Qandala Home                           Qandala PSS
Jagooyin uu Magacaabay Jamac Cali Jamac oo xiisad iyo sii kala qaybsanaan Siyaasadeed ka abuuray Boosaaso.
Magaalada Boosaaso ayaa dhawaan wareegto uu soo saaray Jaamac Cali Jaamac uu jagooyin kala gadisan ugu magacaabay xubno cusub iyo kuwo horay loola socday intaba oo dhamaantood ay isku beel yihiin.

Jagooyinkaas iyo xubnahii loo magacaabay oo dhamaantood khuseeya magaalada Boosaaso .

waxay kala yihiin
1.
Khaliif Ciise Mudan
Guddoomiyaha Guddiga Xaalada Deg-Dega ah
2.
Axmed Gaa-Gaale
Agaasimaha Dekada Boosaaso
3.
Cusmaan Salaad
Agaasimaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso
4.
Axmed Barre
Madaxa Bangiga Boosaaso
5.
Cusmaan Cabdu Guure
Agaasimaha Arimaha Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Magaalada Boosaaso
6.
Ali Jamaac Khalaf
Madaxa Ciidanka Booliiska Boosaaso
7.
Abshir London
Madaxa Ciidanka Dambibaarista (CID) ee magaalada Boosaaso
8.
Cabdi Jaamac
Madaxa Xabsiga Boosaaso

Magacaabida Jaamac ee xubnahaan oo dhamaantood u dhashay beesha Jamac Cali Jaamac ayaa ka fajacisay dadwaynaha reer Boosaaso, iyadoo magaalada ka abuurtay xiisad cusub iyo sii kala fogaansho siyaasadeed.

Mas'uuliyiin iyo madax dhaqameedyo badan oo u dhashay beelaha kala gadisan ee deegaanka Boosaaso ayaa cambaarayn kulul u soo jeediyey Jaamac Cali Jaamac, ayagoo ku eedaynaya in magacaabida xubnahaasi ay ku salaysnayd oo kaliya eex qabiil iyo qabwayni cad oo aan la aqbali karin.
Dadwaynaha reer Boosaaso ayaa iswaydiinaya ayadoo dhawr iyo toban beelood ay ku noolyahiin deegaankaan sababta ilihii dhaqaalaha iyo xubnihii adeega bulshada loogu wada magacaabay xubno isku wada hal beel ah?

Waxaa soo baxaya durbaba soo xoogaysasho dareen ah in dad badan oo markii hore ka soo horjeeday maamulkii Cabdullahi Yusuf ay hadda diyaar u yahiin inay gacmo furan ku soo dhaweeyaan soo noqoshada maamulkii Cabdullaahi Yusuf.

Nuux Ismaciil
Waxaynu ka soo xiganay>> AllPuntland          English Version


 Xaalada Maagaalada BoosaasoQandala Home
Maxamed Saciid Cumar "Kashaawito"

Copyright © 2001 By Qandala.