Make your own free website on Tripod.com
Qandala Home                           Qandala PSS
DR CABDIQAASIM CADAAWAD INTEE LE'EG AYUU U HAYAA ACYAANTA MAJEERTEEN.? MAXAYSE KA FILI KARAAN.?
WQ:- Shukuur Mire Aadan "Cobol"cobol319@hotmail.com

Marka aynu dib u jaleecno xogaha dhabta ah ee laga hayo C/qaasim Salaad Xasan uma baahna in lagu shabadeeyo amalaga been abuuro wax uusan ahayn,
waxaase ku filan inla garto waxa uu yahay jaleeco yar oo dib loogu dhugto raad raaca hadaladiisa  diiwanada aan lumin ku qoran eehadda la hayo.

Waxa aan qormadaydan maanta si kooban ugu eegaynaa khudbad uu dibnihiisa C/qaasim salaad ku sharxay waxyaabo badan oo aan munaasib ahayn, taasoo uu ka jeediyaymuxaadaro ka dhacday magaalada Muqdisho 1995kii, taasoo uu qabanqaabadeeda door muhiim ah ku lahaa xiriirinayayna nin la yiraahdo C/raxmaan Baadiyoow oo xubin firfircoon ka ahaa xubnihii hoosta ka maamulayay shirkii Carte.

Khudbadan ayaa waxa ay muujinaysaa in shirkii Carte ahaa qorshe salka ku hayay hindise ka dhashay muxaadaradaas ama arimo kale oo ay muxaadaradaasi daba joogtay.

Hadii aan u soo laabto in aan meelo ka xuso hadalada tirada badan ee ku duuban lixda bog ee cajaladaha bandhigaas.

Cabdiqaasim Salaad Xasan oo haatan ah madaxweynaha kumeelgaarka ee Dawladdii dhawaan Carte lagu soo dhisaywaxa uu diiradda hadalkiisa galabtaas saaray in uu dhamaan khaladaadkii siyaasadeed, dhaqan, diimeed, dhaqaale iyo maamulba mudaddii Soomaaliya dawlada ahayd uu dusha u saaro rag dhamaantood isku beel qura ah, wuxuuna ka warwareegay in badan in uu khaladaadkii qaranka wax ka saaro taliskii Maxamed Siyaad ee uu wax ka dhamaystay.

"Soomaaliya wax aqoon lihi ma jirin, ciyaalka Suldaanada iyo nabadoonada ayaa fasalka saddexaad gaari jiray si ay karaaniyaal ugu noqdaan Talyaaniga" ayuu yiri C/qaasim "Yasiin Cismaan Sharmaake ayaa ka mid ahaa" ayuu ku sii daray, "sidoo kale askartii, darawaliintii iyo boyadii Talyaanigu qortay oo hawlqabadkooda ugu muhiimsani ahaa in ay naagaha u keenaan askarta Talyaaniga ayaa markii aynu dawladnimada qaadanayna madax inoo noqday" ayuu yiri C/qaasim.

Waa uu sii waday doodiisa oo sii waday dhaleecaynta halka yoolkiisu ahaa, si uu u baro dadka soo jeedintan siyaasadeed dhageysanayay wuxuuna yiri "anigu nin wax
qarsada la iguma yaqaan, aduunka danbi ka weyn ma jiro qof codkiisa la xado oo nin uusan dooran la yiraahdo hebel baad dooratay….." isaga oo ka hadlaya Allaha unaxariistee Dr,C/rishiid Cali Sharmaake wuxuu yiri "Madaxweynihii dalka Aadan Cadde waxa uu doorashada kaga qaaday laba cod oo uu C/rashiid iibsaday, waana la yaqaan labadii nin ee laga iibiyay" ayuu intaas sii daba dhigay.
Geeridii madaxweyne C/rashiid ka dib waxa uu soojeedintii ay xildhibaano badan soo jeediyeen in MuuseBoqor la sharaxo, u fasiray arin dhaxaltooyo la xiriirta "isaga oo taas ka hadlayayna wxa uu C/qaasim Salaad hadalkiisii galabtaas ku yiri "markii Cabdirashiid dhintay ayaa la yiri haa C/rashiid sow Cismaan maxamuud ma ahayn? Haa hadda Boqorka ayaa kursiga leh ee waa in la keenaa, subixii ragii taas diidanaa bastooladahooda ayay diyaarsadeen kuwii kalana lacagtooda ayay qaateen, iydoo subixii halkaas laysu diyaar garoobay oo nin waliba bastooladiisa hoosta gashaday ayaa sida aynu ka wada war wabno ciidamaddu xukunkii la wareegeen" Dib ayuu ugu noqday lixdamaadkii oo wuxuudhaadhaajiyay (canjilay) ra'iisul wasaarihii hore C/risaaq Xaaji Xuseen.

