Qandala Home                           Qandala PSS
QEYLO DHAAN NABADEED
Ku: Isimada ,Siyaasiinta, Cuqaasha,Culumaa-U-Diinka, ee Reer Puntland,
Ku: Aqoonyahanda, Wax-Garadka Kale, ee Reer Puntland
Ku: Dadwenaha Ku Nool Gobollada Ku Bahoobey Maamulka Puntland
Ka: Walaalihiin Wanaag iyo guul la Jecel Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed

UJEEDDO: QEYLO DHAAN NABADEED
Waan maqalay iska horimaadkii dhawaan ka dhacay Garoowe magaalo madaxada Puntland iyo eelkii/khasaarooyinkii gacan ka hadalkaasu reebay: naf dad, burbur hantiyeed iyo barakac dadweyne intaba, kuwaasoo sida la mala awaalayo, laga baqayo inaysan halkaas ku ekaan-doonin. Waxaan tacsi u direynaa qoysaskii iyo eheladii ay ka tageen dadkii ku nafwaayey iska horimaadkaas.
Waxaan filaynaa in dadkii sababay eelkaas ay haatan ka shallaayayaan oo ay jeclaan lahaayeen in shalay maanta noqoto. Laakiin berri weli lama gaarin, dareenkii ay rimmantahayna qofkii/qofafkii fakarayaa, oo wanaag doonayaa, Waa ka tashan karaa/karaan. Waa taas midda haatan gudboon inaan laga doqonoomin sidii looga gaashaman lahaa.

Mala is weydiiyey qiimaha la taaban karo ee ku jira waxa lagu lool tamayo markii la barbar dhigo khasaarooyinka ka yimid ama ka imaan doona, iyo lahanka dambe oo dagaalladaas sokeeye iyo khasaarooyinkoodu ku reebi doonaan bulshada guud ee ku abtirsata gobolladaas, meel kastoo ay joogaanba?. Waxaa nala quman in qof kastaa ka fakaro su’aashaas jawaabteeda.
Tobankii sano (1991-2001) ee dagaallada sokeeye ka socdeen koofurta Soomaalia, Gobollada Puntland; guud ahaan waa ka badbaadeen xasuuqii iyo bur-burkii ka dhacay koofurta inteeda kale. Taasna, amarka eebe ka sokow, abaalkeeda iyo ammanteeda waxaa mudan madaxda gobolladaas, siiba Isimada iyo dadweynaha oo u hogaansamay wacyiga madaxdooda. Taasu waxay gobolladaas u soo hoyisay qiimo iyo tixgelin gaara ah.

Hadda oo halgan loogu jiro sidii looga soo kaban lahaa bur-burkii toban sano socday, soo la yaab, sharaf dhac weyn iyo dib-u-socodnimo kuma aha gobollada reer Puntland, haddii ay u ekaadaan kuwa ka shallaayaya ineeyan ka qayb qaadan hadda ka hor bur-burkii iyo xasuuqii ka dhacay dalka, oo markaas ay haatan bilaabaan bur-bur iyo xasuuq cusub, sida ka dhacday magaalada Bosaasood bilo kahor, haddana magaalada Garoowe?

Soo ma haboona in cashar aynu ka qaadanno wixii la soo maray tobankii sano ee Dagaallada sokeeye ka aloosnaayeen dalka, iyo in ninna buntukh caaraddi, inkastoo uu wax isbido, uusan guul waarta ku gaarayn. Qof kastoow dib-u-jalleec marxaladihii la soo maray 1991-1994, iyo kuwii waqtigaas waxisbiday ciribtoodii. Maah-maah Soomaaliyeed ayaa leh(Rag hooyadina u hayey, walaalow wuxuu ku dhaamo lama arko).Soomaali iyo Soomaaliya wax kastoo kaleba waa u baahanyihiin, laakiin dagaal iyo Dhiig la daadsho jeel uma qabaan, umana qabi karaan. Qof kasta oo maskax fayoobi qabta ku fakarayaa, waa garan karaa in buntukh caaraddi Iyo dhiig sokeeye oo la daadsho aan ninna sahal ciir (ciidh)ugu lulanayn.

