Qandala Home                           Qandala PSS
LAANTA AFKA SOOMAALIGA EE BBC-DA WAXAY JABISAY XEERKA SAXAAFADDA
November 26 , 2001  Wargayska Yamayska
Waxaa jira waxyaabo muujinaya in Laanta Afka-Soomaaliga ee BBC ay qayb ka tahay qalalaasaha siyaasadeed ee Puntland ka jira. Sida sharciga saxaafaddu dhigayo wariyayaasha BBC-duna ay ogyihiin, marka ay meeli ka jirto is-hayn, mid siyaasadeed ama gacan ka hadalba, saxaafaddu waa inay aad uga taxadarto wararka goobtaas ka soo baxaya.
Waxaa sharcigu qabaa in laysu miisaamo wararka labada dhinac ee wax isku haya, in haddii dhinac fursad la siiyo dhanka kalana la siiyo, in saxaafaddu ka dheeraato wixii arinta sii xumayn kara iwm.

Marka la eego qodobadaas assaasiga ah ee kor ku xusan, laantu waxay jabisay xeerkii Saxaafadda.

Waxaa taas markhaati cad u ah labadii waraysi ee 21 iyo 24kii bishan ay la kala yeelatay Col. Xasan Abshir Faarax iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase, oo labaduba ku hanjabay in ay weerari doonaan Col. Cabdullaahi Yuusuf haddii uusan ka bixin Garoowe.

Waxaa taas ka argagax iyo yaab badnayd warbixintii dhiilada iyo dagaalka xanbaarsanayd ee sabtidii uu bixiyey wariyaha BBC-da ee Garoowe oo laf ahaantiisu ka tirsan Ururka Al-itxaad ee Cabdulaahi Yuusuf ay dirireen 1992kii, taas oo wariyuhu ku muujiyey in Cisbitaalka Garoowe dhaawac ka buuxsami doono. Khamiistii iyo Jimcihii dhawayd waxaa laantu baahisay warar colaad xanbaarsan oo isla arintaas ku saabsan.

Idaacaddu illaa hadda kama hadlin dhinaca kale oo arintu khusayso iyo waxa ay qabaan toona, kama ay hadlin dadaalka odayaashu ugu jiraan xallinta khilafaadka, kama ay hadlin khudbaddii nabaddoonka ahayd ee Islaan Maxamed Islaan Muuse Jimcihii dadwaynaha reer Garoowe uga jeedshay goob fagaare ah, kama ay hadlin barnaamijka odayaasha magaalada ee ay dib ugu soo celinayaan dadkii ka guuray magaalada ee laantu u hunbaalaysay oo ay baabuur u kireeyeen sidii dadkaasu dib ugu soo noqon la haayeen guryohoodii, kama ay hadlin wax caddaalad ku salaysan oo arimaha Puntland khuseeya ah.

Dad badan oo reer Puntland ah ayey la yaab ku noqotay dhex dhexaadnimo la’aanta qaawan oo isku dirka iyo colaad hurinta ku salaysan ee laantani ka caado yeelatay muddooyin kaan danbe.

Sababtu waxay noqon kartaa; Laantani waxay u shaqaysaa Kooxda Carta, wixii kooxda siyaasaddeeda ka hor yimaadana si qaawan ayey ula dagaalantaa. Labada oday (Garaase iyo Xasan Abshir) ee Idaacaddu fursadda ay ku dhaartaan siisay labaduba waxay ka tirsan yihiin Kooxda Carta oo cadawgeeda u wayn u aragta Cabdullaahi Yuusuf.
Waxaa dad badan iswaydiiyeen sida Xasan Abshir ay ugu suurtoobayso in uu Xamar ku xukumo, Cabdulaahi Yuusufna uu Garoowe uga guusho. Sida horay wax badan saxaafadda guduhu uga hadashay laanta afka Soomaali-ga ee BBC-du waxay hadda qayb ka noqotay Kooxaha ku hardamaya Soomaaliya.

Siyaasad ahaan waxaa jira Laantani wax ay jeceshahay iyo wax ay neceb tahay, taas oo keentay inay kala soka marsato labo dhinac oo is-haya. Dad badan oo Soomaali ah ayaa rumaysan in idaacaddani kaalin mug leh ka qaadatay dhibaatada Soomaaliya ee dabada dheeraatay.

Waxaa ayana xusid mudan in had iyo goor ay ka balo sheegto Puntland, halka meelo kalana ay ka sheegto wanaag iyo horumar aan ka jirin. Soddonkii bilood ee la soo dhaafay waxaa si wayn hoos ugu dhacay sumcaddii laanta iyo wariyeyaasheedu ku la haayeen dhagaystayaasha sababaha kore dartood.

Marka la eego heerka fikirka Soomaalida iyo duruufaha guud ee ka jira Soomaaliya, arintan foosha xun waxay saamayn danbe ku yeelan kartaa xornimadii iyo kalsoonnidii shaqaalaha Laantu ku mari jireen meel kasta oo ay doonaan Soomaaliya, ayaga oo aan amaankooda cidna uga cabsi qabin.

Wargayska Yamayska
wyamayska@hotmail.com
YAMAYSKA.COM
 Copyright © 2001 By Qandala