD
XIL-KA-QAADISTA M/WEYNAHA IYO KU XIGEENKIISA
1. Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa xilka laga qaadi karaa markii Golaha Wakiilladu ku oggolaadaan Cod 2/3 meelood oo shaqsi, sinnaan, toos iyo qarsoodi ah markii lagu soo eedeeyo khiyaamo qaran, xil-gudasho la'aan, ku-xadgudub dastuur iyo fal-dambiyeed culus oo Xeer-ilaaliyaha Guud soo hordhigo Golaha, Goluhuna ku qanco.
2. Golaha Wakiilladu, markii ay u codeeyaan kuna aqbalaan laba-dalool (2/3) ee xubnaha Golaha Wakiillada ayaa eedayn lagu soo oogi karaa M/weynaha iyo ku-xigeenkiisa.

QODOBKA 57 AAD
GOLAHA XUKUUMADDA
1. Golaha Xukuumaddu waxa uu ka kooban yahay madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeen iyo ugu badnaan 9 Wasiir, iyo ugu badnaan 9 wasiir-ku-xigeeno.
2. Muwaadin kasta oo leh sharuudaha lagu doorto Xildhibaanka ka sakow, qofka loo magacaabayo Wasiir waa in uu leeyahay aqoon sare oo gaarsiisan heer jaamacadeed iyo xirfad maamul oo gaarsiisan ilaa 5 sano.
3. Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirrada, iyo Saraakiisha sare ee Dawladdu ma geli karaan dhaqdhaqaaq ganacsi oo gaar ah, inta ay xilka hayaan
4. Markii madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirada iyo Saraakiisha sare ee Dawladda loo magaacabo xilka, waxaa la diiwaangalinayaa hantidooda iyo sidoo kale marka xilka laga qaado, waxaana diiwaangelinaya Hantidhawrka guud.
5. Qaab-dhismeedka waaxyaha Xukuumadda waxaa lagu soo saarayaa xeer hoosaad kala qeexa hawlahoodda.
6. Sida ku cad 47.20, xukuumaddu waxa ay ku diyaarineysaa xil-wareejinta labada bilood ee xilligeeda ugu dambeeya.

QODOBKA 58 AAD
WAAJIBAADKA WASAARADAHA IYO HAY'ADAHA XUKUUMADDA
1. Xukuumaddu waxa ay ka kooban tahay 9 wasaaradood. Meeshii wasaaradii caddaalada waxaa gelaya wasaarada Diinta iyo awqaafta.
2. M/weynuhu isaga oo la tashanaya M/weyne ku-xigeenkiisa waxa uu abuuri karaa wakaalado gaar ah oo loo xilsaaro hawlo cayiman.
3. Xeer gaar ah ayaa lagu kala qeexayaa howlahooda, waana in xeerku ka horeeyo dhismaha wakaaladda.
4. Dhammaan wakaaladaha Xukuumaddu waxay u shaqaynayaan hab waafaqsan Dastuurka.
5. Mas'uuliyadda Golaha Xukuumaddu waa wadar iyo shaqsi.
6. Cid aan Dawladda ahayn ama aysan fasax u siin hub kuma haysan karto dalka gudihiisa.
7. Tayeynta ciidamada nabadgalyada dalka.
8. Qorshe-u-dejinta dadka qaxootiga ah iyo kuwa soo bara kacay.
9. Dhaqancelinta bulshadii ku aafoowday dagaallada sakooye.
10. Diyaarinta qorshe dhaqan-dhaqaale oo isu dheelitiran, iyada oo la sameynayo baaris-cilmiyeed ku wajahan khayraadka dabiiciga ah.
11. Tayeynta arrimaha bulshada.
12. Ilaalinta iyo diiwaangelinta hantida dadweynaha.

QODOBKA 59AAD
XILKA WASIIRKA
1. Wasiirku waa mas'uulka ugu sarreeya wasaaradda loo magacaabo.
2. Waxa uu fuliyaa siyaasada guud ee dawladda.
3. Waxa uu go aamiyaa soona jeediyaa dallacsiinta, casilaadda, abaalmarinta iyo shaqo-ka- fadhiisinta shaqaalaha xilkiisa hoos yimaada isaga oo latashanaya wasiir ku-xigeenka.

QODBKA 60 AAD
XILKA WASIIR KUXIGEENKA
1. Wasiir ku-xigeenku waxa uu qabanayaa dhammaan xilalkii wasiirku qaban jirey markii uu maqan yahay ama uusan si kumeelgaar ah xilka u gudan karin.
2. Waxa uu kala taliyaa wasiirka dhammaan hawlaha wasaaradda.
3. Fulinta hawlaha wasiirku u wakiisho oo aan ka baxsanayn xilalka iyo waajibaadka wasiirka.

