Qandala Home                           Qandala PSS
Wararka Wargayska Sooyaal Boosaso.

KOOX WERIYAYAAL KA KALA SOCDA SAXAAFADA GUDAHA PUNTLAND IYO MUQDISHO OO KULAN LA YEESHAY COL. C/LAAHI YUUSUF.
Sida uu noogu soo waramayo Weriyahayaga magaalada Garoowe waxaa saakay kulan saxaafadeed u qabtay Weriyayaal ka kala socday Gudaha Puntland iyo magaalada Muqdisho Cabdullaahi Yusuf Axmed.

Col. C/laahi Yuusuf ayaa sheegay in uu yahay isagu madaxweynaha sharciga ee Puntland, wuxuuna ku tilmaamay Col. Jaamac Cali Jaamac Nin Dowlada KMG ah u shaqeynaya oo Kooxda Carta ka tirsan sida uu hadalka u dhigay.
C/Laahi YUUSUF WUXUU KALOO WARFIDIYEENADU U SHEEGAY INAAN LA GEYN HALKA LAGU MAGCAABO SHINBIRAALE EE LA GEYEY MEEL AAN AHEYN SHINBIRAALE OO LAGU MAGACAABO MAREERO.

ARGAGIXSO LA SHAQEYNAYSA AL-QAACIIDA HAA WAY JOOGAAN AYUU YIRI MAR WAX LAGA WEYDIIYEY ARGAGXISADA LA SHEEGO INAY JOOGAAN SOOMAALIYA.

KUWA LA SHAQEEYA WAXAA KA MID AH AYUU YIRI URURKA AL-ITIXAAD OO AANU BERI KU DAGAALANAY BOSAASO KANASAFEYNAY, LAKIIN IMINKA KU SOO XOOGEYSTAY SIYAASADA SOOMAALIYA, GACAN BALAARANA SIINAYEY MAAMULKA CARTA IYO NINKA LA SHEEGAYO IN LA DOORTAY EE JAAMAC AYUU YIRI COL.C/LAAHI YUUUSUF.


CIIDAMO IYO TEKNIKO MARYO CALAS AH OO LAGU ARUURINAYO TUULOOYINKA DIBADA KA AH BOASAASO.
Waxaa maalmahanba jiray dadaal ay Beelaha qaar ugu aruurinayeen Tuulooyinka ka baxsan magaalada Bosaaso Ciidamo iyo Tikniko Marayo Calas ah, kuwasoo la dejiyey meelo kala duwan.
Qaar ka mid ah Maleeshiyadaas Beelaha ay iska soo aruuriyeen waxaa la geeyey Tuulada loo yaqaan Karin, kuwo kalana waxaa la dejiyey halka lagu magacaabo Al Xamdulilaah, qaar kalana waxay degeen Tuulada Laag oo magaalada Bosaaso 30 Kiilo mitir u jirta.

Dhamaan Ciidamadaas kala duwan ee Maryo Calasta ayaan isku qorshe iyo isku hadaf loo geyn Tuulooyinka ka baxsan magaalada Bosaaso, waxaa jira warar badan oo sheegaya in Beesha Jaamac Cali Jaamac oo kaliya ay diyaar u tahay in ay iska caabiyaan Col. C/laahiga laga cabsi qabo in uu duulaan kale ku soo beegsado magaalada Bosaaso, hase ahatee waxaa jira qeybo ka mid ah Beelaha Bari oo iyagu sheegaya in ay wax ka difaacayaan magaalada Bosaaso, lakiin ma muuqato wax dhab ah oo ay ku talaabsadeen.
Qaar ka mid ah Beelaha banaanka magaalada Bosaaso degay ayaa lagu xamanayaa inay soo dhaweynayaan iyagu Col C/laahi Yuusuf oo aanay wax xabad ah ku rideynin, waxayna saluugsan yihiin sidii ay u dhacday Doorashada Jaamac Cali Jaamac.


