Qandala Home                           Qandala PSS
WARQAD SIR AH OO UU QORAY  XUSEEN  CEYDIID OO LA HELAY
Waraaqo dhowr ah oo aanu ka helnay Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay ahaayeen kuwo uu u kala qoray Xuseen Max’ed Faarax Ceydiid Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda dhexe ee Itoobiya,
Madaxa Wareega ee Golaha Ammaanka ee New York iyo Madaxweyne Bush.

Qeyb ka mid ah Waraaqadahaan ayuu Xuseen Ceydiid ku dalbanayey in aan loo ogolaan Dowladda KMG ah in ay ku fadhiisato kursiga Q/M ee Soomaaliya.

Sidoo kalena wuxuu eedeymo u soo jeediyey Shaqsiyaad ka mid ah kuwa ku dhow dhow Dowladda KMG ah kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay isugu jiraan ganacsato si xaaraan ah uga maal kasbatay hantida shacabka Soomaaliyeed iyo shaqsiyaad isku qarinaya xirfadooda, balse xiriir la leh Argagixisada. Haddaba Warqadahaasi oo asalkooda ku qoran yihiin Afka Ingiriisiga ayaan waxaan idin kugu turjunay Af-soomaali, wuxuuna Qoraalku yahay sidatan:- Qoraalka ugu horeeya wuxuu ku socdaa Guddoomiyaha Xilligan ee Golaha Amaanka nuxurkeeduna waa sidatan:- In aan loo oggolaan Doiwladda Soomaaliyed kursiga ay leedahay qaramada Midoobay, maxaa yeelay, ayuu yiri ninka ku saxiixan warqaddan, kama jirto Soomaaliya, dawlad dhexe oo loo dhan yahay, kooxada CARTANA waa wax Ismaaciil Cumar Geelle soo dhoodhoobay, waa sida uu hadalka u dhigayee. Shirkii CARTA ee muddada afarta bilood ah ka socday tuulada CARTA ee 40km u jirta magaaalada Jabuuti waxaa ka soo qeybgalay oo kaliya rag waa hore dalka ka cararay, halka madaxdii kooxihii la aqoonsanaa ee riday taliskii Siyaad Barre ayan ka qeybgalin. Ka qeybgalayaasha shirkaasi waxay ahaayeen saraakiishii rajiimkii hore mana xukumaan xataa saddex dalool meel magaalada Muqdisho, iskaba daa dalka intiisa kale, inta kale ee magaaladana anaga ayaa gacanta ku hayna.

