Qandala Home                           Qandala PSS
C/laahi Yuusuf oo Sheegay in uukabaxayo Garoowe
Warar naga soo gaaray maagalada Garowe ayaa sheegaya in Col. Abdulaahi Yusuf maanta ku qudbadeeyay inuu ka bixi doono magaalada Garowe talada xukunkana ay u taalo reer Puntland.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya saacada Garowe markay aheyd 10pm fiidnimo (Khamiis Jimco soo galeysa) ay bilaabeen ciidankii ku hareereesnaa hoyga Col. Abdulaahi Yusuf degan yahay diyaargarow u muuqatay inay safar ku baxayaan.

Laakiinse dadka qaarkiis waxa ay magaalada isla dhexmarayaan in laga yaabo Col. Abdulaahi Yusuf in uu doonayo inuu weeraro qeybta ciidanka ee 54aad kuna taalo magaalada Garowe. Ciidanka qeybtaasi fadhiya ayaa isku raacay in aysan taageero u fidin labada dhinac ee isku haysta siyaasada dowlad gobaleedka Puntland.

Dad kalena waxaa ay saadaalinayaan in Col. Abdulaahi Yusuf weerar ku qaadi doono magaalada Boosaaso.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa muuqata in dadku wada dhowrayaan sidii xal loogu helilahaa dhibaatooyinka soo foodsaaray Puntland bilihii danbe iyadoo laga wal wal qabo inay ku dhamaato si dagaal ah.

Copyright © 2001 By Qandala