Qandala Home                           Qandala PSS
Hub iyo Saanad laga soo diray Magaalada Muqdisho oo ku sii jeeda Col.Jama Cali Jama  
Hub iyo Saanad laga soo diray Magaalada Muqdisho oo ku sii jeeda Col.jaamac Cali Jaamac
Dowlada ku meel gaarka ah ayaa waxaa ay udirtay Hub iyo Saanad Magaalada Boosaaso Puntland State.
Hubkaas oo kasoo baxay magaalada Muqdisho oo hada Maantay laga soo rarayey Dekada Ceel Macaan kuna socda Dekada Boosaaso.
Hubkaas oo ku sii socda Madaxweynaha Cusub Maamul goboleedka Puntland Jaamac Cali Jaamac ayaa waxaa uu noosheegay wariyaha Allsomali Online
Wararka ugu dambeeyey inuu soo sido Hubkaas iyo Saanadaa korneel Bashiir Salaad Duuliye Hubkaas oo ukala baxa nooca Lidka Dayuuradaha iyo Rasaas
waana sidatan 4 Boqol oo Rasaas ah, iyo 3 qori nooca Suuga, 3 Qori Nooca looyaqaan Tarasate, 2 Qori oo Hoobiye. Wariyahayaga waxa uu noo
sheegay in lagu soo qaadayo Doon ka timid magaalada Dubai Dalka imaaratka carabta oo hada ku xiran Dekada Ceel macaan Waxayna ku soo beegan tahay todobaadka Dabayaaqadiisa Magaalada Boosaaso.
email us: allsomali@allsomali.com  Waxaynu ka soo xiganay Allsomali>>GujiRiix

Copyright © 2001 By Qandala