QODOBKA 61AAD
HAY'ADAHA MADAXA BANNAAN
1. Hay'adaha Madaxa bannaan ee dawladdu waxay ka kooban yihiin oo keli ah:-
b: Hanti-dhawrka guud,
t: Bankiga Dhexe,
2. Guddoomiyayaasha Hay'adaha Madaxabannaan waxa soo jeedinaya Golaha xukuumada waxaana ansixinaya Golaha Wakiillada.
3. Hay'adaha madaxabannaan waxa ay u hoggansamayaan sharciga oo keli ah, warbixinta hawlahoodana waxa ay siinayaan Golaha Xukuumadda iyaga oo ogeysiin siinaya Golaha Wakiillada.
4. Bankiga dhexe wuxuu yeelanayaa Guddi sare oo ka kooban 7 xubnood oo kala ah:-
b. Guddoomiyaha Bankiga,
t. Aggaasimaha Guud ee Maaliyadda,
j. Aggaasimaha Guud eeWasaarada Ganacsiga,
x. Aggaasimaha Guud ee Shaqada iyo shaqaalaha
kh. 3 xubnood oo ka socda maamulka sare ee rugta ganacsiga, iyo xog-hayn aan cod lahayn, oo noqonaya Aggaasimaha guud ee Bangiga.
5. Xilwaajibaadka Guddiga waxaa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda waxaana ansixinaya Golaha Wakiillada.

QODOBKA 62 AAD
WAKAALADAHA
1 Dastuurku waxa uu oggol yahay in la aasaaso shirkado wadaag ah.
2 Madaxda Wakaaladaha waxaa soo jeedinaya wasiirka ku shaqada leh, waxaana oggolaanaya Golaha Xukuumadda,
3 Shirkadaha wadaagga ah madaxdooda waxaa isla ansixinaya Wasiirka ku shaqada leh iyo madaxda dadka wadaagga ah.

QODOBKA 63AAD
XASAANADDA GOLAHA FULINTA & HAY'ADAHA MADAXA BANNAAN
1. Xasaanad waxaa leh:
b: Golaha Fulinta,
t: Gudoomiyayaasha Hay'adaha Madaxa Bannaan
2. Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa xubin golaha xukuumadda ka tirsan iyo guddoomiyeyaasha Hantidhawrka iyo Bangiga dhexe iyada oo aan loo baahnayn oggalaanshaha Golaha wakiillada.

QODOBKA 64AAD
MADAXBANNAANIDA IYO DHISMAHA GARSOORKA
1. Garsoorku waa ka madaxbannaan yahay Golayaasha xeerdajinta iyo fulinta.
2. Garsoorku waa u madaxbannaan yahay hawlihiisa garsoor iyo maammulba, waxa uuna u hoggaansamayaa sharciga oo keli ah.
3. Garsoorku waxa uu ka kooban yahay:
b: Maxkamadaha caadiga ah iyo
t: Xafiiska xeer-ilaalinta guud.

QODOBKA 65AAD 
GUDDIGA SARE EE GARSOORKA IYO AWOODIHIISA SHARCI.
1. Guddiga Sare ee Garsoorku waa hay'adda ugu Sarraysa Maammulka Garsoorka.
2. Waxaa lagu dhisayaa laguna maammulayaa xeer gaar ah oo Xukuumaddu soo jeediso, Golaha Wakiilladuna ansixiyo.
3. Guddiga sare ee Garsoorku waxa uu ka kooban yahay: -
b. Guddoomiyaha Maxkamadda sare,
t. Xeer-ilaaliyaha guud,
j. Saddex Garsoore oo ka mid ah Garsoorka,
x. Laba Garyaqaan oo bulshada laga soo xulay.
4. Saddexda Garsoore ee ka tirsan garsoorka iyo labada garyaqaan ee bulashada laga soo xulay, waxaa soo sharaxaya Golaha Xukuumadda, waxaana aggolaanaya Golaha wakiilada.
5. Guddiga sare ee Garsoorka, waxaa awooddiisu tahay una xilsaaran yahay Magacaabidda, shaqo-ka-fariiisinta, beddelka, dallacsiinta, anshaxa iyo abaalmarinta Garsoorayaasha, iyo shaqaalaha kale ee Garsoorka.
6. Shuruudaha guddiga sare ee Garsoorku ku qaadanayo Garsoorayaasha, Qaadiyadda iyo shaqaalaha kale ee Garsoorka waxaa lagu qeexayaa xeerka garsoorka.
7. Guddiga sare ee Garsoorka waxaa lagu nidaaminayaa xeer gaar ah oo ay xukuumaddu soo jeediso, golaha wakiilladuna ansixiyo.
8. Xubnaha guddiga sare ee garsoorku hal mar shada iskama wada casili karaan.

