Qandala Home                           Qandala PSS
LACAGTII DEKADDA BOSAASO LACAGA DHACAY OO WALI BADANKEED LA LA' YAHAY, IYO QORYO LAGU SOO CELIYAY SALDHIG LAGA DHACAY.
Sahan Bosaaso.
Lacag dhan 12,275:00 doolar oo nin ka tirsanaa ciidanka amaanka ee dakada Bosaaso la sheegay in uu kala baxay khasnadda lacagaha qalaad ee dekadda 11kii bishan, kadib markii uu qori ku qabtay khasnajigii halkaas joogay ayaa warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in la helay saddex kun iyo hal boqol oo ka mid ah lacagtaas kadib markii odayaal iyo waxgarad ay qaraabo yihiin ninka lacagta qaatay kaga daba tageen kana soo qabteen magaaladda Qardho, iyadoo wararku sheegayaan in lacagta ninkaasi qaatay guud ahaan ay ahayd intaas, halka kuwo kalana sheegayaan in intii kale uu lunsaday.
Khasnajigii hayay lacagtaas ayaa isagu ku xiran dekadda Bosaaso iyadoo wiilkii lacagta lacagtan laga qabtayna uu haatan ku sugan yahay magaalada Bosaaso.

Sidoo kale saddex qori oo isla 11kii laga dhacay saldhigga Biyo kulule ee magaalada Bosaaso ayaa la soo celiyay, sida uu sahan u sheegay gudoomiyaha gobolka bari, Yaasiin Cumar Dheere, wuxuuna gudoomiyuhu intaas ku daray in uu qoryahaas dib ugu wareejiyay taliyihii saldhiggas iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Booliska.

Soo celinta lacagtan iyo qoryahan ayaa caro xoog leh oo shacabka buntilaan ka caroodeen dhicii loo geystay hantidda ka sokow, waxaa wararku sheegayaan in arrintan uu caddaadis saaray yuusuf Xaaji Nuur oo nin odayaal ka tirsan beeshiisa hoose u sheegay in uu is casili doono haddii aan la soo celin lacagta iyo qoryaha la dhacay.
sahan@netcostg.com
Copyright © 2001 By Qandala.