Qandala Home                           Qandala PSS
AYAA MASUUL KA AHAAN DOONA DAGAAL BEELEEDKA KU SOO WAJAHAN GOBOLKA BARI?

 W.Q. Cabdishakuur Mire Aadem E-MAIL cobol319@hotmail.com

Ma ahan arin lala yaabo in caruurta iyo haweenka ku nool Bosaaso ay subaxnimadii waqtiga isku dhaafiyaan daawashada aflaanta Hindiga ah ee lagu turjumay af soomaaliga guracan… sidaas oo kale ayaanay maanta dad badan oo kunool isla magaaladani dareen fog ugu hayn waxa uu Col C/laahi ka qabanayo agagaarka Meereysan ee magaaladda Garoowe . Sidoo kale ayaanay Ariga Boosaaso ee ku mabay cunista Qaadka haskiisa oo ay ka abaabaan Kabaradda hoostooda kolka iibinta Qaadku dhamaato ayan u kala aqoon inuu ahaa Meerowgii wadda soo maray ama Hererigii Diyaaradu keentay. Hase ahaate meelaha shaaha lagu cabo ama marfishyadda qaadka lagu raamsado ama wadooyinka magaaladda Bosaaso waxay dadku is weydiinayaan sababta uu isu casilay taliyihii ciidamadda reer bariga ee loo yaqaano xoogaga wax iska caabinta dagaalka laga yaabo inuu ka soo fafo magaaladda Garoowe Casumadda Dawlad goboleedka Puntland ee iyadu kala saariweyday awoodaha isku haysta cida xaq ahaan u hoogaaminaysa PL. Cabdi casiis Saciid gacamey wuxuu ahaa ka mid ahaa xubnaha ugu cad cad ee reer barinimaddu madax martay . Waxaase la yaab noqotay kolkuu Idaacadda Midnimo ee Bosaaso u sheegay inuu hawshaas faraha ka qaaday.Weliba wuxuu intaas raaciyey sida uu ugu xunyahay in hubkii magaca pl lagu soo iibiyey aanu isagu u warhayn halka la geeyey iyo cida la siiyeyba. Aynu dib ugu noqono 5.08.2001 kolkii ciidamadda reer barigu iska caabiyeen xoogagii uu hor kacayey Col C/laahiga iminka ku sugan Garoowe.Aynu is weydiino reer barigu awood ciidan ahaan siday maalintaas kala ahaayeen? M ahan in la qarin karo sida uu u lumay isu dheeli tirinkii awood ciidameed ee beelaha gobolka bari.Col Jamac Ali Jama kolkii uu baqaha ku yimid Bosaaso waxa keliya ee uu watay hal gaari oo tekniko ah. Maanta waxaa lagu ilaaliyaa ugu yaraan 10 tekniko ah. Iyadoo ilaaladiisa gaarka ah 8 nin oo ka mid ahi ku hubaysan yihiin qoryaha loo yaqaan BKM. Waxa la isweydiinkaraa halkee ka keenay lacagaha uu hubkan ku iibsaday. Iyadoo ilaaladiisu aanay ka diiwaan gashanay ciidamadda caadiga ah ee pl amaba ay yihiin ciidama beeleed gaar ah. Waxyaabahani waxay dardar geliyeen beelaha gobolka Bari qaarkood suaalo inay ka keenaan sida wax u socdaan? Waxaan isa soo taray tuhunka ah armayba arrintu Col C/laahi ha layska celiyo ka weyntahay? Dabasha colaadeed ee saxansaxadeedii laga dareemay Bosaaso ayaa keeni karta si fudud inay beelaha gobolka bari isugu dhacaan iyadoo aan la hadoodili Karin sida furan ee loo arkay gacan togaalaynta hantidii ummada ee beelaha qaarkood isku hubaynayaa.’ Belooy kaalay lama yari,ado nabadd u balawaaja. Haday bello timaadana lama booyo boowoow.’ Waxay maant Bosaso ku sugan tahay in la taliyaha gaarka ah ee Col Jamac waa Saalax Xaashi Carabe inuu dhegto ugu sheego in la weeraro xarunta gobolka bari oo ay gacanta ku hayaan ciidamo daacad u ah Ibraahim Cratan Beeldaaje oo aan isagu aqoonsanay maamulka Col Jamac. Markaas maxaa dshici kara ? ayaana masuul ka noqonaya dagaal beeleed ka aloosma magaaladda gacansiga pl ee Bosaaso?

Copyright © 2001 By Qandala