QODOBKA 66AAD
MAXKAMADAHA CAADIGA AH
Maxkamadaha caadiga ah waxay ka kooban yihiin:-
b. Maxkamadda Sare.
x. Maxkamadaha Racfaanka ee Gobolada.
j. Maxkamadaha Derejada koowaad.

QODOBKA 67 AAD
MAXKAMADDA SARE
1. Maxkamadda sare waa tan ugu sarraysa Maxkamadaha caadiga ah.
2. Maxkamadda sare waxa ay leedahay awoodda qaadista dacwadaha:
3. Dacwadaha laga soo qaatay Racfaan ee xukunnaddoodu ka soo dhamaadeen Maxkamadaha Racfaanka;
b. Dacwadaha idaariga ah oo iyagu toos uga bilawda maxkamadda sare.
4. Fadhiga Maxkamadda sare waa Caasimadda Puntland, waxayna dacwadaha ku qaadi kartaa meel kasta oo Puntland ka mid ah.
5. Tirada Garsoorayaasha xubnaha ka ah Maxkamadda sare waa shan (5) Xubnood, Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen iyo saddex Garsoore.
6. Magacaabista/xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxaa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda, waxaana oggolaanaya Golaha Wakiilada.
7. Garsoorayaasha kale ee Maxkamadda sare waxay ku soo baxayaan xeerka nidaamka Garsoorka.
8. Garsoorayaasha maxkamadda sare hal mar xilka iskama wada casili karaan.

QODOBKA 68AAD
MAXKAMADAHA DARAJADA KOOWAAD
1. Maxkamadaha Derajada Koowaad ee Degmooyinku waa Maxkamadaha ay ka bilawdaan dacwaduhu nooc kasta ha ahaadeene, kuwa ciqaabta iyo kuwa madaniga ah iyo arrimaha qoyska markii laga reebo dacwadaha idaariga ah oo iyagu ka bilawda Maxkamadda sare.
2. Tirada Garsoorayaashu ama Qaadiyada Maxkamadaha darajada koowaad waxay ku soo baxayaan xeerka nidaamka garsoorka.

QODOBKA 69AAD
MAXKAMADAHA RACFAANKA
1. Fadhiyada Maxkamadaha Racfaanku waa Magaalo-Madaxyada Gobollada.
2. Maxkamadaha Racfaanku waxa ay qaadaan dacwadaha Racfaanka laga soo qaatay ee xukunnadoodu ka soo dhamaadeen Maxkamadaha derejada kowaad.
3. Awoodda Maxkamadda racfaanku waxa ay ku egtahay Gobalkeeda.
4. Tirada Garsoorayaasha Maxkamadda Racfaanku ugu yaraan waa saddex.
5. Shuruudaha xildhibaannimada ka sokow, garsoorayaasha loo qaadanayo maxkamadda racfaanku waa in ay haystaan shahaado kulliyad sharci oo la aqoonsan yahay ama khibrad weyn oo xagga shareecada Islaamka ah.

QODOBKA 70AAD
XEER-ILAALINTA GUUD
1. Xarunta xeer-ilaalinta guud waa Caasimadda Puntland.
2. Awoodda xeer-ilaaliyaha guud waxa ay ku fidsan tahay dalka Puntland oo dhan.
3. Magacaabistiisa/Xilka-qaadistiisa Xeer-ilaaliya Guud waxaa soo jeedinaya xukuumadda, waxaana oggolaanaya Golaha Wakiiladda.
4. Xafiiska xeer-ilaalinta Guud waxa uu ka kooban yahay: -
b. Xeer-ilaaliyaha guud
t. Ku-xigeenadiisa oo gobolkiiba hal ah.


QODOBKA 71AAD
AWOODAHA IYO XILALKA XEER-ILAALIYAHA GUUD
1. Xeer-ilaaliyaha guud, waxa uu awood gaar ah u leeyahay in uu dacwad ku oogo kagana muddaco Madaxda sare ee Dawladda Maxkamad horteed.
2. Xeer-ilaaliyaha guud waxa uu u xilsaaran yahay: -
b. Ilaalinta ama dhowrista sharciga iyo ka-hortagga dhaqanxumada.
t. Baarista, oogista iyo ku-muddaca dambiyada maxkamadda horteeda.
j. Kormeeridda xabsiyada iyo xarumaha dhaqancelinta,
x. Ilaalinta iyo difaaca xuquuqaha Agoonta, Dadka aan dhimirkoodu dhammayn iyo cid kasta oo u baahan daryeel sharci.


