Qandala Home                                             Qandala PSS
BAYAAN UU SOO SAARAY BEELDAAJE XAAJI CABDULLHAAHI BEELDAAJE

Waxaan akhristayaasha Gobolada Puntland u soo gudbinayaa bayaan uu soo saaray beeldaaje Xaaji C/laahi Beeldaaje Maxmaed Beeldaaje Ismaaciil, oo ah isim ahaa in ka badan 60 sano, kana mid ah isimada tirada yar oo ka nool isima dhaqameedyadii goboladaan Caanka ka ahaan jiray.

Bayaanka Beeldaajaha oo ka tarjumayey dareenkiisa, wuxuu u qoran yahay sida tan soo socota:

Anigoo ah Beeldaaje Xaaji C/laahi beeldaaje Max’ed Beeldaaje ismaciil, Waxaan salaan diirran u soo gudbinayaa dhamaan dadweynaha reer P/L, anoo ugu hambalyaynaya Barwaaqo iyo Bash-Bash.

Waxaan sidoo kale uga mahad celinayaa Beesha Cali saleebaan, Shirwaynihii ay ku qabteen Carmo 2dii ilaa 6dii june ,2001.kaas oo si wanaagsan loo abaabulay, talooyin wax ku ool ahina ay ka soo baxeen, dadweynaha gudaha iyo dibaduna ay aad ugu riyaaqeen.

Waxaan kale oo aamin sanahay in Shirkii Garoowe lagu qabtay1998dii, oo lagu dhisay D/G/P/land ee Soomaliya, uu ahaa mid dhaxal gal ah, oo gacan weyn ay ka geesteen Isimada, Siyaasiyiinta, Culimaa’u diinka, haweenka, uu noqday shirweyne Hartiyeed oo wax ku ool ah.

Haddaba iyada oo ay dhamaatay mudadii 3da sano ahayd ee dhismaha D/G/P/Land, Waxaan ku talinayaa aniga oo leh Khibrad Isimnimo, oo 60 sano ah, in wixii Bulshada dhib uga imaanayso laga dheeraado.
Waxaa iga talo ah qodobada soo socda
In axdiga P/Land la dhawro.
In Isimau aanay ku deg degin Go'aanno aanay Bulshadu raali ka hayn
In doorasho aan la qaban karin balse qaabkii ergooyinka la samayo sidii 1998dii
In doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ay doorasho ergo ku timaado
In Isimadu ay xaq dhawraan dadweynaha ay wakiilka ka yihiin, oo talada wax ka siiyaan
Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi Beeldaaje
Shirkii Garoowe Beeldaaje Xaaji C/laahi Beeldaaje Maxmaed Beeldaaje IsmaaciilQandala Home

Beeldaaje Xaaji C/laahi Beeldaaje Maxmaed Beeldaaje IsmaaciilQandala Home


Qandalo@yahoo.com
Copyright © 2001 By Qandala.
Khadar Jacfar