Qandala Home                           Qandala PSS
"Jaamac Cali Jaamac oo la wareegay 15 bilyan oo deyn ah iyo Khaliif Ciise Mudan oo ku codeeyey kaar uusan lahayn"
Waxaa noo suurto gashay in aan waraaysi layeelano shalay Tafaftiraha Wargayska SAHAN oo jooga Garoowe. Deeq, wuxuu waraysigan uga hadlayaa musuq maasuq baahay oo ka dhacay habkii codbixinta ee shirkii Garoowe iyo arimo kale oo dheeraad ah, waxaana waraysigu u dhacay sidan:

Yamayska. Sidee bay u dhacday doorashadii Arbacadii ka dhacdaay Garoowe?
DEEQ. Doorashadu meeshii ay ka dhacaysay anigu ma joogin waxaan joogay meel ka baxsan Garoowe, hase ahaatee dadka xog ogaalka ahi waxay ii sheegeen in doorashadaasu u dhacday si hagaagsan oo deggan, ergooyinkuna ay si xor ah codkooda u bixiyeen, taasoo najiidadeedii noqotay Jaamac Cali Jaamac oo loogu doortay halkaas cod aqlabiyad ah Madaxwayne iyo Axmed Max’ed Goonle oo isna loo doortay madaxwayne ku xigeen.

Yamayska. Sidee loo soo dhaweeyey doorashada Jaamac Cali Jaamac.
DEEQ. Aragtiyo kala duwan baa ka soo baxaya sida wax u dhaceen, warar xoog leh oo aad u fara badan baa waxay sheegayaan in waxyaabo badan lays daba mariyey, musuq maasuq badani ka jiray. Wararku waxay sheegayaan in ergooyinka intooda badan la iibsaday codkooda, wararku waxay kaloo sheegayaan in ergooyin aan meeshaba joogin kaararkooda dad kale ay ku codeeyeen. Arimahaasi oo dhami way jiraan waxaa socda abaabulo lagu taageerayo maamulkii hore ee Col. Cabdulaahi madaxda ka ahaa iyo kuwo dadkii markii hore ka soo horjeeday doorashada Jaamac oo haatan iyaguna u ololaynaya inay wax ka dhisaan maamulkaan cusub.

Yamayska. Waxaad carabka ku dhufatay inay jireen waxyaalo lays daba mariyey iyo musuqmaasuq, maxaad ka tilmaami kartaa oo caddayn u noqon kara?
DEEQ. Waxyaabaha xaqiijiyey waxaa ka mid ahaa Khaliif Ciise Mudan oo ah ninkii shirkaddii Hart Group iyo PIDC madaxda ka ahaa oo ku codeeyey kaar uusan lahayn, ayadoo uusan caadiyan horey shirka u imaan jirin, maalinkii cod bixinta oo ka mid ahaa maalmo yar oo uu yimaado shirkaas kana soo qayb galo, ayaa waxaa wararku xaqiijinayaan in Khalliif uu ku codeeyey kaar uu leeyahay nin la yiraahdo C/laahi reer Bari oo ka yimid North America. C/laahi Reer Bari oo aan hadda ka hor kula kulmay balliga
Laag ayaa waxa uu ii sheegay in beeshu ay ku khasabtay in uu ka tago madasha shirka oo uu tago magaalada Boosaaso, ayadoo uu ka mid ahaa taageeroyaashii Maxamed C/rashiid markii hore la socday. Marka arintaas ayaa ka mid ah waxyaabixii sida cad u muuqday ee ay dadkku tilmaamayeen khaasatan dadka ka soo horjeeday Jaamac Cali Jaamac, doorashadiisa oo ah arrin aan cidina isku inkirsanayn, waxaa warku intaas iigu daray in xitaa shir guddoonka la gaarsiiyey iyo guddiga doorashada arinta ninkaas, ayadoo maalmihii ka horeeyey lagu cel-celin jiray in aan la aqbali doonin dad kaarar aysan lahayn ku codaynaya, waxaana dhici karta in dad kaloo aan sida Khaliif madasha uga muuqnayey aan uga muuqan inay jireen oo ay waliba ku badnaayeen.

