Qandala Home                           Qandala PSS
Xuseen Caydiid ma Askari Mareykan mise Hogaamiye Soomaaliyeed?
W.Q. Mohamud Yusuf Garre
yusuf22@lycos.com
Janaayo 29, 2002
Xuseen Caydiid

Markaad maqasho magaca “Caydiid” waxaa markaba maskaxdaada kusoo dhacaya Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, gudoomiyihii geeriyooday ee ururka USC/SNA. Balse qoraalkanu waa mid lagaga hadlayo wiil uu dhalay jeneraalku.
Xuseen Maxamed Faarax Caydiid waa 39 sano jir ku barbaaray gobolka California ee cariga Mareykanka. Wuxuu ku biiray kana tirsanaa ciidanka Mareykanka qeybta loo yaqaan Marineska. Xuseen wuxuu kamid ahaa ciidamadii Mareykanka ee soo galay Soomaaliya sanadkii 1992 si ay wax uga qabtaan gaajadii ba'neyd ee ka jirtay gobolada Bay iyo Bakool iyo guud ahaan Soomaaliya.
Saraakiishii ciidamada Mareykanka ayaa Xuseen u magacaabay inuu noqdo xiriiriyaha ciidamada Mareykanka iyo Jeneraal Caydiid, aabihiis oo xiligaa awood aad u weyn ku lahaa Muqdisho. Xuseen ayaa ku guul dareystay inuu wax ka qabto khilaafkii u dhexeeyey aabihiis iyo ciidamadii uu ka tirsanaa ee Mareykanka taasoo sababtay dhimashadii 18 askari Mareykan ah iyo in ka badan 5000 Soomaali ah una badnaa dumar iyo caruur. Xuseen ayaa dib loogu cesho California.
Xuseen wuxuu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho bishii August 1995 si uu uga qeyb qaato dowlad aabihiis kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho bishii April sanadkii 1995, dowladaasoo la magac baxday “Salbalaar”. Ku baaqidii dowladaas ayaa sababay khilaaf weyn oo kala dhex galay Jeneraal Caydiid iyo Cusmaan Caato oo ka mid ahaa hogaanka ururka USC/SNA, khilaafkaasoo keenay in ururku laba garab u kala jabo, dagaalana ay dhex maraan.

July 25, 1996 ayuu Jeneraal Caydiid ku dhaawacmay dagaal uu kaga soo horjeeday Cusmaan Caato, dhaawacaasoo sababay geeridii Jeneraalka bishii August 01keedii 1996.
Geeridii Jeneraal Caydiid kadib, hogaanka ururka USC/SNA ayaa shaaca ka qaaday in Xuseen Caydiid loo doortay jagada Madaxweynaha dowlada “Salbalaar” iyo gudoomiyaha USC/SNA. Waxaa jiray rag badan oo ku haboonaa qabashada jagooyinkaas uu baneeyey Jeneraal Caydiid waxaana ragaas kamida ah xoghayaha guud ee ururka USC/SNA Cabdikariim Axmed Cali iyo gudoomiyaha gudiga fulinta ee ururka Prof. Ciise Maxamed Siyaad.
Magacaabida Xuseen Caydiid loo magacaabay jagooyinkaas waxaa ka dembeeyey rag ay kamid ahaayeen Cabdiraxmaan Tuur, Jaamac Maxamed Qaalib iyo Axmed Cumar Jees, waayo ma eysan haysan meel ay saldhig ka dhigtaan oo dhaafsiisan Muqdisho, waxeyna dantoodu ku jirtay iney u sacabo tumaan Xuseen, sidaana ay ku sheegtaan iney ka tirsan yihiin Dowlad Soomaaliyeed.
Bill Clinton: Madaxweynihii hore ee Mareykanka