Kooxda CARTA waxay rabaaninay shaqaaqoiyo xasilooni darro ka aloosaan labada maamul goboleed ee kala ah W/galbeed iyo W/bari oo haatan nabad ku nool. Mudane, waxaa loogu yeeray dowladda KMG ah waxay ujeeddadeedu thay inay dib u abaabusho ama u aloosto dagaal sokeeye oo lagu le’do iyofowdo ka aloosanta dalka, siina qoto dheereysa duruufta ba’an ee bani’aadaminimo ee ka jiray dalka tobankii sano ee la soo dhaafya. Waxaan si buuxda u caddeynaynaa in muddo hal sano ah ka soo wareegay jiritaankeeda waxayna ka shaqeynayeen inay degaan hoteelo oo ay ka dhigtaan degaan iyo xafiisyo. Kolkii ay ku fashilmeena waxa loo yaqaan dowladda KMG ah sugida amniga, canshuur ururinta, waxay kaalmo ka hesha dalal ay saxiibo yihiin oo ka mid ah W/Afrika iyo dowladaha asalraaca ah ee Khaliijka (Masa, Liibiya, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Iyo Khada) iyadoon la iloobeynin qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee waaweyn kuwaasoo kala ah: Maxamed Deylaaf, waa C/qaasim ina adeerkii kaasoo si aad ah u siiyey taageero. Bilowgii wuxuu garabtaagnaa C/qaasim muddadii shirkii CARTA socday ilaa iyo maanta, si uu u xoojiyo gargaarkiisa, wuxuu siiyey ina-adeerkiis gawaarida hubeysan ee tiknikada loo yaqaan. Waa nin ganacsade ah oo soo daabcay lacagta Sh. So. Lagu qiyaasay 250 Bilyan, taasoo sababtay sicir barar aan horay loo arag, ciriiri gelisayna nolsha danyarta soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ugu liita. Xilligii la daabacay lcgtaa kor lagu soo sheegay wuxuu sarifka ahaa US$ 100 = 800,000 Sh. So. Maantase wuxuu marayaa US$ 100 – 2,400,000 Sh. So,. 2.1) C/rashiid Ilqeyte: kana waa ganacsade ka soo jeeda jilib ka duwan jilibka C/qasim, laakiinse saaxiibtinimada ganacsi ee ku xireysa. 1.1( Maxa’ed Deylaaf) Darteed waxaa uu ku dhaqaaqay waddadii saaxiibkiis, isagoo saaray culeyskiisii oo dhan taagerada C/qasim dawladdiisa KMG ah. 3.1) Xuseen Goley: Isaga waa ina adeer ka fog C/qaasim laakiinse dhaqaalihiisa weyn ee uu ka kasbay heshiisyadii sharcidarrda ahayd ee uu la galay ICRC-da laga bilaabo 1993-kii ilaa manta iyadoo uu u soo maray ina adeerkiis dhabta ah ee la yiraahdoXuseen Salaad, kaasoo ahaa ilaa iyo haddana ah ninka u fadhiya Soomaaliya ICRC-da. Labadan ninba waxay ka tisan yihiin jilibka C/qaasim, sababtaas ayeyna u garab taagan yihiin, iyagoo ka faa’iideysanaya kaalmada ka imaaneysa ICRC-da ee loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed. 4.1) Maxamed Ibraahim (Dasuuqi), Sheekh Ibraahim: Labadan shaqsi waxay u ololeeyeen kuna bixiyeen qarash fara badan dhisidda dowlada KMG ah iyo siduu C/qaasim u noqon lahaa madaxweyne. 4.2) Dr. Dasuuqi waa shaqsi u isticmaala xirfadddiisa in uu ku gabado, iyadoo la tixraacyao baaritaanka aanu sameynay waa ninka aifay warshad sameysa waxyaalaha aadka u qarxa ee halkan Muqdisho dhexdeeda, kuwaas oo si sharci darro ah loogu qeybiyo Xisbullaahi, Itixaad, Falastiin, iyo kooxo kale oo argagixiso ah, iyadoo laga amar qaadanayo Ururka Al-qaacida ee Usama Bin Ladin uu maalgaliyo, iyadoon la iloobin inuu xubin ka yahay baarlamaanka. Qoraal kale oo uu Xuseen Ceydiid u qoray madaxweynaha Maraykanka Bush uuna u ekeysiinayo shirkadda Al-Barakaat in ay qeyb ka tahay Argagixisa ayaa wuxuu ku yiri sidatan:- Shirkadda Al-Barakaat ee xarunteeda weyni ay tahay Dubai ee isku maldahda Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha xaafiisyana ku leh adduunka oo idil waxaa maal geliya Al-Qaacida iyo Usama Bin Ladin, waxayna Al-Barakaat maalgelisaa Al-Itixaad oo saldhigo xagjirayaal ku leh Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood lagu tababaro Afganistaan, waxayna Al-Itixaadkaasi mas’uul ka ahaayeen dilkii ganacsadihii Australia ee Moris ee 1995-tii lagu dilay Soomaaliya. Mudane, Anigoo ahSRRC, sida ku cad Jarterkeena, horeyna waxaan ugu gudbinay urur gobolekda IGAD iyo xataa shirweynihii ugudambeeyey ee OAU-da ee lagu qabtay Lusaka-Zambia, waxaan diyaar u nahay madal Soomaaliyeed oo loogu talagalay dib u heshiisiin aan wax shuruud ah ku xirneyn meel walba oo la go’aansado.

Eng. Xuseen M. F. Caydiid
Madaxa Wareega SRRC.

  Guji Boga Deyniile
             Kala xiriir
cabdishakuur@dayniile.com

Copyright © 2001 By Qandala