Qandala Home                           Qandala PSS
Waraysi la yeeshay Musharax Muuse X. Saciid Muumin (Abees)
Mohamed Abdullahi ayaa waraysi la yeeshay Musharax Muuse X. Saciid Muumin (Abees), oo ah mid ka mid musharaxiinta ugu cad-cad jagada madaxweynanimada maamul goboleedka Puntland. Waraysiguna wuxuu u dhacay sidatan:

S.     Goormay kugu dhalatay fikrada ah inaad is sharaxdo, maxaase kugu dhaliyay?
J.     Murashaxnimadu waxay igu dhalatay kolkii Maamul goboleedkii hore ee P/L , ka marin habaabay daryeelkii iyo rabitaankii shacabka, layskana indha tiray arimaha bulshada, la xaalufiyey baddihii cadowna loo loogay, sunta Kimikada ah xeebaha lagu aasay, cagta la saaray mashaariic badan oo laga helay adduunka sida EU, Carab iyo Ururo samafal, Axdigii beeluhu ku heshiiyeenna shaqsi ul surtay, lana salaqsaday, waxgaradka P/L na igu waaniyeen inaan Musharax noqdo, iyaga oo igu qiimayey waxqabad hore.

S.     Waxaad nooga warantaa shirka Garowe iyo sida uu u socdo?
J.     Shirka Garoowe aad baa loogu hanweyn yahay, waase yare gaabinayaa, waxaanse rajaynaynaa inuu ka soo reeyo  uuna miro dhalo insha’Allaah.

S.     Goormaa laga yaabaa in madaxweyne la doorto, shirkuna dhamaado?
J.     Allaa og goorta cid la dooranayo waxaase jadwalka shirweynaha ku qoran
      21-30/09/2001.

S.     DKMG ama Kooxda Carte, qofba waa sida uu u yaqaan, ma aqoonsan tahay? Haddiise lagu doorto xiriir noocee ah baad la yeelan doontaa?
J.     Kama mid ahayn dadkii ka qaybgalay shirweynihii Carta, kamana mid ahayn kuwii dhabarka u duwey tegitaankiisa. Maamulka P/L markuu isdaryeelo, isna taago, wadatashi ayuu ku gaaridoonaa cidkasta oo lala macaamilayo.

S.     Haddii lagu doorto yaad xulufo la noqonaysaa ma SRRC, Carta, Somaliland?
      J     Hadafka P/L waa ka fog yahay xulufaysi, xushmaynta midnimadda ummadda                                                                                                                   
       Soomaaliyeed ayaana qadarin mudan.    

S.     Waa maxay xiriirka idinka dhaxeeya adiga iyo Al-itixaad?
J.     Qofkasta oo islaam ahi waa walaalkay, Ururu islaami ah oo aan xiriir gaar ah la
       leeyahay ma jiro.      

S.     Yaad xiriir dhow la leedahay dawladaha aan dariska nahay, xiriir intee le’eg ayaadse la yeelan doontaa dawlada Ethiopia?
J.     Qofkasta oo islaam ahi waa walaalkay, Ururu islaami ah oo aan xiriir gaar ah la leeyahay ma jiro.

S.     Arimaha Kismaayo sidee u aragtaa?
J.     Puntland waa Jubbaland, Jubbalandina waa Puntland, Allena ha qaddaro in cid walba degaankeedu deeqo.



S.     Sidee baad u aragtaa in dawlad qaran oo Soomaliyeed lagu gaari karro?
J.     Qaran Soomaaliyeed waxaa lagu gaari karaa in qab-qablayaasha kala qoqobay                 
      bulshada laga takhaluso, shacabkuna gaaro rabitaankiisa, qaybaha hadda loo kala
            qaybsan yahayna samaystaan maamulo dadweynaha wakiil ka ah sida P/L,
            deedna la isu yimaado lagana wada hadlo sidii hab federal ah (federal system),
            dawlad dhexe loogu dhisi lahaa, lana saxo qaladaadkii hore u dhacay.

S.     Haddii lagu doorto ma laga yaabaa in Corneyl C/laahi Yusuf aad xil u dhiibtid ama wax wada shaqayn ah la yeelatid?
J.     Haddii Alle iimmaan buuxa siiyo Cornayl C/laahi, waxba isla waayi mayno. Inkasa oo uu hadda u muuqdo hawlgab.

S.     Ma aaminsan tahay in madaxweynihii hore ee Puntland, C/laahi Yusuf, maxkamad la soo hortaago, mise waxaad aamin san tahay cafaa laahu camaa salafa?
J.     Maxkammad ka hor,  eedaynta Cornayl  C/laahi  bulshada ayey u taal.

S.     Wax xiriir ah ma leedahay musharaxiinta kalle?
J.     Haa, Musharaxiinta kale waxa naga dhexeeya walaalnimo, wada shaqayn, istixgelin iyo utoosidda aayaha dalka.

S.     Haddii aad adigu ku hartid is reeb-reebka hore, musharaxee ayaad kulla talin lahayd taageerayaashaada inay codka siiyaan?
J.     Kii aan u arko inuu aayatiinka dalka iyo dadka ehel u yahay.

S.     Waa maxay talaabooyinka ugu horeeya ee aad qaadi doontid haddii laguu doorto jagada madaxweynanimada?
J.     Maamul hagaagsan oo baahsan, Sugidda nabadgelyada, horumarinta arimaha bulshada, kobcinta dhaqaalaha, kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta miyiga, inta kale ka akhrista Barnaamijkayga waxqabad.

S.     Ma jiraan mashaariic horumarineed oo aad is leedahay ka fuli Puntland, haddii laguu doorto xilka madaxweynanimada?
J.     Haa waa jiraan waana badan yihiin, waxaana ka mid ah  biyo-nadiif ah iyo koronto joogto ah.

S.     Haddii lagu doorto soo lagama yaabo marka xiligaagu dhamaado inaad adiguna tiraahdid waxaan ku darsanayaa 3 sano oo hor leh, taas maxaa damaanad qaadaya inaysan dhici doonin?
J.     Haa waa jiraan waana badan yihiin, waxaana ka mid ah  Biyo-nadiif ah iyo koronto joogto ah.

S.     Maamulkaagu muxuu kaga duwanaan doonaa maamulkii tagay?
J.     Xulasho dad-nadiif ah oo aqoon u leh shaqadooda, Waxqabad muuqda, horumarin, kasbasho hay’adaha caalamiga ah iyo fulinta mashaariicda ay ogolaadaan, ilaalinta iyo iska ilaalinta hantida ummadda iyo wada tashi joogto ah iwm.

S.     Gabagabadii rajo intee le’eg ayaad leedahay inaad noqotid madaxweynaha mustaqbalka ee maamul goboleedka Puntland?
J.     Rajadaydu waa 90%.
Qandalo@yahoo.com
Copyright © 2001 By Qandala.