Waxey sidoo kale moodayeen in Maadaama Xuseen yahay muwaadin Mareykan ah, kana tirsanaa ciidamada Mareykanka uu taageero iyo aqoonsi dowladnimo ka heli doono maamulkii Bill Clinton (Madaxweynihii hore ee Mareykanka).
Wakiilka Xuseen Caydiid u fadhiyey Washington ayaa qoraal u diray wasaarada arimaha debeda ee Mareykanka, wuxuu qoraalkaas ku sheegay in maamulka Xuseen Caydiid yahay mid raacsan siyaasada Mareykanka, kana hor tegi doona mintidiinta Islaamka ee ku xoogeysanayey Soomaaliya. Xuseen Caydiid ayaa moodayey in Mareykanku ka welwelsanaa ururka Itixaad oo ku xoogeysanayey Soomaaliya, balse waxey dhabtu aheyd in badi saraakiisha wasaarada arimaha debeda Mareykanka ee xiligaas aaney weligood maqal urur la yiraahdo Al-itixaad oo ka jira Soomaaliya.
Xuseen ayaa sidoo kale u qoray Mareykanka in ururka USC/SSA ee uu hogaamiyo Cali Mahdi iyo maxkamadaha Islaamiga ee ka jira Muqdisho ay hoos tagaan Sheekh Cali Dheere, wuxuu kaloo Mareykanka u sheegay muhiimada in la bur buriyo ururka Al-itixaad oo xiligaas awood ku lahaa gobolka gedo.
Ugu dambeyntii wuxuu Xuseen Caydiid si qarsoodi ah u saxiixay weerarkii Dowlada Xabashidu ku qaaday gobolka Gedo kuna gumaaday maatidii deganeyd Luuq, Doolow iyo Beled Xaawo.
Frank Crigler: Safiirkii Maraykanka ufadhiyey Soomaaliya (1987-90)

Frank Crigler oo ahaa safiirkii hore ee Mareykanka u fadhin jirey Soomaaliya ayaa sida laweriyey waxaa lacag usoo bandhigay Xuseen Caydiid si uu olole uga bilaabo Washington, ololahaasoo uu aqoonsi ugu raadinayo dowladii “Salbalaar”. Balse dadaalkaasoo idil wuxuu noqday “hal bacaad lagu lisay” sababtoo ah Mareykanku wax cabsi ah kama aaney qabin awood ururka Al-itixaad Soomaaliya ku yeesho, sidoo kale maamulkii Calinton maba aanu dooneyn inuu malo magaca “Soomaaliya” maadaama ay Soomaaliya aheyd jab siyaasadeed ee soo gaara Clinton kii ugu weynaa.
Sanadkii 1996 ayaa sarkaal ka tirsan wasaarada Difaaca ee mareykanka (Pentagon) sheegay in aanu Xuseen Caydiid xaadirin tababaradii mileteri ee waajibka ku ahaa laga soo bilaabo sanadkii 1994 sidaa daraadeedna ay u haystaan inuu baxsad yahay. Balse Xuseen Caydiid wuxuu dhowaan u sheegay weriyeyaal Mareykan ah inuu ruqso ka qaatay ciidankii uu ka tirsanaa.
Xuseen Caydiid wax fikrad ah kama haysan legdenkii siyaasadeed ee ka socday Soomaaliya. Wuxuu ku barbaaray kuna noolaa wadanka Mareykanka. Weli ma aanu ku lugeyn dariiqyada Muqdisho, mana uusan la sheekeysan shacabka caadiga ah ee reer Muqdisho , mana garanayo qaab nololeedka shacabka reer Muqdisho. Xuseen Caydiid weligiis ma booqan meelo dhaafsiisan Muqdisho iyo Baydhabo.