QODOBKA 72 AAD
DAMAANADQAADKA GARSOORKA (JUDICIAL GUARANTEES)
1. Garsoorayaashu kama shaqayn karaan shaqo ka hor imaanaysa garsooridooda.
2. Garsoorayaasha laguma faragalin karo hawlahooda garsoor.
3. Dhegeysiga dacwaduhu waa u furan yahay dadweynaha, hase yeeshee Garsooruhu waxa uu soo saari karaa amar dacwadda albaabada loogu xiro, sababo liddi ku ah dhaqanka wanaagsan, caafimaadka iyo nabadgelyada guud awgood.
4. Lama soo saari karo lamana ridi karo go'aan Maxkamadeed haddii aan dhinacyada dacwadda laga wada qaybgelin si ay isu difaacaan, haddii aan qaanuunka si kale u sheegin.
5. Go'aannada garsoorka iyo awaamiirta la xiriirta waa in ay sababaysnaadaan, waxaana loo duri karaa si sharciga waafaqsan.
6. Maxkamaddu qofka waa in ay u sheegtaa dembiga uu ciqaabta ku mutaystay.

 QODOBKA 73AAD
XILALKA GARSOORKA
1. Mas'uuliyadaha, awoodaha iyo shaqooyinka Garsoorka waxaa xaddidaya Qaynuunka (Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Dawladda Puntland).
2. Waxaa si sharci ah lagu dhisi karaa laamo Maxkamaddeed oo ka mid ah maxkamadaha darajada koowaad sida qaybta ciqaabta, qaybta madaniga ah iyo qaybta arrimaha qoyska.
3. Maxkamad ciidan waxaa ladhisi karaa oo keli ah xiliga dagaalka.
4. Wakhtiyada nabada Maxkamada ciidamadu waxa ay qaadi kartaa oo keli ah dacwadaha ciidanka khuseeya.

QODOBKA 74AAD
MAXKAMADDA DASTUURIGA AH
1. Maxkamadda Dastuuriga ah waxaa lala dhisayaa xukuumadda waxayna ka dambeyneysaa lix bilood (lifaaq ayaa raaci doona).
2. Xarunta maxkamadda Dastuuriha ahi waa Caasumadda Puntland.
3. Xubnaha Maxkamadda dastuuriga ahi waa 11 garsoore, waxa ayna ku imaanayaan sidan:
b) Shanta xubnood ee Maxkamadda Sare;
t) Lix xubnood oo bulshada laga soo xulay.
4. Maxkamadda Dastuuriga ahi waa ka madaxbannaan tahay saddexda Gole ee dawladda
5. Maxkamaddu waxa ay u hoggaansamaysaa sharciga oo keli maammul ahaan iyo garsoor ahaanba.
6. Xoghayaha maxkamaddu waxa uu noqonayaa Xoghayaha Maxkamadda Sare
7. Sabab kasta awgeed ha ku timaadee haddii kaalin ama ka badan ka bannaanaato maxkamadda dastuuriga ah, 45 beri gudahood waa in lagu soo magacaabaa.
8. Sharci gaar ah oo Golaha wakiilladu soo saaro ayaa nidaaminaya Awoodaha iyo nadaamka Maxkamdda Dastuuriga ah. Sharciga waxaa lagu diyaarinayaa kalfadhiga koowaad ee Golaha Wakiillada.
9. Lixda (6) xubnood ee bulshada laga soo xulayo, saddex waxaa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda, saddexda kalana Golaha Wakiillada, dhammaantoona waxaa oggolaanaya Golaha Wakiillada.
10. Xubnaha maxkamadda dastuuriga ahi hal mar shaqada iskama wada casili karaan.
11. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa noqonaya Guddoomiyaha maxkamadda Dastuuriga ah.

QODOBKA 75 AAD
AWOODAHA IYO WAAJIBAADKA MAXKAMADDA DASTUURIGA AH
1. Maxkamadda Dastuuriga ahi waxa ay u xilsaaran tahay arrimaha Dastuurka oo keli ah.
2. Ismaandhaafka ka yimaada shareecada iyo dacwadaha cinqaabta iyo dacwadaha lidka ku ah Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirrada, Xildhibaannada iyo Madaxda sare ee Dawladda waxaa gelaysa Maxkamadda Dastuuriga ah.
3 Maxkamada Dastuuriga ahi waxaa kale oo ay awood u leedahay ka-tarjumidda ismaandhaafka ka yimaada Dastuurka iyo qawaaniintiisa, gaar ahaan:
b) Ka-tarjumidda Dastuurka (Caddaynta iyo fasiraada dastuurka iyo xeerarka kale).
t) Iswaafajinta Dastuurka, Qawaaniinta kale iyo Shareecada Islaamka.
4. Maxkamada Dastuuriga ahi waxaa kale oo ay dhagaysanaysaa dacwadaha uga yimaada:
b) Codsi Saddex meeloodoo hal meel oo xubnaha Golaha Wakiilladu u soo gudbiyaan in qodob ama go'aan Goleyaasha dawladda midkood ku xadgudbay Dastuurka Puntland,
t) Marka qof ama ka badan ee shacbi ahi ku soo dacwoodaan in lagu xadgudbay xaquuqdoodii aasaasiga ahayd ee Dastuurku siiyay, iyagoo marka hore dacwadooda ay Maxkamaddi soo dhagaysatay, kuna qanacday in ay sugnaatay arrin Dastuurka la-xiriirta.
J) Markii qayb ama laan ka mid ah dawladda ay codsato in ay go'aan ka gaarto ismaandhaaf u dhaxeeya awoodaha dawladda.
5. Go'aannada Maxkamadda Dastuuriga ahi waa: -
b) In ay ku ansaxaan cod haldheeri ah ee xubnaheeda.
t) In aysan qarsoodi ahayn.
j) In la diiwaangaliyo.
x) In loo gudbiyo Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladda.
kh) In lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah Puntland.
d) Waxay leeyihiin awood sharciyeed oo ku salaysan Qawaanniinta iyo Dastuurka Puntland.

