Qandala Home                                           Beesha Cali Saleeban
BAARITAAN IYO QIIMAYN QOTO-DHEER KADDIB TOLKA CALI SALEEBAAN WUXUU KU TALINAYAA IN XAL-HAGAAGSAN LOO HELO MAJARO-HABOWGA UU LA YIMID HOGGAANKA MGPL
C/rizaq Salad qandala2qandala@hotmail.com UK
Febraayo 9, 2001
Sidaan la wada socono, markii aan 8 sano ku jirnay burbur iyo qaran la’aan sababtay dagaalo sokeeye kuwii ugu xumaa, kana sii daraya , aayatiinka soomaaaliya ku ururay booraan dheer oo mugdi ah, dalkiina u kala jajabay qaybo aan isdhexmar iyo isbadbaadin lahayn , dunidiina ka huleeshay kana samirtay xal u helida soomaaliya,
Waxaa Isimada,Guurtida,Waxgaradka, Aqoonyahanka, Haweenka iyo Shacabka isir wadaaga ah ee Puntland 1998dii go’aansadeen shir wayne lagu suuro galiyo nidaam dowli ah oo heer gobol ah, si looga baxo Fowdada,looga gaashaanto xaaladaha qalafsan ee jira, bulshadana hantidooda loogu horseedo daryeel iyo horumar la taaban karo, maadaama nabad iyo barwaaqo ka jireen gayiga puntland. Riyadaas qaaliga ahayd waa rumawday, waxaana eber laga alifay maamul goboleedka magaciisu hada jiro, kaas oo loo xilsaaray in uu siyaasad hufan iyo la tashi ku hogaamiyo qaybtan (zone) sabatabaxa ah, una howlgalo dibu heshiisiin soomaaliyeed si dib loogu umaamado qaran loo dhan yahay, kuna dhaqma hanaanka federaalka, iskana ilaaliya wax kasta oo shaki iyo shuhubo abuuri kara gudaha iyo dibadaba.
Hase yeeshee, waxaa nasiibdarro ah in hogaanka MGPL oo loo mudeeyay 3sano,hadana waqtigii 6 bilood uga harsan tahay, uu noqday mid lagu hungoobay markuu hanan waayey ammaanadii,himiladii shacabkana duleediyey.
Hadaba, shirar mudo bil ah u soconayey beelaha tolka C/S, ayna ka qayb galeen Guurtida, Waxgaradka,Aqoonyahanka,Culima’udiinka iyo ganacsatada , waxaa lagu lafaguray, lagu qiimeeyay talona laga gaaray xaaladaha guud ee jira, iyo gaar ahaan sidii mustaqbalka looga gaashaaman lahaa musuqmaasuqa iyo marin habaabinta hogaanka maamulka PL.
.Tolku isagoo hore adkaysi wayn ugu yeeshay, hoosna aan u eegin qiimayndaro, qadarinla’aan,, ilhaano iyo dhibaatooyin isdabajoog ah horena aan loo filihayn uu kala kulmay hogaanka maamulka PL, balse xeerinaya, aadna u xaqdhawraya xasiloonida iyo xiriirka wacan ee uu tolku la leeyahay tolalka kale ee dhib iyo dheef wadaagba yihiin, isagoo danihiisa gaarka ka hormarinaya mida guud , ayidsan maamul xalaal ahi inuu ka jiro geyiga PL, wuxuu talo ku gaaray qodobada hoos ku qoran:
· Markuu arkay in hogaanka MGPL ku sifoobay danaysi xad-daaf ah, amar kutaaglayn,kelitaalisnimo, gobolaysi, adeegsi qabyaaladeed, qaraabokiil, qarandiidnimo, caburin , curyaamin bulsho iyo waxqabad la’aan.
· Markuu odarosay in aan dib dame loo aamini karin hogaanka MGPL ,dadkana dulqaadkii ka dhamaaday .
· Markuu arkay in khayraadkii badaha cadow dool ku yimid loo fasaxay, iyadoo la dhaafsaday SANDAREERTO ( SANDAREERTADA SACU SOOR MOOD WAASE LUGU SABAY), saboolkii meraroodu bada ahaydna ay indhowaale quus la fadhiyeen.
· Markuu ogaaday in hogaanka MGPL aad ugu dhego nuglaaday yeerisyada nacabka soomaaliyeed waxay doonaana k fushadeen kuwaas oo horeuguhungoobay codsiyo ay u soo bandhigeen madaxdii hore ee Qaranka.
· Markuu ka yaxyaxay sida loo curyaamiyey cagtana loo saaray MashruuciiSharjah Airport ee Boosaaso ku yeelan lahayd Goroon diyaaradeed oo caalami ah.