Dr. C/qaasim waxa uu qirtay waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen in uu ka mid ahaa ragii wax ka habeeyay hantiwadaaga, hadana marnaba ma muujin wax shalayto ah oo uu ku qirayo doorkii uu arintaas ku lahaa, afkiisana marna lagama maqal isagoo leh waan khaldanaa iyo shalaytadaydii toona.

Intuu is ilaaway waa nin meel u hilaacaysee ayuu yiri "ragii xafiiskii Siyaasadda hor boodayay ayaa hantiwadaagii daba ka riixay" kaasoo uu ula jeedo Kornayl Jaamac Cali Jaamac oo hogaankaas Joogay.

Sideedaba ma haboona in la is ilowsiiyo xaqiiqooyinka dhabta ah ee ruuxa C/qaasim, sida ka soo baxdayqorshihii Carte waxa uu doodiisa maalinkaas ku muujiyay in aysan jiri doonin wax loo raaco dadkii wax laayay, iyo kuwii danbiyada galay, waana tan ayaa la oran karaa sababta shirkii Carte loo diiday in la xisaabiyo danbiyadii dhacay si aan talada dalka mar kale gacanta loogu galin danbiilayaasha.

Isagoo doonayay in uu hadalkiisa dadka kaga daadajiyo danbiilayaasha dhabta ah, waxa uu yiri "nidaamkii xeerka qoyska iyo sinaanta ragga iyo dumarka Dr. wayrax ayaa ka danbeeyay, xataa golihii sare ee kacaanka waxaa loogu sheegay jaranjaradii ex stadium cones" ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan oo sida muuqata doondoonayay meel uu eeda uga duwo Madaxweynihii Hore Maxamed Siyaad Bare iyo golihiisii Wasiirada ee uu Cabdi Qaasim ka mid ahaa tan iyo 19991kii.

Silsiladdii sheekadiisa waxa uu ku kordhiyay, "maalin Jimce ah ayay wadaadadu ka ridiyeen masaajidyada, iyadoo maxamed Siyaad Baraawe ku maqnaa, galabtii markii uu ku soo noqday ayaa Janan. Cabdullaahi Shiikh Maxamuud(matukade) u sheegay Maxamed Siyaad in niman magaaladii
haystaan" ayuu yiri C/qaasim wuxuuna isagoo codkiisa kor uqaadaya "ma tukade adiga iyo awoowgaa Allaha cadaabo muxuu been sheegay, kaliya waxaa ku fillaa in uu masaajidada makarafoonada ka gooyo si aan hadalkoosa loo maqal".

Khudbadiisa dheerayd waxa uu ku laray dhaleecayn iyo eedaymo la taariikheeyay oo loola jeeday in lagu fogeeyo beel gaar ah (majeerteen). Intaas kadibna waxa uu soo bandhigay wax qabadkiisii siyaasadeed, wuxuuse taas ka hor mariyay in uu Garoowe ku tilmaamo halka laga kaxayn jiray dadkii gumaadka Waqooyiga ka samaynayay.

Waxa uu sheegay in uu ka mid ahaa ururkii USC aasaasayaashiisii, isagoo isla mar ahaantaana ahaa wasiirka arrimaha Gudaha"hawiye siyaasad hoose ayuu watay, waxaan shirar qarsoodi ah ku yeelanay hotel Jungal, waxayna odayaashu iga codsadeen in aanan la dagaalamin, in aad nala dagaalanto ayaa laguu sameeyay ee maandhoow ha nala dagaalamin ayay yiraahdeen"

Kacdoonkii Muqdisho in aan cid kale samayn ee isaga iyo rag kale sameeyeen ayuu muxaadaradaas ku qiray, wuxuuna intaas raaciyay in ay diri jireen rag koofiyad guduud ah dadka la dilayna waxa aan gaarsiinay Boqolaal si dadku u kaco, rageena dhaqaalaha haystay oo , aan wax quur saasa lahayn ayaa loo sheegay in la dilayo, liisas ay rag badan ku qoran yihiin ayaana la fidiyay, nin waliba markii la yiri adna waad ku jirtaa dadka la laynayo ayuu wuxuu hayay soo fagay oo nin waliba wax quuray" ayuu qaabkii ay kicinta u sameeyeen ku sharxay.