QODOBKA 76 AAD
SHURUUDAHA XULASHADA GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA DASTUURIGA AH
1. Garsooraha Maxkamadda Dastuuriga ahi waa in uu yeeshaa dhamaan shuruudaha laga rabo xildhibaanka Golaha Wakiillada.
2. Waa in uu haystaa shahaado kulliyad qaanuun oo la aqoonsanyahay ama mid shareecad Islaamka ah oo la aqoonsan yahay.
3. Waa in uu leeyahay waayo-aragnimo ugu yaraan toban (10) sannadood ah.
4. Lixda (6) xubnood ee Maxkamadda Dastuuriga ah ee bulshada laga soo xulay, waxay dhammaan xuquuqaha kala mid noqonayaan Garsoorayaasha maxkamadda sare.

QODOBKA 77 AAD
LUMINTA XUBINIMADA MAXAKAMADDA DASTUURIGA AH
Luminta xubinimada maxkamadda Dastuuriga ah waxaa loo cuskanayaa qodob 45.1

QODOBKA 78AAD
XASAANADDA GOLAHA GARSOORKA
1. Golaha garsoorku Xasaanad ayuu leeyahay.
2. Garsoore lama baari karo jirkiisa, gurigiisa iyo gaarigiisa midna lamana qaban karo haddii uusan faraha kula jirin fal dembiyeed culus.
3. Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa garsoore kasta iyada oo aan loo baahnayn oggalaanshaha Golaha Garsoorka.

QODOBKA 79AAD
ISIMADA
1. Dastuurku waxa uu aqoonsan yahay oo xaqiijinayaa jiritaanka iyo xilka hogaamiye-dhaqameedyada bulshada (Isimada).
2. Wixii muran iyo ismaandhaaf ah oo ka dhex dhaca beelaha oo xal kale loo waayo iyada oo la raacayo Dastuurka iyo xeerarkiisa waxaa loola noqonayaa Isimada, si ay talo uga soo jeediyaan ama go'aan uga gaaraan.
3. Si loo ilaaliyo sharafta iyo dhexdhexaadnimada isimada, waxaa reebban in ay ka qaybqaataan ururro Siyaasadeed iyo kuwo diineedba.

QODOBKA 80AAD
SULUXA, DHEX-DHEXAADINTA IYO AQOONSIGA XEER-DHAQAMEEDKA
1. Dastuurku waxa uu aqoonsanyahay Go'aannada Suluxa, dhexdhexaadinta Iyo heshiisyada xeer-dhaqameedka suuban ku dhisan ee bulshada dhexdeeda ay ka fuliyaan guurtida iyo Madax-dhaqameedyada bulshadda.2. Go'aannada ku salaysan Xeer-dhaqameedka ee ay gaaraan guurtida iyo madax-dhaqameedyada bulashadu waxa ay la mid yihiin go'aannada Maxkamadda darajada koowaad markii laga diiwaangaliyo Maxkamadaha darajada koowaad ee Degmooyinka midda leh aagga Dacwadda Xeer-dhaqameedka lagu dhameeyay.
3. Xukunada suluxa iyo dhex-dhexaadinta lagu dhameeyey waa in aysan ka hor imaanayn d dastuurka iyo xeerarka dalka.

QODOBKA 81AAD
BAAHINTA MAAMULKA GOBOLLADA & DEGMOOYINKA
1. Puntland waxa ay ku dhaqmaysaa mabaa'diida baahinta xukunka dhex-furan (hoos-ka- dhis kor-u-dhis).
2. Xukuumadda ayaa u xilsaaran dibuhabaynta & xadaynta Gobollada & Degmooyinka Puntland,
3. Waxaa lagu dhaqayaa xeer gaar ah oo laga ansixiyo Golaha Wakiiladda.
4. Waxaa jiraya Guddoomiye Gobol oo ay xukuumadda magacawdo.