· Markuu ka damqaday Mashruucii balaarinta Daayctirka iyo Qalabaynta Dekada Boosaaso oo loo quuriwaayey lana horjoogsaday loona fasaxay Gobolkale oo ah (Berbera)
· Markuu ka anfariiray Mashruucii Danida ku balaarin lahayd kuna dayactiri lahayd wershada Xooga Koranta ee Boosaaso iyo Qardho, islamarkaana laga goostay shidaalkii yaraa ee lagu kabi jiray loona fasaxay (Hargeysa).
· Markuu ogaaday in hogaanka MGPL diiday fulinta Mashruucii Dariiqa Boosaaso iyo Qandala iku xira, kaas oo daraasadiisu dhamaatay lacagtiisana uu diyaariyey Midowga Reer yurub (EU).
· Markuu ka yaabay aragtida xun ee lagu horjoogsaday mashruucii weynaa ee Biyo helida iyo Beero tabcashada ahaa ee CARMO PROJECT, fayska kowaadna lagu bixin lahaa $1,000,000(hal malyan doolar).
· Markuu qiimyey in Kismaayo Gacanta ka baxday intii hogaanka MGPL uu jiray lana aaminsan yahay inuu lugsiyaasadeed ku lahaa, sidaana raali kanoqday iyadoo lagu xumaynayo shaqsi qur ah hogaanka MGPL necebyahay isna barbar dhigay Jubba- land iyo Qof.
· Markuu istusay kaalintii qalafsanayd ee hogaanka MGPL iska taagay shirwaynihii Carta ee dalka jabuuti, halkaana cadburo ah iyo saami wayn kaga baaqday gayiga PL, markii uu xoriyadda ka qaaday dadkii shirkaa uga qeybgali lahaa,
· Markuu arkay sicir bararka cayraynta iyo dhaca ah ee ay sababtay Lacagta been abuurka ah ee uu soo daabacday hogaanka MGPL, laguna bedeshey hantidii umadda,
· Markuu arkay in hantida xooga leh ee laga qaado shacabka PL ay kordhisay qayilaad iyo qashin, kolkay dad aan waxba qaban, qabana Karin intooda badani jeebka u gashay, waxna looga qoondeyn arimaha Bulshada ee xasaasiga ah sida caafimaadka dad iyo xoolo wax-barashada biyaha IWM, faraqana loogu shubay wufuud dibadeed oo lacag doon ah,halka dhabarka loo duwey ama laga seexday siyaasi halgamaa ah, una dhashay PL,
· Markuu xaqiiqsaday in aan hogaanka MGPL ehel u ahayn ayaaha dalkan xilkiina la kufay, horena loogu qaldamey, iminkana uu cadaystay in uu weli danaynayo inuu sii ahaado hogaanka MGPL,farina ka qodnayn hadafkiisa,
· Markuu xaqiiqsaday in aan hogaanka MGPL soo weynayn,aqbalayn, kana soo horjeedo in aqoonyahanada Puntland wax horumar ah ka sameeyaan geyigan, aan ahayn kuwa uu isagu rabo,
· Markey cadaatay in hogaanka MGPL diyaar u ahayn in uu arimaha xasaasiga ah ee dalka kala tashado Isimadii,Waxgaradkii, Aqoonyahankii iyo Bulshowayntii xilka u dhiibatey,
· Markuu arkay in hogaanka MGPL u arkay geyiga PL dal la helay oo aan ehel lahayn,
· Markuu arkay in hogaanka MGPL kasban waayey hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan PL, gaar ahaana kuwa Boosaaso ku amray inay garoowe degaan, lana arko inuu magaalo kale u sii rari doono, dabkana ka seexiyey boqolaal qoys,
· Markuu arkay in hadana hogaanka MGPL amar ku bixiyey in NGOyada lokalka ah ee gobolka Bari la baabi’iyo, lana abuuro kuwa hor leh oo ka howlgala gobolo kale,ayna ugu muuqato in aan gobolka bari u baahnayn wax hour mar ah,
· Markuu arkay inay nasiibdaro tahay in aan hogaanka MGPL ka warqabin in waqti dhow aan wax gaadiid badeed ahi ku soo xiran doonin dekeda Boosaaso bacaad iyo qashin qariyey darteed.