Yamayska. Musharixiintii la tartamaysay Jaamac Cali Jaamac maxay ka yiraahdeen sida wax u dheceen?
DEEQ. Musharixiintii, illaa iyo hadda wax mawqif ah oo cad oo ka soo baxay ma jiraan, mana jirin cid ku gacan qaaday madashii shirka Jaamac ama ugu hanbalyeysay, hase ahaatee wararku waxay sheegayaan in marka laga reebo Cabdi C/lle Saciid (Jini boqor) oo isagu si cad ugu gacan sayray waraysi uu Idaacadda Midnimo siiyeyna ku sheegay in uusan sharciyad ku haysan aqoonsanayna ee uu taageersan yahay maamulkii hore, musharixiinta kale wax war ah oo ka soo baxay majiraan. Hase ahaatee waxa wararka laysla dhex marayo magaalada Garoowe ay sheegayaan in laga yaabo C/laahi Cayrow iyo C/saaq sheek Cismaan (Cali Baadiye) inay ku biiraan dawladda inay dhici karto, ayadoo kuwo kalana la sheegayo in laga yaabo inay xagga Col. Cabdulaahi u biyo shubtaan.

Yamayska. Xafladii Xilwareejinta ee Axaddii waxaa nagu maqaalo ah in 15 bilyan oo dayn ah uu la wareegay Jaamac Cali Jaamac, sidee wax uga jiraan arintaas?
DEEQ. Xafladdu si wanaagsan ayey u dhacday, marti sharaf badana way ka soo qayb galeen hase ahaatee arinta lacagtaas, waxay ahayd mid ka dhaka-faarisay dadwaynaha reer Puntland iyo isimadii iyo masuuliyiintii kale ee xafladdaas ka soo qayb gashay, Islaan Maxamed ayaa meeshaas ka cadeeyey in aan la qaadan karin mudadii yarayd ee Yuusuf Xilka hayey daynta uu soo qadimay, hase yeeshee uusan doonayn in uu madasha kaga hadlo maadaama suxufiyiin ay joogaan iyo niman rikooro iyo wax wata ‘waa sida Islaanku hadaalka u dhigaye’ Jaamac Cali Jaamac oo ah Madaxwaynaha Cusub ee Shirka Garoowe lagu doortay ayaa isaguna waxaa uu muujiyey oo uu aad u iftiimiyey lacagtaan faraha badan ee amaahda ah ee lagu wareejiyey, wuxuuna yiri "hadde waad u jeedaan waxaanu la wareegnay marka wax qabadka nalaka fili karaa lug bay ku yeelanaysaa" wuu ku ceceliyey waliba taas, isagoo muujinayey indhaha dadkana ku soo jeedinayey lacagta amaahda ah ee uu la wareegay. Magaaladana maanta wararka ugu badan ee laga hadlayaa ama la falan qaynayaa waxaa weeye arinta lacagtaas amaahda ah oo Yuusuf Xaaji Nuur uu soo qadimay waxayna dadku u badinayaan in arintani ay tahay miduu wax ka ogyahay Jaamac Cali Jaamac.

Yamayska. Ma waxaa loo badinayaa in arinta lacagta musuq-maasuq ku jiro ayna isla ogyihiin Yuusuf iyo Jaamac?
DEEQ. Arintaasi aad bay u xoog badan tahay, waxa la sheegayaa inay ku jiraan lacagihii Kaanbaynka (Ololaha) Jaamac ku galay, lacago gaar ah oo dad la shaqaynayey la siiyey waxyaalahaas oo dhan baan meesha marna laga saarin, lacagtii Maryo calastii ay soo uruursadeen xilligii C/llaahi ay dagaalka kula jireen lacagihii ku baxay iyo ganacsatadii taageertay lacagihii ka baxay, waxyaabahaas oo dhan inay ku jiraan ayaa la rumaysan yahay.

Yamayska. Maxamed Deeq ka suxufi ahaan, jawiga cusub ee Puntland ay gashay maanta sawir noocee ah baad ka bixin kartaa.
DEEQ. Waa labo garab iyo SSDF-94, baan dhihi kara

Copyright © 2001 By Qandala