 QODOBKA 82AAD
AWOODAHA IYO WAAJIBAADKA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA
1. Waajibaadka iyo xilka guddoomiyaha gobolka waxaa lagu soo saaraya xeer gaar ah, inta aan la magacaabin.
2. Guddoomiyaha Gobolka ayaa u sarreeya Madaxda laamaha Dawladda ee Gobolka isaga ayaana guddoomiya shirarka Guddiga Horumarinta iyo kan NabadGelyada.
3. Waxa uu kormeer-hawleed ku leeyahay dhammaan shaqada dawladda ee gobolka.
4. Guddoomiyaha Gobolka ayaa gudoomiya Kulamada ay isugu yimaadaan Guddiyada degmooyinka oo lixdii biloodba mar dhaca.
5. Waxa uu isku xiraa maammulka dawladda dhexe iyo kan guud ee gobolka.

QODOBKA 83AAD
HABKA MAAMULKA DEGMOOYINKA
1. Degmooyinku waxay ku dhismayaan habka Ismaamulka bulshada.
2 Waxaa jiraya Gole Xeer-Dejin oo degmo, oo ay dooranayaan dadweynaha deegaankaasWxa
3. Waxaa jiraya guddoomiye iyo guddoomiye kuxigeen Golaha Xeer-dejinta degmadu uu iska soo dhexdooranayo
4. Waajibaadkooda shaqo waxaa lagu soo saaraya xeer, ka hor intaan la dooran.
5. Tirada Guddiyada Xeer-dejinta Degmooyinka waxaa lagu xaddidayaa baaxadda deegaanka, tirada dadka iyo dhaqaalaha.
6. Waxaa jiraya duq magaalo oo uu doorto Golaha xeer-dejinta deegaanka isla golaha ayaana xilka ka qaadi kara.
7. Duqa Degmadu isaga oo la tashanaya waxgaradka Tuulada waxaa uu soo jeedinayaa, Guddiga maamulka tuulooyinka, waxaana ansixinaya Golaha Xeer-dejinta degmada.
8. Duqa degmada ayaa soo dhisaya maammulka degmada, waxaana ansixinaya golaha xeer- dejinta degmada.
9. Golayaasha Degmooyinka waa in ay noqdaan kuwo awood u leh qorshaynta dhaqaalahooda iyo arrimahooda bulsho iyo nabadgelyo.
10. Muddada xilka Golayaasha Degmooyinka waa afar sano.

QODOBKA 84AAD
SHURUUDAHA LAGU DOORNAYO GOLAHA XEER-DEJINTA DEGMADA
Shuruudaha lagu dooranayo Golaha Xeer-dejinta Degmada waxaa loo cuskanayaa qodobka 4 4aad.

QODOBKA 85AAD
AWOODAHA IYO WAJIBAADKA GOLAHA XEER-DEJINTA DEGMADA
1. Golayaasha Degmooyinku waxa ay yeelanayaan xeer midaysan oo ay xukuumaddu dajiso goluhuna ansixiyo.
2. Golayaasha Degmooyinku waxay u xilsaaran yihiin: -
· Fulinta dhammaan qorshayaasha dawladda ee heer degmo oo ku wajahan adeegyada bulsho sida; waxbarashada, hoose/dhexe, xannaanada xoolaha, beeraha, nabadgelyada, biyaha, nalka, isgaarsiinta, hormarinta caafimaadka, ilaalinta deegaanka iyo mashaariicda horu-marineed ee awoodoodu gaarto.
3. Kala-xadaynta awoodda-maamul iyo canshuureed ee Dawladda Dhexe iyo Degmooyinka, waxaa lagu caddaynayaa xeerka xiriirinta dawladda dhexe, Gobollada iyo degmooyinka oo ay soo saarayso xukuumaddu Golaha Wakiilladumna ansixiyo.

QODOBKA 86AAD
AWOODAHA IYO WAAJIBAADKA DUQA DEGAMADA
1. Duqa Degamada ayaa u sarreeya Madaxda laamaha Dawladda ee Degamada isaga ayaana guddoomiya shirarka Guddiyada Horumarinta iyo Nabadgelyada.
3. Waxa uu kormeer-hawleed ku leeyahay dhammaan shaqada dawladda ee Degmada.
4. Duqa degamada ayaa gudoomiya Kulamada ay isugu yimaadaan Guddiyada degmada iyo tuulooyinku.
5. Waxa uu isku xiraa maammulka Gobolka iyo Degmada.
6. Duqa Degmada waxaa laga soo dhexdooran karaa Golaha xeer-dejinta Degmada ama dadweyanaha.

QODOBKA 87AAD
LUMINTA XUBINIMADA EE GOLAHA XEER-DEJINTA DEGMADA
Luminta xubinimada Golaha Xeer-dejintra degmada waxa ay ku imaanaysaa markii ay dhacdo arrinta ku xusan qodobka 45aad ee dastuurka.