· Markuu arkay sunta halista ah ee ka soo butaacaysa xeebaha Puntland iyo cabashada shacabka, iyo sida Hogaanka MGPL dhegaha uga qabsaday inuu ka hadlo,sidaana raali uga yahay,
· Markuu arkay fidmada xun ee uu ka dhex abuuray culima u diinka iyo kala jeclaysiga uu kula dhaqmo, ayna tusaale u tahay shilkii xumaa ee ka dhacay Buurtinle, kaasoo lagu laayey laguna dhaawacay dad culimo ah,
· Markuu arkay sida hogaanka MGPL isaga horkeenay bulsho weynta Puntland, isagoo uga faa’iidaysanaya doorashada soo socota,
Sidaas darteed, Baaritaan iyo qiimayn qoto-dheer kaddib Tolka C/saleebaan wuxuu ku talinayaa in Isimada Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo Dhamaan Bulsho weynta isir wadaaga ah ee Gobolada iyo Degmooyinka Geyiga Punland ay u midoobaan sidii xal hagaagsan loogu heli lahaa majaro habowga uu la yimid hogaanka MGPL.
Waxa bayaaankaan saxiixay Nabadoonada , waxgaradkam aqoonyahanka , dhalinyarada Beekaha C/saleemaan ee magacyadadoodu hoos ku qoran yihiin
NABADOONADA
1. Shire Yuusuf Max’ed
2. Saciid Bile Cabdalle
3. cabdi Salaad Muumin
4. Abshir Cismaan xirsi
5. saalax C/salaan Axmed
6. Cabdalle aw yuusuf
7. Mire Xaaji Saciid
8. Xasan Dhufub
9. Mahad Qaalid Cali
10. Max’ud Jaamac
11. Hayaan Saalax Ismaaciil
12. Max’ed Yuusuf X. Cali
13. Raage Bille
14. Yuusuf Axmed
15. C/kariim Saciid C/samad
16. Siyaad Maxamed Bilcil
17. Max’ed Ismaciil Dawaarig
18. Qaxiye Ciise Max’ud
CAAQILO
19. C/qaadir Max’ud
20. Salaad Ciise Rooble
21. Salaad Cali Max’ed
22. Gurxan Daad Cali
23. Xuseemn Cali Dheere
24. Hiirad Maxamed Samantar
25. Max;ud Max;ed Firin
26. Saciid Cumar Jamac
27. Saciid Ciise Faarax
28. Maxamud Bootan
29. Cismaan Max;ed Cabdale
30. Aadan C/maan
31. Axme Yuusuf Max’ed
32. Ciise Cumar Deer
33. Ismaaciil Gurigube
34. Jaamac Saciid Xuseen\
35. Axmed Cartan ?Max;ed
36. Qooqaani
37. Cumar Ibraahin bilcil
38. Xasan Xaaji Faarax
39. Cisman Dubbe Roaoble
40. Max’ed Axmed Xaaji Saciid
41. Salaad Guul Cabdale
42. C umar Geesdiir
43. Axshir Idiris Cali
44. Faarax Xasan Cadoosh
45. Yuusuf Max’;ed
46. Max’ed C/kariim
47. Sheebe Sh. Max;ud
48. Max’ed Xirsi
49. C/laahi Axmed Yuusuf
50. Fariid Xussemn Calui
51. Xasan Afdhaal
52. Ciise Xolod
53. Salaad Xaaji Max’ed
54. Faarax Kuwait
55. Faarax Saciid Cali
56. Cali Max;ed Ismaacill
57. Axmed Xaaji Yusuf
58. Saciid MAx’ud Shire
59. Guul Ismaaciil abdale
60. Max’ud Cabdulaahi saa;lax
AQOONYAHANADA
61. Dr/ Siyaar Dable
62. Dr. Xasan Mahdi Xasan
63. Dr. Faarax X. Saciid
64. Dr. Yusur
65. Dr. Ismaciil Ciise Rooble
66. Eng. Cali ismaaciil
67. Cap. C/shakur Mire Aadan
68. Cap . Ciise Xaaji faarax
69. Dr. Maxamed Mire Saciid
70. Dr. Muuse Xaaji Abees
71. Dr. Muse Maxamed Yuusuf
72. Eng. Sacid Macalin
73. Dr. Ashir Saciid Faarax
CULIMAA;U DIIN
74. Sh. Max;ed Ismaaciil
75. Sh. Saciid Yuusuf Saciid
76. Sh. Axmed C/lahi Saciid
77. Sh. Yuusuf Cismaan Ismaacil
78. Sh. Liibaan Maxamed Saleemaan
79. Sh. Bashiir Sh. Max;ud
80. Sh. Cabdale Xasan Cabdale
Qoraalkaan kala xiriir C/rizaq Salad qandala2qandala@hotmail.com UK


Copyright © 2001 By Qandala