Qandala Home                           Qandala PSS
WAREYSI AAN LA YEELANAY GUDOOMIYAHA GUDIGGA QABANQAABADA SHIRWEYNA HA 2-AAD EE DASTUURIGA AH EE DGPL.
Waxaan noo suurto gashay inaan wareysi la yeelano Gudoomiyaha gudigga qabanqaabada ee shirweynaha 2-aad ee dastuuriga ah MGPL, Mudane Muuse Faarax Xeyd, oo aan ka wareysanay arrimo badan oo la xiriira shirweynaha, waxa sababay dib u dhiciisa iyo guud ahaan howshii ay soo qabteen mudadii loo magacaabay xilka.Wareysigiina wuxuu u dhacay sidatan:-

S     Mudane Gudoomiye maadaama uu furmay shirweynihii labaada ee dastuuriga ahaa ee maamul goboleedka PL 26kii bishii 8-aad maxay yihiin caqabadaha hortaagan?

J     Sida aad u sheegteen shirkweynihii 2-aad ee dastuuriga ahaa ee DGPL wuxuu furmay 26kii bishii 8-aad 2001 sida uu ku furmay iyo wanaaga uu lahaana waa wax la og yahay hada intan ayaamahan ilaa 26ka ilaa maanta aad I wareysaneysaan waad ogtihiin, reerku maanta haduu dego sida qaalibka ah howshiisa xaalxaalka ah  todoba casho kama yaraato hadba ood baa meel laga soo guraa marba kedin baa la gufeeyaa  marba waxbaa la waxeeyaa ,loxos baa la yiraahdaa ayaanta hore,  shirku waad garaneysaan intaas oo qof oo dibada ka yimid, gudo ka yimid meelo dhaadheer ka soo sadcaalay,
ergooyinkii ah kaararkii loo sameeyay, gacanta loogu hayo ,qaar badanina ay qaateen waad garan kareysaan  anagaa dadka fursad siinay haddaan nahay gudigga qabanqaabada ee shirweynaha  2-aad ee dastuuriga ah ee DGPL oo u siina dadka inay fursad u helaan  inay ergooyinka laftoodu isbartaan, wixii degmo degmo ka yimi ee khilaafaad ku dhex jiraan ee iyagu gudohaoodu  xaliyaan, insha-alaahu maantana waa diyaar reerku loxoskii waa ka baxay shirkuna si caaqibo leh ayuu inoogu furmayaa bi'idni Laahi Kariim.

S     Maadaama shirku uu furrmay sida aad sheegtay waqtiga aad siiseen in la turxaan bixiyo wixii jira inay is bartaan ergooyinka  marka sidee ayuu noqon doonaa jawiga shirku marka la gudo galo ayaad is leedahay?
J     Ee waxaanu maleyneynaa “Wacalaa niyaatikum tursaquun” ayaa Illaah yiri marka ugu horeysa qalbigeena  wanaag baan gashaneynaa  Ilaahna taas ayuu wax inagu siinayaa taasu waa qodob , qodobka labaad waxaanu maleyneynaa  ergooyinku waxaa  weeye 468 iyo 30 goobjooge 498daas waxaa kaloo jira ergooyin badan dad kale oo wax ku ool ah aqoonyahan  meelo fogfog oo dunida ah ka yimid,waxaanu shirkaa maanta isleenahay “Nin haariyo joogay waa waayo arag” marka waxaan rajeyneynaa mar haddii wixii qodxo ahaa maanta dhameynay in shirka si fiican u socdo weliba waxaan aad iyo aad, weliba inkastoo aan bil ku jaangoynay in uu shirku ku dhamaado, waxaan aad iyo aad u rajeyneynaa inuu shirku ku dhamaado muddo 20 ilaa 22 casho ah ku dhamaado oo dadku  wixii uu u baahnaa ee shirka laga rabay ka soo baxaan oo baahidaas oo ah axdigii inuu yiilay oo lagu tuman jiray  oo aynu qabsanay, dadweynuhu ku dhegay  oo wixii aanu dan u aragnay garyaqaano ayaan u saarnay ergooyinka ayaana la hor keenayaa  arrintaana dibadaa ayaa aad loogu soo munaaqashooday iyadoo bisil ayaana la horkeenayaa weyna dhamaan doontaa haddii Alle idmo laba ilaa saddex casho ayay qaadan kartaa doodeedu  baanu isleenahay waxaa kaloo ku xigi doona Baarlamaankii, Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku xigeenkii in la doorto dabadeedna howsha dadka ka hakatay ee u oomanaa shaqada xalaasha ah ee la rabay in dowladi u fuliso ummadeeda in markiiba degdeg loogu dhaqaaqo ayaan rajeyneynaa.
Wareysigaaa oo dheeraa waxaan dadweynaha ugu soo gudbineynaa wargeyska A-siyaasa dhowaan iyo cadadyada xiga ee Al-wadan.
Wargeyska Al-wadan          Khamiis 6Sept,2001
Khadar Jacfar  Qandalo@yahoo.com
Copyright © 2001 By Qandala.