Sidaas darteed, waxaan madaxda kala duwan ee gobolladaas ugu baaqaynaa (ku adkaynaynna)in wixii dhacay kaddib, laga caaganaado gacan ka hadal(dagaal), iyo in khilaafaadka jira lagu xalliyo wada hadal iyo is-afgarad ku saleysan daacadnimo iyo kala jid qaadasho, iyadoo mar kasta danta guud laga hormarinayo midda gaarka ah. Xil iyo mas’uuliyad gaara ayaa ka saaran Isimada iyo wax-garadka kale ee hormoodka u ah dadweynaha. Waxaan ku adkaynaynna in madaxdaasu, siiba Isimadu, ay dib isugu noqdaan, si ay u soo ceshadaan sharaftoodii lama taabtaanka ahayd ee la moodo in iskhilaafyo iyo is-afgaran waa ka dhex dhacay awgeed, ay muddooyinkaan dambe si wax u gaareen.

Waxaan si gaara ugu boorarinaynaa Isimada inay ka afgaabsadaan siyaasadaha riqiiska Ah oo dan gaara lagu fushanayo, iyo inay mar kasta ka digtoo-naadaan wixii dhaawici kara xeerka soo taxnaa oo ay ka dhaxleen aabayaashood iyo awoowa-yaashood, kuwaas oo ku dhisnaa in Isimku yahay xarigga (xadhiga) isku haya dadweynaha uu u caleemo saaran yahay, iyo in gudoonkii uu ridaa yahay kama dambays. Taasu waa midda ka badbaadisay gobollada kor ku xusan bur-burkii iyo xasuuqii ka dhacay Soomaaliya 1991-1993, waqtigaas oo wax khilaafahi uusan ka jirin Isimida dhexdooda. Runtii iskhilaafka iyo isaf-garan-waaga ka jira Isimada Waqooyi Bari dhexdooda wuxuu ka bilowday shirkii SSDF ee magaalada Qardhood laguqabtay 1994tii.

Mar labaad,waxaan Isimada ku adkaynaynnaa inay dib isugu noqdaan oo iska saaraan mugdiga ku dhex jira. Dantooda iyo sharaftooda, iyo danta dadweynaha, ayaa ku jirta inay midoobaan oo iska ilaaliyaan wixii dhaawici/naaqusin kara awoodooda dhaqaneed iyo midnimadooda.
Ugu dambayn, waxaan u aragnaa lagama maarmaan in si dhab ah oo joogto ah (seriously and permanently) loo sugo, loo adkeeyo, loona hoggaansamo xeerarka iyo qawaaniinta u degsan ama loo dejiyey dalka.

Waa in aan loo ogolaan qof ama kooxi inay ku tallaabsato fal/falal ka soo horjeeda xeerarka iyo sharciyada loo dejiyey dalka, iyagoo doonaya in xoog iyo Jujuub sharci darro ah ay talada ku muquunsadaan. Haddii miro Macaan laga gurtay iyo haddii kalaba, soddon (30) sannadood iyo dheeraad oo buntukh caaraddi iyo anigaa iri (idhi) ummadda Soomaaliyeed lagu muquuninayay,waa aynnu soo aragnay, intaas ka badan waa dulli aan loo dul qaadan karin.

Waa in qofna- wuxuu doono ha noqdee ama magacuu-doono ha sheegtee - uusan ka weynaan karin ama ka sarreyn karin sharciyada iyo qawaaniinta dalka iyo dadka.
Waxaan dhammaantiin idin ka codsanaynaa in raalli aad naga noqotaan haddii aanu meel idiin ka dhacnay. Intaas iyo nabad iyo midnimo ayaan idiin rajaynaynnaa Walaalihiin wanaag iyo guul la jecel dadka iyo dalka Soomaaliyeed .

Magacyada Dadka Warqaddaan Saxiixay.

1. Cabdirisaaq Xaji Xusen USA
2. Cabdullahi Farah Holif USA
3. Maxamed Abshir Muse USA
4. Maxamed Cumar Jamaac (dhigicdhigic) Canada
5. Maxamud Yusuf (Muuro) Holland
6- Prof. Cabdulqadir Noor Salaad (Fisiko) USA
7- Eng.Abdulqadir Abdullahi Cali Barre (Jeylaani) USA
8- Cabdi Saciid Muse ( Cali Koor) USA
9- Mohamud Cabdi Cusmaan (Haybe) USA
10- Ladane Saalax USA
-Dhammaad-
Jawaab dhambaalkii qaylo dhaan nabadeed.
Talo iyo su'aalo kusaabsan qoraalkaan waxaa lagu hagaajin karaa email:
isxaaq1@yahoo.com halkaas oo odayaasha qoraalka kusaxiixan looga sii gudbin doono.
Copyright © 2001 By Qandala