COL. C/LAAHI YUUSUF OO SAFAARDA MARAYKANKA KA CODSADAY DHAQAALE UU KAGA HORTAGO WAX UU UGU YEERAY ARGAGIXISADA.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Adisababa ayaa sheegaya in Col C/laahi Yuusuf Axmed uu u diray safaarada Maraykanka ay ku leedahay magaalada Adisababa ee Dalka Itoobiya dhanbaal uu kaga codsanayo in lagu taageero dhaqaale uu kaga hortago wax uu ugu yeeray Argagixiso.
Col. C/laahi Yuusuf ayaa tilmaamay in deegaanada Gobolka Bari gaar ahaan Bosaaso ay yihiin meelaha ay ku soo dhuuman karaan, isagoo sheegay in Ururka Al Itixaad oo ay beri ku dirireen magaalada Bosaaso iminka kaalin xoog leh uu ku leeyahay siyaasda cakiran ee Puntland.
Col. C/laahi ayaa ku sheegay in Ururkaas uu dhinaca dhaqaalaha kaga qeybqaatay ka hor imaadkii maamulkiisa Bosaaso, haatana uu ku howlan yahay sidii uu u soo celin lahaa Bosaaso sharciga maamulkiisa waa sida uu dhanbaalka ku sheegay.
Dowlada Maraykanka ayaa iyadu la filayaa inay Faragelin Milateri ka sameyso Soomaaliaya Bilaha soo socda side ay cadeyeen Sarakiisha Maraykanka.Dhanka kale macada sida ay u abaarayaan howlgaladooda ku aadan Soomaaliaya, iyadoo ay jiraan kala qeybsanaan Siyaasadeed.


WARIYAYAAL REER MUQDISHO OO CADEEYAY IN AL-QAACIDA AYSAN SHIMBIRO JOOGIN.
Weriyayaal ka socday Idaacadaha iyo Wargeysyada Muqdisho qaarkood ayaa booqday buuraha loo yaqaan Shimbiro toddobaadkii ina dhaafay, waxaana weheliyey weriye ka socday Telefishinka loo yaqaan MBC ee luqada Ingiriiska ku hadla.
Weriyayaashu waxay u sheegeen Xarunta Wararka in ay booqdeen meesha loo yaqaan Shimbiro, halkaasoo ay sheegeen in ay tahay meel buuraley ah badduna coonka ku hayso, aysanse jirin wax deegaano ah oo ka sameysan, waxa keliya ee ay ku soo arkeena ay ahaayeen dad yaar oo ku mashquulsanaa wax soo saar oo keliya, waxaana ka mid ahaa ayey yiraahdeen kuwo kalluumeysanaye.
Weriyayaashu waxay intaas ku dareen in Shimbiro ay aheyd meel ku fiican dalxiiska oo aad u soo jiidatay, mar aanu wax ka weydiinay in halkaas ay xeryo ku leeyihiin ururka Al-qaacida, waxay noo sheegeen in aysan jirin haba yaraatee wax xeryo ah ama deegaan ah oo bani’aadam ku noolaan karo oo ay halkaas ku soo arkeen.
Safarka weriyayaashan ayaa ahaa mid ay qabanqaabadiisa lahaayeen taageerayaasha Col. Jaamac Cali Jaamac.


DOWLADA HOOSE EE BOSAASO OO WADA HOWLO DHAXAL GAL AH...
Waxaa jidadka magaalada Boosaaso ka socday shaqo nadaafadeed oo lagu sugayo nadaafada wadooyinka.
Maamulka dowladda Hoose ee Boosaaso oo hirgelinayey shaqooyinkan xiliga habeenimada ah ayaa waxaa ka qayb qaadanayey shaqaale adeegsanayey gaari gacano iyo xaaqimo.
Waxaa intaas barbar socday gaadiid ay saran yihiin haamo tuura naqas laaya cayayaanka iyadoo lagu guda jiro xiliga deyrta oo xasharaad fara badani ay dhashaan, sidoo kale waxaa Dowladda Hoose ay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay waday dadaal weyn oo ay ku xakameynayso qashinka magaalada gudaheeda laagu daadiyo, iyadoo ay sameysay goobo mucayin ah oo qashinka lagu ururiyo dabadeedna gaadiid looga qaado, tanina waxay si weyn u yareysay qashinkii faraha badnaa ee magaalada dhex tuunsanaan jiray.
Waa markii ugu horeeyeysay oo Dowladda Hoose ay qaado olole nadaafadeed oo jidadka magaalada Boosaaso lagu nadiifinayo, Md. Gaagaale oo ah Agaasimaha waaxda Fayadhowrka D/hoose ayaa Sooyaal u sheegay in ay wadaan dadaal loo baahan yahay in bulsho weyntu ka qayb qaadato.
Weli waxaa caqabad ku ah Dowladda Hoose sidii ay u xalin laheyd biyaha wasakheysan ee baararku ku shubaan dariiqyada halbowlaha u ah quruxda magaalada, kuwaasoo ay maraan gaadiidka iyo dadweynuhuba.

Wargayska Sooyaal, oo Ka soo Baxa Xarunta Wararka Somaliyeed ee Boosaaso, Puntland.
Waxaynu ka soo xiganay Mudug Online Guji
Copyright © 2001 By Qandala