Qandala Home                           Qandala PSS
TAAGEERAYAASHA MID KA MID AH MUSHARIXIINTII LOOGA ADKAADAY DOORASHADA OO GAALKACYO U ANBABAXAY
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in taageerayaasha Musharax Muuse Xaaji Abees ay shalay u anbabaxeen magaalada Gaalkacyo, xubnahaas oo la sheegay in ay ka biyo diidsan yihiin dtartanka doorsho ee Garoowe ka dhacday, iyagoo sheegay in ay aheyd mid lacagta Dalka Puntland lagu galay doorashada, waxayna ku Eedeyeen Yuusuf Xaaji Nuur in uu Afar Bilyan oo Lacag ah oo Bangiga Puntland taalay u weeciyey NInka ay isku beesha yihiin ee Col. Jaamac Cali Jaamac si uu ugu Iibsado Ergadda.
Xubnahan ka midka ah Taageerayaashii Muuse Xaaji Abees ayaa kulan la yeelanaya Madaxweynihii hore ee Puntland Col. C/laahi Yuusuf oo iminka ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Khadar Jacfar YOOL
Copyright © 2001 By Qandala