Qandala Home                           Qandala PSS
QODOBADA AXDIGA EE WAX LAGA BEDALAY.
Wargeyska Al-wadan          Khamiis 6Sept,2001
Waxaa jirta in loo xilsaaray aqoonyahano, garyaqaano ah inay soo akhriyaan, fiiryaana Axdigii beeluhu ku heshiiyeen 1998, qodobadiisa xasaasiga ah dib uhebeyna ku sameeyaan wixii lagu kordhin karo, iyadoo la soo hordhigi doono ergooyinka marka shirku furmo dabadeedna ansixiyaan, wixii lagu soo kordhiyay ama laga nusqaamiyay . Qodabada la cadilayna waa sidatan:-

Qod 6.6 Waxaa lagu kordhiyay haddii hey'ad dowladeed qof kula dhaqanto si aan sharciga waafaqsaneyn dhibaatana ka soo gaarto, waxaa la siinayaa dhibanaha magdhow loo raaciyo ciqaab iyo madaninimo mas'uulka dowladeed ee falkaa amray ama fuliyay.

Qod 8.5 Waxaa lagu kordhiyay goluhu wuxuu fadhiga ugu horeeya ku magacaabayaa laba garyaqaan oo ku kala takhasusay shareecada Islaamka iyo qaanuunka oo ka baxsan howlwadeenada dowladda oo xubno ka noqda maxkamada dastuuriga.

Qod 9.3 Waxaa lagu kordhiyay waa inuu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare oo la xaqiijiyay, ama aqoon diineed iyo waayo-aragnimo shaqo oo aan ka yareyn toban sano, kuna leh sumcad fiican bulshada dhexdeeda.

Qod 9.5 Maalinta dib loo ansixiyo axdigan iyo waxa ka bedelkiisa waxaa si rasmi ah u jiritaan beelay 30/06/2001 Golihii wakiilada iyo Golihii xukuumada ee PL ee hore, iyo xeer kasta oo ka soo horjeeda ama la socon Karin axdiga .

Qod12.3. IV. Shuruudaha Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ; waa inuu caafimaad qabo , miyirkiisuna taam yahay, aqoontiisuna gaarsiisan tahay heer jaamacadeed.

Qod12.4 Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu waxaa lagu dooranayaa shirweynaha dastuuriga ah ee 2-aad.

Qod 12.5 (XVI) Madaxweynaha muddo 30 casho gudahood ah laga bilaabo maalinta xukuumada la dhiso wuxuu ku magacaabayaa ka dib markuu dhegeysto talada Golaha wasiirada laba garyaqaan oo xubno ka noqda maxkamada dastuuriga ah kana baxsan howl wadeenada dowlada, kuna kala takhasusay shareecada Islaamka iyo qaanuunka.

Qod 12.6 Madaxweynaha dalka kama maqnaan karo  in ka badan 45casho.

Qod12.7 Haddii uu geeriyoodo madaxweynaha ama sabab kasta awgeed xilkiisa gudan waayo muddo 30maalmood gudahood ah waxaa xilka sii heynaya ku xigeenka Madaxweynaha Golaha wakiiladuna waxay ku soo dooranayaan Madaxweyne cusub muddo 30 casho ah.

Qod 13.5  (VI) Abaabulida iyo taakuleynta howlaha tirakoobka guud iyo qorsheynta shaqada gudigga doorashada muddo hal sano  gudaheeda laga bilaabo taariikhda lagu dhawaaqo  dhismaha xukuumada .(VII) Abaabulida iyo taakuleynta howlaha gudigga dastuurka iyo diyaarinta aftida lagu ansixinayo dastuurka muddo lix bilood gudaheed ah laga bilaabo taariikhda lagu dhawaaqo dhismaha xukuumada .
(VIII)  Abaabulida iyo soo saarida xeerka ururada bulshada ee ku qeexan qodobka 6.2 xarafka (T) muddo lix bilood gudahood ah, oo ka bilaabanta maalinta lagu dhawaaqo dhismaha xukuumada .
(IX)  Abaabulida iyo dhameystirka xisbiyada siyaasiga ah oo tiradoodu aanay ka badnayn saddex ilaa shan xisbi , muddo hal sano gudahood ah oo ka bilaabanaysa maalinta xukuumada la dhiso.

Qod.20.3  Gudoomiyaha maxkamada sare waxaa lagu dooranayaa shirweynah dastuuriga ah ee labaad.

Qod 21.3  Xubnaha maxkamada Dastuuriga ah waxay jirayaan muddo afar sano ah oo ka bilaabata taariikhda xilka  loo dhaariyay.

Qod 21.4 Waxaa lagu kordhiyay shareecada Islaamka, waana in lala socodsiiyaa Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Qod 21.6  In loogu kordhiyo doorka xeer ilaaliyaha.

Qod 27.1 Waxaa loo bedelay haddii iskhilaaf shuruuc yimaado qeexida sharciga la raacayo waxaa awood u leh maxkamada dastuuriga ah.

Qod 35.3  Hadii waxa laga bedelo qodabada axdiga ogol yahay oo ay ka dhalato xuquuq ama awood cusub nooc kasta oo ay tahay ma khusayn karto golaha Wakiilada iyo golaha Xukuumada markaa jira, hase ahaatee xuquuqdaas waxaa ka faa'iidaysan kara awoodaasna yeelanaya golayaasha ka dambeeya ee la dooran doono.                                  

   Al-wadan
Wargeyska Al-wadan          Khamiis 6Sept,2001
Khadar Jacfar  Qandalo@yahoo.com
Copyright © 2001 By Qandala.