Qandala Home                           Qandala PSS
KOOX SOOMAALIYEED OO ISRAEL USOO JEEDISEY IN AY ADEEGSADAAN GEGI_DIYAARADEED OO KUTAAL SOOMAALIYA
Shabakada Internetka ee Arabic News ayaa caddadkii Nov 29 qortay in raadiyaha Israeli ee kuhadla Afka Hebrew uu sheegay in koox fallaago ah oo Soomaali ah ay Israel usoo jeediyeen in ay adeegsadaan garoon diyaaradeed ee Kooxdaasu gacanta ku hayaan, waa sida warku u dhigaye.

Waxaa warku intaas ku daray in laba xubnood oo katirsan kooxdaas ay xubin kasocota Israel [Knesset Moti Zambrigh] kula kulmeen Itoobiya oo ay sharaxaad dheer halkaas kusiiyeen.

Waxa warku sheegay in Raadiyuhu uu sharaxay in Soomaalidaasi ay weydiisteen in Israel ay siiso taageero milatari.

Wargeyska oo hadalkiisa sii wata waxa uu qoray in Dany Eiloun oo ah lataliyaha xagga siyasada ee ra'iisul wasaaraha Israel Ariel Sharon uu sheegay in ra'iisul wasaaraha iyo xubno kale oo ammaanka qaabilsan ay soo jeedintaas dersayaan oo ay go'aan ku haboon kaqaadandoonaan.

ENGLISH.VERSION: Somalia's rebellions co-operate with Israel

Copyright © 2001 By Qandala