Qandala Home                           Qandala PSS
Go'aankii u horeeyey ee kasoo baxa Xafiiska Cabdulahi Yuusuf siduu Gaalkacyo ugu soo wareegay
Qandala PSS
Go’aan ka soo baxay Golaha Xukuumadda D.G.PL
Fadhi uu yeeshay Golaha Xukuumadda PL 12/08/2001, Magaaladda Galkacyo waxaa lagu falan qeeyey xaaladda adag ee ka taagan Degaanka PL.
Horudhac
Khatar weyn ayaa soo foodsaartay DGPL, khatartaas oo ay abaabuleen isuna bahaysteen kooxo ay ka mid yihiin:
Kooxda xag jirka ah ee Al-itixaad oo muddaba ku taamaayey awoodda Soomaaliya in ay la wareegaan gacana ka helaan meelaha kala duwan
Kooxo u adeegaya Carta oo ka amar qaata Muqdisho lagana taakuleeyo, ujeeddadooduna tahay in ay shanta Gobol iyo Buuhoodle oo PL ka koobantahay mid mid u kala gooyaan kuna xiraan kooxda Carta oo Xamar fadhida oo hadda sal dhig bulsho oo ay Dawlad ku noqdaan lahayn si ay saldhig uga dhigtaan bulshada iyo Goboladda PL.
Koox Isimada Puntland ka tirsan oo khilaafay Go’aankii 60 Isim, kabadan oo reer Puntland ah gaareen ku-waas oo lagu hawlgaliyo u jeeddooyin ka qarsoon.
Xoogaagaas is bahaystay ee kor ku xusan waxay dhaawaceen nidaamkii iyo habkii maamul ee DGPL, gaar ahaan Degmadda Boosaaso oo ahayd Dagaan muhiim u ah DGPL.
Haddaba, xaaladahaasi haday dhaceen waxaa goleyaasha Dawladda guud ahaan maamulka PL iyo Bulshadaba khasab ku ah in ay difaacaan jiritaanka iyo kala danbaynta dariiq kastana loo maraa si arrintaas wax looga qabto. Siddaas awgeed, waxaa lagaaray go’aamadda soo socda:-
B) Siyaasadda Gudaha:
Dawladda Puntland ayaa ah xukuumadda sharciga ah ee ka jirta Deegaanka Puntland Dadweyuhuna taageersan yahay
Waxaa la cadaynayaa in ay Caasimadda Puntland ee Dastuuriga ah ay tahay Magaaladda Garoowe hadana si ku meel gaar ah loogu shaqayn doono Magaaladda Gaalkacyo inta xaaladdu ku soo noqonayso kala danbay.
Waxaa dhamaan xubnaha Gole yaasha Dawladda Madaxda iyo shaqaalaha Dawladda, Madaxda Gobolada iyo Degmooyinka iyo dhamaan Ciidamadda iyo Madaxdooda la farayaa in ay ilaaliyaan kala danbaynta hawlaha Dawladda ee ay u xil saran yihiin.
Isimada PL ee go’aamiyey jiritaanka PL in ay u istaagaan sidii loo ilaalin lahaa jiritaanka PL ayna qaataan kaalinta Bulsho ee ay leeyihiin.
In aan gudaha PL lagu qaban karin shir lagu bur burinayo PL cidii qabatana ay masuul ka tahay wixii ka yimaada.
T) Dibadda
Hay’adaha Caalamiga ah iyo NGOS-ka ka shaqeeya Deegaanka PL in ay wadaan shaqadii ay ka hayeen Deegaanka PL waxaana looga digayaa in ay xiriir iyo wada shaqayn la yeeshaan Dad ka baxsan Maamulka PL sharcina ku dhisnayn, ciddii ka mid ah Hay’adahaas oo ka tilaabsata nidaamka iyagaa ka masuul ah wixii ka yimaada.
Waxaan soo dhaweynaynaa cid-allaale ciddii gacan nagu siineysa bad-baadinta iyo Amniga Puntland.
Waxaan eedeyn iyo canbaarayn kulul u soo jeedinaynaa qaar ka mid ah Dawladdaha Carbeed oo siiya dhaqaale Al-itixaad iyo Carta oo ku xad gudubtay balan qaadkii ahaa nabadeynta una badashay xasuuq Bulsho sida ka dhacday Kismaayo iyo isku day Bur burin Maamulladii jiray sida PL iyo SL, iyaga oo u adeegsatay dhaqaalihii ay bixiyeen Dawladdo Carbeed, haatanna arrinta Soomaaliyeed u Baddalaya Dagaal sokeeye oo keena bur bur hor leh oo dhamaystiran haddaba, waxaanu ka codsanaynaa Ururada Caalamiga ah sida. UN, OAU, OIC, AL, E.U IGAD iyo Duwalka Aduunkuba ka hortagaan taageerada dhaqaale iyo ciidan ee ay siinayaan Dawladdahaas Carbeed kooxda Carta iyo Al-itixaad ee lagu bur burinayo Soomaali inta ka hartay.
Waxaa dhamaan jaaliyaddaha Reer Puntland ee ku nool Dibaddaha loo soo jeedinayaa in ay ka qayb qaataan dhinac fikrad iyo dhinac dhaqaalaba bad baadinta Puntland.
Cabdullahi Yuusuf Axmed
Madaxweynaha Dawladda
Copyright © 2001 By Qandala.