Maadaama uusan wax aqoon ah u laheyn siyaasada Soomaaliya, isha keliya ee uu wax ka maqli jirey waxey aheyd aabihiis, geeridii Jeneraalka kadibna waxaa hagi jirey la taliyeyaashii aabihiis, iminkana waxaa muuqata in qofka keliya ee haga uu yahay ra'iisul wasaaraha Xabashida Melez Zenawi.
Sanadkii lasoo dhaafay ayaa waxaa muuqday khilaaf u dhaxeeyey hogaanka ururka USC/SNA iyo Xuseen Caydiid. Wafdi ay hogaaminayaan xoghayaha guud ee ururka USC/SNA Cabdikariim Axmed Cali iyo Prof. Ciise Maxamed Siyaad ayaa ka qeyb galay shirkii dhowaan ka dhacay dalka Kenya, ayna heshiis kula galeen DKMG, balse Xuseen Caydiid wuu diiday inuu ka qeyb galo shirkaas ka dhacay Kenya.
Xuseen oo iminka u muuqda mid go'doon ka ah ururka uu hogaamiyo ee USC/SNA ayaa ku sugan magaalada Adis Ababa ee cariga itoobiya, halkaasoo uu xarun ka dhigtay, kana talo iyo tusaale qaato melez Zenawi. Xuseen ayaa u sheegay weriyeyaal reer Galbeed ah inaanu ku noolaan Karin Muqdisho kadib markuu ka baxsaday isku day dil in ka badan sadex jeer.
Bishii September 14keedii ayuu Xuseen Caydiid u diray qoraal dheer wasaarada arimaha debeda ee Mareykanka, qoraalkaasoo uu ku sheegay wada shaqeyn ka dhexeysa ururka Al-itixaad iyo Shirkada Al-barakaat iyo xiriir ay la leeyihiin ururka Al-qaacida ee uu hogaamiyo Usaama bin Laadin.
Xadiis uu rasuulka kaweriyey Abu Musa, kuna sugan Bukhaari ayaa macnihiisu ahaa sidan: Laba nin oo qabiilkayga kamida iyo aniga ayaa usoo galay rasuulka. Mid kamida labadii nin ayaa yiri, "Rasuulkii Allow! ii magacaw in aan noqdo guddoomiye gobol (gumarnatoore)". Ninkii kale sidaa oo kale ayuu yiri. Rasuulkii wuxuu yiri, "Uma dhiibno xukun kuwa weydiista, iyo kuwa jecel in ay helaan xukun toona."
Xuseen oo dhowaan u waramay saxaafada caalamka isagoo jooga magaalada Adis Ababa ayaa sheegay inuu yahay muwaadin Mareykan ah, garanayana halka ay ku jirto danta Mareykanku. Wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatooyinkii ka dhacay New York iyo Washington “Shacabka Mareykanka dhib weyn ayaa kasoo gaaray weeraradii argagixiso mana aqbaleyno inuu dhib kale gaaro” ayuu yiri Xuseen Caydiid oo wareysi siiyey weriye ka socday Telefishinka FOXNEWS. “Mareykanku waa inuu duqeeyaa Soomaaliya si aad u daran deg degna ah” ayuu raaciyey hadalkiisa. Xuseen Caydiid waa nin ka xun dhibka gaaray Mareykanka isla markaana dalbaya dhib gaara shacabka Soomaaliyeed. Weli lama maqal Xuseen caydiid oo ka hadlaya dhibaatooyinka haysta umada Soomaaliyeed. Mar walba oo uu soo hadal qaado wuxuu sheegaa iney lagama maarmaan tahay weerar mareykanku kusoo qaado shacabka Soomaaliyeed.
Hadaba waxey ila tahay in Xuseen Caydiid yahay Askari Mareykan balse noqon kara Muwaadin/Hogaamiye Soomaaliyeed hadii uu ka tanaasulo cadaawada uu u qabo bulsho weynta Soomaaliyeed isla markaana wax ka bedelo siyaasadiisa lidiga ku ah jiritaanka, horumarka, danaha iyo amaanka Umada Soomaaliyeed.
W.Q. Mohamud Yusuf Garre
yusuf22@lycos.com
Somali Warlords See Anti-Terror Role
The Habar Gidir clan
AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid ugaara qoraaga kusaxiian, kana tarjumi maayo aragtida Qandala Home
Copyright © 2001 By Qandala.