|  |    “Waraabe iyo Wolof”  Gabygani wuxuu ku saabsan yahay dood iyo dagaal dhexmaray “waraabe iyo wolof” iskuna haysta raqdii hal mageeda la'oran jirey wabax. dagaalkuna wuxuu ku bilowday markii wolof ku guuleysatey iney waraabha raqada ka eryooto iyadoo lakaashatay dugaagii kale. doodu waxay tilmaamaysaa sida waraabo u samri la'ayahay iyo sida aanay wolof  marna u aqbaleyn inay sii deyso kuruskaas iyo  wananka baruurta badan  oo dooxada barwaaqaadaa jooga. lasoco doodii  Wolof iyo waraabaa  is helay  oo is weherdaamey waxey tiri waraabow dacwaan soo walaanwaline ee weedhayda maqal waa midaan waadax kuu orane **         **         **         ** hashii wabax markaan wiiqay oo wadnaha goostay oo aan welimadeedii lahaa muudso weligaaba waa maxy waraabow  waxaad weerarka u qaaday **         **         **         ** wuxuu yiri miyaad waalan tahay waananba ogeyne anoo weerku ii xiran yahoo waabsha cadowgeyga sow taad warmaa ilaheshoo wiiqday dhabrkayga **         **         **         ** wexey tiri warmaa kulama dhicin kumana waanshayne waladaan lahaa yuu hortaa weecsan oo cunine waxmagartadii baa dhibkiyo kicisay weehaanka **         **         **         ** wuxuu yiri  raqdoo ii warano aan waaxwalbaba haysto sow taad wareerkiyo dhibtiyo kicisay weeraanka oo dugaagi soo wada baxoo igu walaahoobey **         **         **         ** wexey tiri waxbadan baad cuntood waaxid ku ahayde ana wiigag  waxan dhamayn baan washiiqsadaye wajiiniyo xagaa uun i dhowr weelkii baa marane **         **         **         ** wuxuu yiri wedkaygaan geline silic la waanshooday sow taan wardheer iyo walwaal wolofey sii gaarey waaberi iyo fiid sow nigii walalashleynaayey **         **         **         ** walbahaarkii waagii ihalay waan wakinayaaye walkadeedi baan waayadaan  weli wareeraaye sow aniga weehabayoo waldhadu ihayso **         **         **         ** anoo waadigaiyo kaymahaba  dugaaga wiidaysta oo waxaan calmado saacad qura la'igu soo weecsho sow taad warmaa ilaheshoo wiiqday dhabrkayga **         **         **         ** waxey tiri waraabow ilow waayadii horo'e hadii uu wareerkaan kubaday madaxa kaawalay wakhtigeyni joogniyo hadana anaa kawaayeela **         **         **         ** wuxuu yiri wadadu waa fogtoo weerer igu dheere hadii  aanan wiig iyo bar socon waw habeen dhixiye hayeeshee dugaagaa kalaa waranka kuu qaadan **         **         **         ** wexey tiri waraabow carigan  weerki ka'idlaaye ma weyshiyo saceedaa maruun weerar ila beegsan mise waladiyo wankeer buuran baa weyrax igu jiiri **         **         **         ** wuxuu yiri weerkii warmaa kuu wasacay waakan weyraxaye jiifaaguu wakiishana haduu weerar soo yahaye waa maxay wedkaad ila rabtaan adiyo weerkaasu **         **         **         ** waxaytiri waraabow walee waanuf baad tahaye adiguba warjeef kaad wadaad iguwareentaaye hayga waabin weerkayga waan weheshenaayaaye **         **         **         ** hayeeshee  warbaan kuu hayaa waanana u dhow'e weerer iyo dagaal waa mushkilo inaan ku waraaye ee labda dhinac aan waaxaysanoo waab ukala yeelo **         **         **         ** wuxu yiri waaniyo iyo kalgacal dhimay warkoodiiye war wankiyo baruurtii intaad adigu waamayso wolofey walee waayadaan kuu warcalin maayo Waxaa Gabayga tiriyay "Faisal Mussa" abuxamsa@hotmail.com  Waxaa isku soo uruurshay : Khadar Jacfar Copyright © 2001 By Qandala |  |