Dr. C/qaasim ma qarsan danbiyadii uu ku lug lahaa isagoo waliba faan ka dhiganaya, muujinayana in uu taariikh yahan yahay wuxuu yiri "Soomalidu aad uma dagaalami jirin mar ay dareemaan wax gumaysi oo kale ah mooyee sida markii ay Hiraabku xadka ka saareen Boqortooyadii Ajuuraanka" waa sida uu hadalka u yiriye, wuxuuna hadalkaan ku ayidayay in aan Hiraabku gardaro waxba kula dagaalamin, taasoo sida muuqata ahayd mid uu ku gar siinayay xasuuqii lagu sameeyay beelaha kale ee Soomaaliyeed ee aan dagaalka u abaabulnayn kacdoonkii muqdisho kadib.

Markaas ayaa la iswaydiin karaa dadwaynaha ka daawada hadalada macmacaan ee Dr. C/qaasim Salaad ka yiraahdo dhalada layska arko ee u kiraysan Jabuuti ee RTD/TV ma wax laga rumaysan karaa mise waa isku day uu doonayo in uu ku daboolo nacaybka reereed ee laabtiisa qotoma.

Gabagabadii markaan si qoto dheer u dhagaystay cajaladda lixda bog ah ee lagu duubay dr. C/qaasim waqtigii uu bilaabay mashruuciisii Dhawaan Jabuuti lagu soobandhigay ee haatan taal kaydka wargayska Sahan, ayaan rumaystay hadaladii Jeneral Maxamed Jabriil Muuse (Xogogaalkii Qaranka ee 21kiisano) iiga sheegay C/qaasim mar aan kula kulmay Gaalkacyo 24 October 2000 ee ahaa "C/qaasim,
qabiilka afarta jeeba wuu ka buuxsadaa, mana aha nin qaadi kara masuuliyadda qaran".

Waxaan kaloo soo xasuustay hadal nin xog ogaal ah oo Soomaalinimo ku fog tahay una dhashay Beesha C/qaasim ka dhashay igu yiri sanadkii 1999 aniga oo Dubai Jooga kaasoo ahaa "Markii aan wadnay kacdoonkii Muqdisho sadex nooc ayaa Waxgaradka USC u qaybsamaa, koox waxay qabtay in daaroodka laga aarsado oo dalka laga eryo hantidana lagala haro, koox kale oo C/qaasim ugu hadal cadaana waxa ay qabtay in Daaroodka Indheergaradka laga laayo maatadana layska daayo, si loo xukumo, qaybta saddexaadna waxa ay qabtay in dadkii danbiyada galay kaliya la eedeeyo maxkamadna la hor keeno, saddexdii bilood ee hore waxaa adkaatay labada kooxood ee hore oo aan mabda'iyankala fogeyn" ayuu si maadi ku jirto u yiri wuxuuna isagoo qosol qoomamo ku jirto qoslaya
hadalkiisii ku xiray "saddexdii danbase waa iska soo daba dhawaanay"

Waxaa aan hadaba maanta qormadaydan ku soo afjarayaa xusuus kale oo aan ka soo minguurinayo qormo wargeyskii Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanku lahaa ee OGAAL uu kaqoray C/qaasim Salaad markii uu ahaa wasiirka Hawlaha Guud, qormadaas oo lagaga faalooday Bog la oran jiray "Duruufaha qalafsan" taasoo aan xasuusto gunaanadkii qormadaas oo aan maantana mar kale u qaadan doono gunaanadka qormadeenan gaaban, waxayna ahayd tix suugaaneed uu tiriyay Alaha u Naxariistee Cali Aadan oo ku magac dheeraa Cali Dhuux oo u jawaabayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ooaan ka hayo "Uba waysta waa kugu arkaa agabsalaadeede, hadduu uurka kaa jiro wardigu kaama orodneene, abtiyaaladaa iyo ku nece ururki reer khayre, ashahaada beenloow maxaa aaha kugu aasan"
WQ:- Shukuur Mire Aadan "Cobol"cobol319@hotmail.com
===================================
Allaa weyn ninkii aaminaa awoodleh.


Copyright © 2001 By Qandala