QODOBKA 88AAD
KALA-DERISTA GOLAHA XEER-DEJINTA DEGMADA
Golaha Xeer-dejinta Degmada waxaa la kala diri karaa markii ay dhacdo arrinta ku xusan qodobka 49aad ee dastuurka.


QODOBKA 89AAD
KALA-GADASHADA HANTIDA UMMADDA
1. Waxaa reebban kala-gadashada hantida ummadda haddii aan dawladdu dhinac ka ahayn.
2. Dawladdu ma iibin karto hanti ummadeed oo qiimaheedu ka badan yahay $100,000(boqol kun oo doollarka maraykanka ah) haddii aan Golaha Wakiilladu oggolaan.

 QODOBKA 90AAD
LA-WAREEGIDDA HANTIDA GAAR-AHAANEED
1. Hantida qofku ku helay si xeerka waafaqsan lalama wareegi karo dan guud mooyaane, iyada oo markaana la bixinayo magdhow munaasib ah.
2. Xeer ayaa xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la-wareegidda hantida gaar-ahaaneed.

QODOBKA 91AAD
ANSHAXA IYO DHAQAN-SAMIDA
Dawladdu waxay dhowraysaa Anshaxa iyo dhaqan-samida bulshada.

QODOBKA 92AAD
ILAALINTA SHAQADA
1. Dawladdu waxa ay xil iska saaraysaa shaqo-abuurista iyo tayaynta tababarada shaqaalaha.
2. Waxaa reebban shaqo khasab ah, haddii aan qaanuunku si kale u tilmaamin, xeer-gaar ah ayaana lagu sii faahfaahinayaa.
3. Shaqaale kasta waxa uu xaq u leeyahay mushaar u dhigma shaqada uu qabto.
4. Shaqaale kasta waxa uu xaq uu leeyahay maalin nasasho ah toddobaadkiiba, fasax sannadeed iyo ciidaha uu qaanuunka jideeyay iyada oo aan xaquuqda qofka wax loo dhimin.
5. Dawladdu waa in ay daryeeshaa shaqaalaha jir ahaan iyo damiir ahaanba.
6. Shaqaalahu waxa ay xaq u leeyihiin in ay cabashadooda ku muujiyaan bannaanbax ama shaqo-joojin markii laga reebbo ciidamada si xeerka waafaqsan.
7. Muwaadin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu doorto shaqada uu rabo.

QODOBKA 93AAD
BADBAADADA SHAQAALAHA
1. Dastuurku waxa uu u ballanqaadayaa shaqaalaha mid ciidan iyo mid kaleba xaqa howlgabnimo.
2. Muwaadin kasta oo xil u haya dawladda oo wax gaaraan, ama jirrada, ama hawlgaba, waxa uu xaq u leeyahay daryeel qaanuunka waafaqsan.

QODOBKA 94AAD
CIIDAMADA
Ciidamada Puntland waxa ay ka kooban yihiin:
b) Booliiska,
t) Boolis-Daraawiish,
j) Asluubta.

QODOBKA 95AAD
HABKA DHAQANDHAQAALE EE SUUQA XORTA AH
1. Puntland waxa ay ku dhaqmaysaa habka dhaqandhaqaale ee suuqa xorta ah, waxayna dhiirigelinaysaa, damaanadna siinaysaa maalgelinta dalka, mid shisheeye iyo mid sokeeyeba.
2. Habka Ganacsigu waa tartan furan.
3. Waxaa reebban qodob ka hor imaanaya tartanka ganacsiga.

QODOBKA 96AAD
DARYEELKA DEEGAANKA
1. Waxaa reebban nabaadguurinta/xaalufinta (bad, cir iyo birriba) iyo sumaynta deegaanka (bad, cir iyo birriba), dhoofinta dhuxusha, ka-ganacsiga iyo dhoofinta dhirta qoyan iyo tan qallalanba.
2. Waxaa reebban dhoofinta xoolaha dheddiga.
3. Waxaa reebban ugaarsiga iyo dhoofinta duurjoogta.
4. Dastuurku waxa uu mamnuucayaa Deegaamaynta meelaha aan ku habboonayn.

QODOBKA 97AAD
DHAARTA XILKA
Qof kasta oo xil sare ka qabanaya Dawladda Puntland Maxkamadda Sare ayaa uu dhaarinaysa xilka loo dhiibey inta uusan xilka qaban, wuxuuna marayaa dhaartan: -
"Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay in aan Diinta Islaamka xurmeeyo, Dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lilaahi ugu adeego"

QODOBKA 98AAD
WAX-KA-BEDDELIDA DASTUURKA
1. Wax-ka-beddelka Dastuurka waxaa ka go'aan qaadanaya Golaha Wakiillada.
Marka ay soo jeediyaan 1/5 (shan meelood oo meel) xubnaha Golaha ama Xukuumadu, ama 5000 qof oo codbixiyayaal ah.
2. Marka hore, codbixintu waa (3/4) ee xunbnaha Golaha Wakiillda, marka labaadna waa sidoo kale.
3. Labo kalfadhi oo isku xiga ugu yaraanna bili u dhexayso ayaa Dastuurka wax looga bedeli karaa.

