Qandala Home                                          Beesha Ciise Maxamuud
BAYAANKA SHIRWEYNAHII HOLLAND EE BEESHA CIISE MAXAMUUD
Feb 27, 2001
Waxaan halkaan idinku soo gudbineynaa dareenkayaga ku saabsan arrimaha murugsan ee Puntland, J. Hoose, iyo guud ahaan Soomaalia.
Dareenkaan waxuu uu ka dhashay Shirweyne ay isugu yimaadeen xubno ka tirsan Jaalliyadaha deggan Yurub iyo Waqooyiga America ee beesha Cisse Mohamud; Bishaan Febraayo 13keedi illaa 21keedii, ee sannadkaan 2001.
Isla markii shirku bilowday ama bilawgiisiba wixii ugu horreeyay oo uu Shirku ku baaqay, wufuudu na isku raaceen wuxuu ahaa in ay taageersanyahiin, aaminsanyahiina, in jiritaanka iyo midnimada shacabka reer Puntland uu yahay Muqadis aan cidna fara galin karin. Si bareero ah waxaan uga digeynaa cid kasta oo isku dayeysa fara galin ku wajahan dagaannada Puntaland, waxaan ku adkeynaynaa shaacabka reer Puntland, in ay danahooda iyo Jiritaaankooda wax kasta ka hormariiyaan.
Sidoo kale shirku wuxuu ku baaqay in ay xoogagga isbahaysiga ee xaqdarrada ku heysta Kismayo, si deg deg ah uga baxaan, isla markaasna ka waantoobaan dilka iyo dhaca joogtada ah ee ay ku hayaan dadka aan waxba galabsan oo guryahoodii loogu yimid.
Ka dib markii la dhageystay dooda dhaadheer, warbixinno, talooyin dhammaan ay soo jeediyeen wufuudii shirka ka soo qeybgashay, waxaa noo soo baxay dhaliilaha soo socda oo ku wajahan maamulka Puntland:
1. Waxqabad la'aan dhinaca horumarka bulshada Puntland sida: Waxbarashada, caafimaadka , xanaanada xoolaha, iyo ceelasha biyaha.
2. Khilaaf joogta ah oo ku dhex jira shacabka reer Puntland iyo maamulka, taas oo maamulku ku eedeysanyahay, markii la fahmi waayey ujeedooyinkiisa siyaasadeed, dhaqaale, iyo difaaca xoreynta degaaanka Jubbada Hoose.
3. Maamulka oo iska indha tiray af iyo maalba waajibaadkii ka saarnaa xoreynta Jubbada Hoose.
4. Ku tagrifal dhaqaalaha ummada reer Puntland, taas oo maamulku u fidiyo dadyow kale ama shakhsiyad dan gaar ah laga leeyahay.
5. Maamulka oo aan la hayn aragti caafimaad qabta oo ku wajahan mustaqbalka Puntland iyo Jubbadda Hoose.
6. Maamulka oo hadda ay siyaasado-wadaag yahiin cadowga koowaad ee Puntland, taaso burinaysa axdigii doorashada hoggaanka Puntland
7. Waxaa kaloo maamulka uu ku khasiray dhaqaale aad iyo aad u faro badan shirar isdaba joog ah oo aan la aqoon danaha laga leeyahay. Waxaa marar badan Hoogaanka maamulka loo soo jeediyey in uu dhaqaalahas u jeediyo dhinaca danaha ummadda.
8. Ka dib markii ay suganaatay in la boobahayo ama la marinayo khayraadka kaydka ahaa oo baadihi shirkado ruqso loo siiyey, illaa haddana aan loo soo gudbin Golaha Baarlamaanka warqadihii ama dokumentiyadii heshiisyada , arrimahaas oo qarsoodi ah si dhaqaalaha ka soo baxa loogu isticmaalo waxyaabo gurracan.
Qodobbada aan kor ku soo xusnay iyo kuwa ka badan, waxay markhaati ka yahiin in maamulka Puntland uu dhumiyey masuuliyadii ka saarnayd shacabka, dhulka Puntland iyo Jubbada Hoose. Sidaas darteed madaama ay dhuntay kalsoonidii shacabka ay ka qabeen maamulka waxaan soo jeedinaynaa in Golaha Issimadu ay arrintaas si deg-deg ah wax uga qabtaan.
Waxaan kaloo soo jeedinayanaa maamulka Puntland in uu iska illaaliyo, firo gaar ahna u yeesho maslaxada iyo danaha gaarka ah ee mustabalka shacabka Puntland, iyo Jubbada Hoose in uu ceel ku rido aan laga soo saari karin. Taas oo nooga iftiintay, markii aan maqalnay in shir lagu qaban doono magaalada Garoowe. Shirkaas oo aan lagala tashan Golaha Issimada iyo shacabka. Waxaan aamminsannahay in aysan munaasab ahayn in maamulku martiqaad u fidiyo dadkii shalay gumaaday walalahayo, waalidkayo, caruurtayadii, haddana ay gacantooda ku jirto Kismayo, walina u malabsanaya naftayada, maalkayaga, iyo dhulkayagii intiisii kale. Waxaan leenahay dhagar qabayaalow, dhulkayaga ha soo gelina.
Waxaan ku kalsoonahay aragtiyahaan kor ku xusan in ay nala qabaan dhamaan dadka ay khusayso.
F.G. Bayaankaan wuxuu ku banaanyahay magaca Beesha soo saartay ee kor ku xusan. Waxaan codsanaynaa in aan cidna si khalad ah u tarjumin ama uga been sheegin, iyado laga duwayo ujeedadii laga lahaa.

Qoraalkaan kala xiriir: KAROD@prodigy.net


Copyright © 2001 By Qandala