Qandala Home                           Qandala PSS
Abdullahi Yusuf - Hogaanka Puntland Diyaar Baan u ahay in aan dhiibo
Mudane Abdulahi Yusuf Madaxweynaha Puntland oo maanta u waramayey Idaacadda Midnimo ee ku taalla Boosaaso ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in hogaanka Puntland u ku wareejiyo ciddii shacabka Puntland ay u doortaan.
Wuxuu Cabdullaahi Yusuf ku tilmaamay inqilaab aan la aqbali karin shirkii ay qabanqaabiyeen qaar ka mid ah isimada Puntland, shirkaas oo u doortey Jama Ali Jama madaxwenaha Puntland, taas oo sababtay in Puntland hadda ay yeelato laba Madaxweyne oo midba ay taageersanyihiin qaar ka mid ah Isimada Puntland.
Mudane Abdullahi wuxuu ku daray in dadka reer Puntland aay u taallo ciddii ay hogaankooda u dhiiban lahaayeen. Wuxuu kale oo raaciyey in Reer Puntland ogolayn gardaro, boob iyo siyaasado laga hogaaminayo Carta iyo meelo kale. Hogaan Puntland u qalma waa in loo helaa ayuu yiri Cabdullaahi.

Minjir Galkayo
Copyright © 2001 By Qandala