QODOBKA 99AAD
BALLANQAADKA DASTUURKA
1: Dhamaan qawaaniintu waxay ka minguursamayaan Dastuurka.
2: Haddii cabasho ka timid qof ama xafiis, xeer-ilaalinta ama Maxkamaddi u aragto maangal Arrin Maxkamadi xukuntay ama xafiis go'aamiyey oo laga hor yimid, waxay u furaysaa dib u eegid.
3: Marka cabasho timaado waxaa la joojinayaa hirgelinta go'aankii la gaarey ama socday, waxaana loo riixayaa maxkamadda sare inay go'aan ka soo jeediso arrintii la joojiyey.
4: Hadii Maxkamadda Sare cabashadii u aragto meel-waa, waxay joojinaysaa go'aan-ka-gaarida cabashada, waxayna u gudbinaysaa Maxkadda Dastuuriga.

QODOBKA 100AAD
NUQULKA RASMIGA AH EE DASTUURKA
Nuqulka afka Soomaaliga ku qoran ee dastuurkan waa kan leh aqoonsiga rasmiga ah, wuxuuna dhaqan gelayaa 1Luulyo 2001da.

 LIFAAQA KOWAAD EE DASTUURKA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND EE MUDADA KU MEEL GAARKA AH.
1. Golaha Wakiilladu iyaga oo ka amba qaadaya qodobada 8.1,iyo 35.1 ee axdiga ku meel gaarka ah ayuu dib u habayn ku sameeyey Qodobka 28.4 ee axdiga waxaana loogu dhaqmayaa sidan: -
B) Axdiga waxaa bedelaya Dastuurka cusub ee Puntland ee Golaha wakiilladu
ansixiyeen 9/06/200. taasoo dhaqan gelaya 01/07/200.
T) Dastuurka waxaa loogu dhaqmayaa si ku meel gaar ah inta loo qaadayo afti Dadweyne
J) Waqtiga Dastuurka Afti Dadweyne loo qaadayo waxaa ka Go'aan qaadanaya Golaha wakiillada.
2. Golaha wakiilladu wuxuu bedelay Qodobada 8.4 iyo 12.1 ee axdiga waxaana loo
bedelay sidan:-
B) Mudada xilka Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland, Madaxweynaha iyo K/xigeenkiisa waxaa la dheereeyey xilligoodii shaqo lagana dhigay 3 Sano oo ku meel gaar ah iyada oo markii hore uu xilkoodu ku dhamaanayey 30/06/2001waxayna ku hawlgelayaan awoodaha iyo waajibaadka Dastuurku siinayo kuna eg 3 Sano.
J) Haddii Xubin ka tirsan Golaha wakiillada lumiso Wakiilnimadeeda mudada ku meel gaarka ah waxaa soo magacaabaya bedelkeeda beeshii xubintu ka tirsanayd muddo 45 casho gudahood ah.
3. Haddiii sabab kasta awgeed Dawladdu fulin weydo Arrimaha tirakooobka, aftida Dastuurka, Doorashada Golayaasha (Golaha Wakiillada Iyo Golaha Deegaanada labada bilood ee ugu dambeeya 3da sano ee ku meel gaarka ah ayaa hab beeleed ee waafaqsan sidii lagu soo xulay Golaha Wakiillada ee hadda jira lagu soo magacaabayaa Xubnaha Golaha wakiilada ee bedelaya kan hadda jira, kuwaasoo iyaguna dooranaya Madaxweynaha, madaxweyne K/xigeenka iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada iyo K/xigeenadiisa.
4. Qawaaniintii hore dalka looga dhaqmayey aan ka hor imaanayn Dastuurka Dawlad-Goboleedka Puntland ee mudada ku meel gaarka ah ayaa dhaqan gal noqonaya 01/07/2001.
5. Muddo 4 Bilood gudahood ah oo ka bilaabata 11/07/2001.Xukuummaddu waxay ku diyaarinaysaa Xeerka Golayaashu ku shaqeyn lahaayeen iyo xeerkii lagu dhisi lahaa. Xeerkaan waxaa ansixinaya Golaha wakiillada, Ansixinta ka dib waxaa si deg-deg ah lagu dhisayaa Golayaasha Deegaamada waxaana lagu xulayaa hab Beeleed.

Eebbaa Mahad leh.

Yuusuf X. Saciid.
Guddoomiyaha Golaha wakiillada Puntland.

Waxaa galiyay bogga Qandala Home : Khadar Jacfar
Copyright © 2001 By Qandala