Qandala Home                           Qandala PSS
Qof Ku Dhintay Iska Hor Imaaydo Ka Dhacay Garowe
September 2, 2001.  Boosaaso, Somalia.

Boosaaso -  Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen iska hor imaaydo ka dhacay Magaalada Garowe ee Xarunta u ah Ismaamul Goboleedka Puntland.
Iska hor imaadkaan ayaa la sheegayaa inuu dhex maray taageereyaasha labada musharax Jaamac Cali Jaamac iyo Cabdi Cabdulle Saciid (Jiniboqor).  Jiniboqor ayaa HornAfrik u sheegay in kooxdiisa la soo weeraray halka qolada kalena ay ka sheegayaan in ay arrintu ku bilaabatay laba wiil oo ismaandhaaftay balse aanu weerar jirin.  (Cabdirisaaq Sh. Aduun - Boosaaso

 Copyright © 2001 By Qandala.