Qandala Home                           Qandala PSS
Baaq Cambaaraynaya dhacdadii Garoowe
Disembar 1, 2001
KU: Isimmada Puntland
KU: Dhammaan Dadweynaha Reer Puntland
KA: Waxgarad Beesha Cumar Maxamuud ee ku nool dibedda

UJEEDDO: Baaq ku saabsan dhacdadii Garoowe ee 21/11/2001

Salaamu Caleikum wa Rahmantulaahi wa Barakaatu
Annagoo ah waxgarad u dhashay beesha Cumar Maxamuud, waxaa aad noo taabatay naguna reebtay qalbi-xumo qoto dheer, weerarkii qaawanaa ee lagu qaaday Magaalo Madaxda Puntland Garoowe (21/11/01), iyo dhimashadii xaq-darrada ahayd ee meeshaas ka dhacday. Waxaan u aragnaa inay ahayd gardarro aan geed la isugu soo gabban, aysan jirinna wax macnayn kara in dad walaalo ah dhiigooda dan shakhsiyeed ee qaawan welibana qaldan loo daadsho. Waxaan dadweynaha Puntland ka codsanynaa inay ogaadaan inaysan arrintaasi ahayn mid ay u dhanyihiin dadka u dhashay reerka Cumar Maxamuud ee ay ahayd mid gaar u ah ninka duulaanka qaaday iyo dad calooshooda u shaqaystayaal ah ama si khaldan wax loogu sheegay ee aan ku raacin talo reer, iyo dadkii Garoowe uga gacan haadshey. Waxaannu si gaar ah ugu tacsiyeyneynaa xigtadii walaalahayagii goobtaas ku dhintay. Waa garabkayaga oo bannaanaaday. Alle ha u naxariisto, Aamiin!
Sidoo kale, waxaa dhaleecayn buuxda u soo jeedinaynaa caqliga foorara ee farta ku fiiqaya meelo ka mid ah Puntland ama Somaliya, kaasoo leh waxaa ku jira argagixiso. Somaliyi waa iska warqabtaa, waana la ogyahay ujeedada ka dambaysa fitmada la rabo in beelo Somaliyeed lagu baro-kiciyo, ayaadoo dano raqiis ah laga leeyahay.
Sidoo kale, waxaan uga degaynaa dalalka deriska ah inaysan ku dhicin marin habaabinta qaawan, ayna dhawraan daris-wanaagga ay Puntland la leedahay dariskeeda. Qas laga sii oogo Puntland cidna dan uma aha, ruux uusan doonayn dadka Puntlandna dalal shisheeye ama ciidamo shisheeye kuma khasbi kararaan reer Puntland. Waxaan ka xunnahay in siyaasiyiin Somaaliyeed hadda aamintay inaysan Somaliya xukumi karin haddii aysan xoog shisheeye soo kaxaysan, dadkuna uga baqin, "war waa ina bara-kicinayaaye balada inaga daayaa ha iska joogee". Waannu ka xunnahay meesha arrintu gaartay. Waxaan ilaah ka baryayenaa, waa bil Ramadaane, inuu qaluubta ummadda Puntland iyo tan Somaliyeedba isu soo jeedsho, inta xumaanta wadddana rabbi ka qabto.
Waxaan u soo jeedinaynaa ciidanka Garoowe xoogga ku qabsaday inuu isaga baxo sharuud la'aan intaan talo faraha ka bixin oo aynaan gayaan u noqon wixii Xamar ka dhacay, arrinu noqon deriskaa marna ku diin marna ku dayo.
Mahadsanidin
Baaqaan waxaa saxiixay:
Qoraalkaan waxaa kusaxiixan 102 qof oo sida qoraalka kucad kala jooga wadamada UK, Canada, USA, Saudi Arabia, Holland, Sweden. Magacyadaas waxaa lagala xiriiri karaa qoraaga ABDUL R. IRRO abdulrirro@aol.com
AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara qorayaasha kusaxiixan, kana tarjumi maayo aragtia SomaliTalk .
2001-12-02
Copyright © 2001 By Qandala